webmaster@laasqoray.net

Ururka ALNASAR Uk Waa Tiirdhexaadka Qurbajoogta Reer Maakhir

Tan iyo xiligii uu burburku ku yimi dowladii dhexe ee soomaaliya marnaba may helin goboladii soomaaliya Maamul hanta adeega bulshada waxaanay noqotay inay kaalintaas buuxiyaan Qurba joogta Gobolada soomaaliya.

Hadaba Gobolada Maakhir ee Sanaag Haylaan iyo Galbeedka Bari waxa u xusulduubatay inaanay marnaba ka daalin sidii ay u buuxin lahaayeen Baahiyaha Asaasiga ee ka jira Deegaanada Maakhir  Ururka Haweenka ALNASAR ee ka jira Uk waana Ururka Keliya ee wax ka qabta deegaanka dhinaca baahiya aasaasiga sida Waxbarashada,Caafimaadka iyo dhismayaasha hadba loo baahdo waxaanay inta badan xooga saraan Waxbarshada Iyo Caafimaadka.

Ururkani waxa aasaasay Haween waxaanay bishii hal mar iska qaadaan lacag waxaanay ku taakuleeyaan hadba meesha baahidu ka muuqato wax siyaasad ah shaqo kuma laha waan Urur aan qaban wax shira waxanay dadaalkooda ku koobaan inay xooga saaraan sidii ay isugu duubnaan lahaayeen ma jiraan habayaraatee wax kaalmo ah oo ay waydiistaan Hayadaha deeqaha bixiya hadana waxay ka waxtar badan yihiin Hayadaha Caalamiga ah.

Hadaynu yara jaleecno waxqabadka Ururka ALNASAR waxa kamida Dhismaha Iskuula Afurqaan,Dhismaha Jaamacada Maakhir hada ku jirto Iskuulka Hadaaftimo,Masaajidka Tuulada Habarshiro, waxa kaloo ay Gacan ka gaysteen dhismaha Cisbitaalka Badhameed iyo Qalabka Caafimaadkaba waxay taageero aan kala go, lahayn ladaba jooga baahiyaha waxbarshada sida Jaamacad Maakhir iyo Dhamaan Iskuulada ka jira deegaanda Maakhir Sida Hadaaftimo,Ceelbuh,Xiingalool iyo qaar kaloo badan waxa kaloo xusid mudan inay hada gacanta ku hayaan inay keenaa Cisbitaalka Badhameed Qalab caafimaad oo casri ah waxaana hada  ku sugan Magaalada Badhan  Xubno sar sare oo ka socda ALNASAR si ay u gudoonisyaan Qalabka Caafimaadka Mareeyaha Cisbtaalka Badhameed Dr Ciise waxaanay ku howlan yihiin inay soo qiimeeyaan baahiyaha kale ka jira deegaanka.

ALNASAR waa Urur qaabdhismeedkiisu la mid yahay Ururada Caalamiga ah waxaanay ka hufan yihiin is qabqabsi iyo muranka ragaadiyay Ururada kale ee soomaalida waxa kaloo aanay la wadaagin Ururada kale inay ku faanaan waxay ay u qabanayaan Dadkooda baahan waxaanay si farshaxamaysan uga doodaan hadba meesha ay taakulada u fidinayaan waxay lee yihiin Maamul xilkas ah oo aan muuqan mararka qaar waxaadba is odhanaysaa yaa Maamula waayo sida waayo aragnimada leh ee ay wax u qabanayaan isu maamulayaan isula jaanqaadeen waa mid u baahan in buugaag laga qoro ALNASAR habayraatee wax maamula gacansaar lama laha waxaanay ku kooban yihiin Dhaqaalaha ay dhexdooda ka uruuriyaan

Waxa kaloo aad loola yaabo oo aanu Ururkani la wadaagin Ururada kale ee ka jira Qurbaha inaynaan gacan waydiisan dadka deegaanka ay caawinayaan kazoo jeeda iyagooka baqaya inay ku keenaan tafaraaruq iyo sida Soomaaliada lagu yaqaan ee ah Tayda ha layeelo ama wixii aan ku siiyay soo celi

Kuma soo koobi karno qaabka ALNASAR u shaqeeyaan iyo sida ay dhaqalaha isaga Uruuriyaan waxaanusa dhawaan idiin soo dayn doonaa waraysiyo aanu la yeelanayno Madax sareALNASAR hadii alle idmo dhawaan Soomaliduna waxay ku maahmaahdaa Hadii lagu sheegana waa lays sheelaa hadii lagu sheelana waa lays sheegaa markaa ururku waa Urur is Sheelay waana in la sheegaa

Xigasho- Maakhir.net

Comments are closed.