webmaster@laasqoray.net

WAR MURTIYEED:- Ururka Maakhir Society oo Lagaga Dhawaaqay Wadanka Britain

Ku: Jaaliyada Gobolada Maakhir ee ku nool Dalka UK
Ku: Jaaliyadaha kale ee Soomaaliyeed ee ku nool Dalka UK
Ku: Dhamaan wax garadka iyo shacab weynaha Reer Maakhir ee gudaha dalka Somalia
Ku: Dhamaan shacab weynaha Reer Maakhir ee ku nool dunida Dacaladeeda

Waxaa dhamaan la ogeysiinayaa dhalashada urur cusub  oo ah mid bulshadeed iyadoo ururkaasi ka shaqeyn doono dhamaan arimaha khuseeya Bulsha weynta reer Maakhir ee ku kala fidsan daafaha aduunka iyadoo qorshaha dhisida ururkani uu soo socdey mudo gaareysa 8 bilood.

Hadaba waa maxay Ujeedooyinka  ururka Maakhir Society?

Hadafyada ururka Maakhir Society waa badan yihiin iyadoo loo kala qeybshey ahdaaf dhow oo khaas ah [UK] iyo ahdaaf fog ama yool mustaqbalka ah oo caam ah[Somalia iyo Qurbaha kale].

Ujeedooyinka dhow waxaa ka mid

  • In laga shaqeeyo isku duubnida iyo isku xirnaanta bulshada kasoo jeeda deegaanada Soomaaliyeed ee Maakhir eek u nool cariga Boqortooyada Ingiriiska.
  • In laga shaqeeyo oo la kobciyo ka warheynta ubadka u dhashey Caro Maakhir eek u nool dalka UK isla markaana dhaqankoodii iyo hidahoodii lagu wacyi geliyo.
  • In la xuso oo laga shaqeeyo sidii loo keydin lahaa taariikhdii iyo raadadkii ay reebeen Badmaaxiintii Reer Maakhir  ee in ka badan 150 Sano UK imanayey.
  • In bulshada Maakhir iyo kuwa walaalohood ahba ee Somaliyedba laga haqab tiro macluumad la’aanta haysata hadey noqoto dhinaca Shaqooyinka iyo tababarka.

Ujeedoyinka uu Doonayo Maakhir Society inii tiigsado Mustaqbalka waxaa ka mid ah:

  • In laga shaqeeyo horumarka Gobolada Maakhir ee guud
  • In laga shaqeeyo midnimada iyo nabada Deegaanada Maakhir ee Soomaaliya
  • In laga shaqeeyo kobcinta Waxbarashada iyo aas aaskeeda
  • In laga shaqeeyo wacyi gelinta bii’ada deegaanada Maakhir
  • In Laga shaqeeyo bisleynta Siyaasada iyo kala danbeynta Gobolada Maakhir.
  • In loo yeelo Bulshada Maakhir Hadaf keli ah si loo helo Midnimo Guud

Qaab dhismeedka Ururka Waa

Gudida Odayaasha  7 Xubnood

Gudida Fulinta         7 Xubnood

Gudida Guurtida

Maxamed Cabdi saalax (Dhegjar)

Cumar Xaaji cali

C/raxmaan Faahiye Maxamed

Maxamed Jaamac Yuusuf ( Cudud)

C/laahi Diiriye Dafle

Xasan Maxamed Jaamac Guribar

Xubin Haween ah Dib ayaa laga soo magacaabi

Gudida Fulinta

C/raxmaan Maxamuud Maxamed Dhoore Gudoomiye

C/casiis Maxamed Xasan                            G/Kuxigeen

Foosi Cabdi Aadan Finiin                           G/kuxigeen

C/risaaq Maxamed Xaaji Cali                     Xoogahaya Guud

Maxamed Xaamud Liibaan                          Xidhiidhiye

C/salaan Axmed Ali Kanadiid              Khasnaji

Xubin Haween ah Dib ayaa laga soo magacaabi

War murtiyeedkan waxaa nasoo gaadhsiisayay Maakhir Society

Subscribe to Comments RSS Feed in this post

12 Responses

  1. asc waaxan laa hadlayaa nin kaa snm ku qarwaayaa waalaay fikirkaaga dhibo laakin waaxan ku odhan laa waaxad uu egtahaay nin uqdadeeysan oo u haayo xanun kaa dilaaga ah kasnaa daawo maa lee maacnahegu waaxa weeyaan qabiil iyo iyo axlaaq xuumada meeshaa kaala taag ee xaqiiqada kaa foog ee adee ku hadlaayso adiiga iyo waaxi kulaa miida ,,,snm naa waad ogtahaay inaa waaxi umaada reer somaliland laa soo maariyeey ayee kaa gil gilataay iyaado dowlaad laa dagalaamayseey macnahegna ah inne dlmiga iyo dilka laagu haayo shaacab wyne haa kaa soo jeeda reejim kaa isaaq ee laa laaynaayo iyadon ciid kaale toona dan garaa kaa laahaayn laakin maacnaha siyad baare ahaa haa laa tirtiro reer kaa shegta isaaq wyne snm naa xaaq uu dagalamaysey ciid naa anne kaa argoosaan oo xaqiiq daa ciid kasta ogtahaay waayo dlmii haadeey kuu baaxeen dowlaada iyo qaraan kaa somaliland maaba soo gaaren intaa<< markaa aflaagado iyo qabil waa waaxa ayee manta somaliland ogaa dagalaamayso ee ayee kaa gilgaltaay inne somaliland diid kaa iyo nabad diid kaa meel qaran kaa somaliland ugaa soo wade jeestaan taasina waa xaaqiiq ciid naa kama qarsoono somaliland naa qofki dadkiisa iyo dalkiisa waax uu tarayaa uu diidi maayso laakin ninkaa qaabil iyo boolicune ahaan jiiray dabadhilif kee siyaad baare ee umaada iyo maatida liiqaan ee haadenaa xuumanti iyo dhibatadi waali raadinaya inne beel beel iyo qabill laa isku laayo walaalaha somaliland ee inaan iyo abtigi ah dee ciidi kaa yeeli maayso ,,, sanaag bari iyo buuhodle naa waa somaliland somaliland naa waa qaaran ciidina kaa yeeli maayso siida mqdisho haa nooqoto markaa uqdada iyo somaliland naceb kaa haa laa joojiyo hadad dadkina waax uu qabanaysaan yaa idin diidaan laakin somaliland waa tihid waana muqades somaliland kee somaliland qaas iyo dagaal sookeye laa yimada naa gacaan biira laag qabanyaa ssc naa waa al-shabaad iyo nimaan danagar ah lee oo carrahogu qurbe uu joogaan waadenkana qaas laa raaba allah haa guleeyo qaran kaa somaliland ee xalasha ah cadow geeda naa allah haa kaa qaabto aamin aamin

  2. WAXAAN HALAKAN KA CADEYNAYNAA HADAAN NAHAY ODAYAASH REER MAAKHIR INAANU JIRIN URUR LAGA SAMEEYEY LANDON OOREER MAAKHIR LEEYIHIIN HADAAN LAGU RIYOON WABILAAHI TOWFIIQ

  3. Dhalinyarada wax eedaynaysa waxaan leeyahay ha degdegina, fiiro dheerna yeesha.

    Ururkani waa urur bulasho , ma aha mid u adeegaya S/L AMA P/land, waa mid u adeegaya MAAKHIR .
    Ha deg degina.
    Hambalyo reer Maakhir.

  4. waa mahad san yihiin walaalaha laasqoray.net . waxaa wax yar ka oran lahaa qofkii tiisa daryeela ayaa cid cale wax u tari kara. waxaa walaalaha laasqoray ka cosanayaa in ka fiirsadaan waxa ay qorayaan. dadkan ururada sameynaya kama war hayaan bulshada reer maakhir. waxaa wax lala yaabo ah in nin isku magaacabay gudoomiha reer maakhir uu hargaysa ka soo jeecsay oo xiligii doorashashooyinka waqooyisa uu tegay. ilaahay ayaa soo saaray wixii uu qarsanayey. qofkii dooonaya in uu isu magacaabo bulshada waa in isa soo sharaxo. waxaan ogahay in dad badan dadkii oo dhan la dagaalameen sidii loogu dooran lahaa bulshada, marar badana ay xirii la leeyihiin maamulka somaliland. goorma ayey sameesan doonaan sida walaalaha ssc, oo garaadkoodu meel kasta u marayo qadiyadooda, maaha sida kan hargaysa degan oo hada la balansan in uu la kulmo siilaanyo, oo sida la sheegayo saxiixo waraaqado ah in maakhir tahay reer somaliland. war hurdada ka toosa isku buubma oo iska warka aan meelna gaareen.
    waxaan ka codsan lahaa walaalaha laasqoray.net in arinta uu u yimi suldaanku keenaan qofna aan looga xishoon. waa mahadsan tihiin walaalaha reer maakhir meel ksata oo ay joogaan.

  5. good and well done

  6. mar kasta oo xoogaa yididiilo isku duubni ah laga dareemo dad ka reer makhir oo lays yiraahdo wax baa markan soo muuqda maxaa reer Uk urur cusub ama shirar aan ujeedadooda lagaranayiin ula soo baxaan hadaan meesh wax kajirin oo dabadhilif ka isaaq qas iyo iska horkeen wadin
    axmed aan kuu saxee dhibka snm reer maakhir ku sameeyey iyo gardaradii cunsuriyada ahayiid waxay bilaabmatay 1985 kii

  7. ururkan ma mid u adeegaya baa snm oo la ogyahay wixii ay ka sameysey 1993 dadka reer maakhir iyo boqolaalkii waayeelka ahaa ay qudha ka jareen oo ay magaalooyin dhan intey soo galeen danbas ka dhigay hadey sidaa tahay adeer magac maakhir cadowga yaan loogu shaqayn .hadii ay tahay umada reer maakhir baan loogu adeegaya waa soo dhaweynaynaa .puntland iyadan hadlkeeda daaba hadeeray shacabkayaga maakhir laynaysaa isakan ilaasha inad u adeegta cadowga mawaadiniinta reer maakhir

    • Wiilka Axmed sheegtow, ina adeerow aflgaadadu ma fiicna, ma dadka meesha magacyadooda ayaad garanaysaa oo ah kuwo idoor u daba dhilif ah, mise wasakhda gaalanews yaad maqashey iyo cunuga waalan?

      waa iinaad ka xishootaa walaalow waxaadan hubin sheeg oo dad tolkaa ah magac xun ku sheeg, waa khalad taasi.

      xagaadse ku baratey Cumar Xaaji cali oo aad ku ogaatey inuu SNM u shaqeeyo soo kan hada Farole ku wada Kuwait maaha? Xishoodku waa muhiim.

  8. walaalaha laasqorey net aad baad u mahadsantihiin marka hore. marka xiga inigu fikir ahaan waxaan qabaa Gabdhaha in ay qayb wayn ka noqdaan ururka maakhir society. “Hal gabadh oo gudiga ah baa la soo magcaabayaa” micno wayn masamaynayyo dumarku iyagaa ah emotional is la markaas na ku fiican kicinta bulshada sidoo kalena ka daacad san raga gaar ahaan xaga hawl qabashada iyo midnimadaba. sidaa daraadeed aan wax ka bedelno qorshahan other wise it will be gender segregation. which is not fair.
    Mahadsanidiin

    • Walaala yaal , waa in daacad loo noqdaa dalkeena maakhir , waan in bulshada la ku nool gudaha dalka maakhir la daryeela si ay wax u qabtaan , dekkedda laasqoray 90% hurumarka maakhir weeyaan , waad ogtihiin muddo dhowayd markii ay soo shaacbaxday qalab iibin , fadeexadda ina ka raacday , muhiimadda waa in la saara dekkedda laasqoray , cadow badan ayay nu leenahay , haddi la dhiso waa laga baxi dib u dhaca ina haysta . w/billaahi tawfiiq.
      Maakhiri