Uur diimeedka Alshabaab oo inta badan ka arimiya Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya iyo Bartamaha Somalia ayaa waxay ganafka ku dhifteen iney ogolaadaan Hay’adaha shisheeye e gargaarka bixiya iyadoo ay gobolada ay ka taliyaan ay yihiin kuwo abaaruhu aad u saameeyeen.
Sarkaal lagu magcaabo Sheekh Suldaan oo la hadley qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegey ineysan ogolaan doonin in hay’aduhu yimaadaan goobaha ay ka shaqeeyaan isla markaana aysan fasixi doonin hay’adahaas.
Alshabaab oo lagu tilmaamo iney gacan saar laleeyihiin Argigixisada Caalamiga ayaa iyagu waxay bilaabeen iney gar gaar ka fidiyaan gobolada ay ka taliyaan iyagoo xoolaha Zakada ah iyo biyo dhaamis ka wada degmooyinka ay abaaruhu aad u saameeyeen.
Khubarada ku xeel dheer arimaha horumarka ayaa arintan mamnuucida hay’adahan ku qeexey talaabo mudan in la qaado iyadoo lacagaha ugu badan ee ay hay’adahani soo helaan ama soo qaataan ay ku baxdo jeebkooda isla markaana wax yar oo aan nafac laheyn la gaarsiiyo dadka tabaaleysan.
Waxay kaloo diraasooyin lagu cadeeyey in dadka gaccanta la baro ama waxsiinta la baro ineysan shaqeysan isla markaana ka sugaya in hay’aduhu wax walba u qabtaan taasoo keentey caado cusub oo aan Soomaalida lagu aqoon oo ah qeylo dhaan loo dirsanyo hay’adahaas isla markaana laga leexdey maareynta deegaanada iyo qodoshada berkedaha ama keydadka biyaha.
LaasqorayNET-Wakaaladaha Wararka
