webmaster@laasqoray.net

Ururka Horumarinta Maakhir oo Axadii ku shirey magaalada Amsterdam ee Wadanka Holland

Waxaa maalintii aheyd Isniinta kuna beegneyd 11ka bisha 4aad ee sanadkan 2011 ku shirey magaalada Amsterdam ee dalka Holand ururka Horumarinta Maakhir ee dalka Holland isla markaana ka arinsadey

Ururkan oo ah mid ay ku bahoobeyn qurbojoogta ka soo jeeda degaanka Maakhir ee gobolka Sanaag ee degan wadanka Holland.

Ururka Horumarinta Maakhir

Ururkan dhisitaankiisa ayaa  laga soo shaqeynayey ilaa iyo bilowgii sanadkii lasoo dhaafey, Ujeedooyinka Uururka  ee ugu waaweyn ayaa waxaa ka mid ah:-

  1. Isu keenida dadka kasoo jeeda degaanka Maakhir ee ku kala fidsan wadanka Holland, si ay wax u wada qabsadaan, wacyigelinta iyo garaadsiinta dhalinta soo koreysa.
  2. Ka qeybqaadashada horumarinta deegaanka Maakhir iyo dadkiisaba.

Hadaba shirkaan oo ahaa kii 3dexaad waxaa lagu falanqeeyay amuuro ay ka mid yihiin:-

  • In uu hirgaley ama dhismey ururkani, isla markaasina uu bilaabey inuu hirgeliyo qaar ka mid ah hawlaha horyaala.
  • Soo dhoweynta xubno cusub oo kusoo biirey ururkan iyo kala qaadashada warbixinada khuseeya ururkan ee arimaha bulsho, dhaqaale iyo siyaasadeyd ee degaanka Maakhir.
  • Lacag lagu ururiyey, laguna taabayo ka hortagida abaaraha heysta degaanka xiligan abaarta.

Waxaa xusid mudan in ururkani uusan aheyn urur siyaasadeed, balse uu yahey urur horumarineed  ayna hogaaminayaan waxgarad iyo mutacalimiin kasoo jeedaa deegaanka Maakhir. Lacagta loogu soo ururiyey abaaraha waxey dhantahey $1000 oo si dhakhso ah loogu dirayo dadka ku hawlleh arimaha gurmadka baaraha.

Urur wuxuu ka koobanyahey 2  gudi oo kala ah:-

-Gudiga sare: – oo meteleya  midnimada jaaliyada maakhir, hawshooduna tahey kormiirada hawlwadeenada ururka iyo shaqadooda. Gudigan waxaa xubno ka ah:-

  • Gudoomiyaha Gudiga sare:- Professor Cumar Shire Yuusuf. Lagana helo tel. lambarka:- 06-10442459
  • Gudoomiye ku xigeenka:- Aqoonyahan Ma’ud Faarax Ducaale. Lagana helo tel. lambarka:-06-51310496
  • Afhayeenka  ururka :- Aqoonyahan C/llaahi  Ma’ed Jaamac  Lagana helo tel lambarka:- 0172440195
  • Xubin: Marwo Isamahaan Ma’ed Muuse” Cadceed”, Marwo Xaawo Saxardiid Jaamac “Hareeracade”, Marwo Sahra Jaamac Muuse iyo Maxamed Jaamac Cabdi “Ducaale”

-Gudiga Fulinta:- oo loo xilsaarey u kicida hawsha ururka, xubnaha gudigana waa:-

  • Gudoomiyaha Gudiga fulinta:-  Maxamuud Aden “Jaamuus” lagana helo Telefoon lambarka:- 06-81944399.
  • Xogheynta ururka: Faarax Daahir Dalmar lagana helo Telefoon lambarka: 06-22182851
  • Lacaghayaha: Ifraax Aaden 020-3311353.

Gudiyada maamulka ururkani waxey mahad guud ujeedinayaan dadkii kasoo qeybgaley shirkan, mahad gaar ahna u jeedinayaan Saynaab Geesood oo noo fududeysay in kulankani qabsoomo.

Waxaa socon doonta hawlaha tirakoobka iyo qoritaanka xubnaha ururkan, dadka raba iney iska qoraana waxey la xiriiri karaan gudoomiyaha iyo xoogheynta gudiga fulinta.

Mootada ururka ayaa ah “Gacmo Wadajir ayey wax ku qabtaan” taas oo ururku gacmo furan kusoo dhoweyneyaan  qurbojoogta Maakhir ee aan ka qorneyn ururkan,  joogana Holland, wadamada kale ee

Benelux-ka  iyo wadanka Jarmalka , iyaga oo lasoo xiriiri kara hawlwadeynada kor ku xusan. Ama email usoo dir ururka horumarintamaakhir@gmail.com kalana soco hawlaha ururka webpage-kiisa ku meelgaarka ah ee

http://www.facebook.com/home.php#!/profile.php?id=100002283087505

Wabilahi Towfiiq,

Ururka Horumarinta Maakhir.

Eindhoven-Holland.

Comments are closed.