Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa waxaa ka dhacay Shir ay kasoo qayb galeen madaxda Dalalka Shirweynaha Islaamka kaasi oo looga hadlayey xaaladaha abaareed ee ka jira dalka iyo Sidii ay dalalka Islaamku gacan uga geysan lahaayeen gurmadka ka socda Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa kasoo qeybgalay Madax ka kala socotay dalalka Islaamka waxaana dhanka Soomaaliya kulanka uga qeyb galay Wafdi uu hogaaminayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shirka ka jeediyey Qudbad dhinacyo Badan taabanaysay oo uu diiradda ku saaray xaalada dalka gaar ahaan saamaynta ay arrimaha Abaaraha ku yeesheen nolosha dad badan oo Soomaaliyeed.
Halkan Ka Dhagayso Qudbadda Madaxweynaha Soomaaliya uu ka jeediyey Shirka OIC oo Af Carabi ah.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay OIC
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa tilmaamay in dalka Soomaaliya ay Saameyn ku yeesheen Abaaraha guud ahaanba ku dhuftay gobolka waxaana uu Madaxweynuhu dalalka Carabta uga mahadceliyey kaalinta ay u muujiyeen inay Shacabka Soomaaliyeed la garab taagan yihiin.
Dhamaanba Madaxdii ka hadashay shirka ayaa isku wada raacay inay waqtigan tahay lagama maarmaan in Shacbiga Soomaaliyeed loo wada gurmado ayadoo laga samata bixinayo Abaaraha Saameeyey Noloshooda waxaana Shirka dalalka Shirweynaha Islaamka uu kusoo gebo geboobay Jawigii loogu talagalay ayadoo Shirkaasina ay marti gelisay dowladda Turkiga.
Radio Muqdisho
