Ururka SSC oo ka dagaalama Gobolada Cayn iyo Sool ayaa waxa uu waxba kamajiraan ku tilmaamay eedayn dhowaan uga timi Ururka qaar kamid ah madax dhaqameedka Gobolka Togdheer kuwaasi oo tilmaamay in Ururkaasi ay qayb ka ahaayeen kooxaha ka qayb galay dagaal beeleed dhowaan ka dhacay Deegaanada Kalshaale iyo Maygaagle oo u dhexeeya Gobolada Cayn iyo Togdheer.
Afhayeenka Golaha Khusuusida Ururka SSC Mukhtaar Xirsi Jaamac oo khadka talaafanka aan kula xiriirnay ayaa waxa uu sheegay in Ururka SSC uusan shaqo ku lahayn dagaalka Deegaanadaasi isla markaana waxa uu Maamulka Somaliland ku eedeeyey ku lug lahaan shaha dagaalkii dhowaan ka dhacay Deegaanada Kalshaale iyo Maygaagle.
Mukhtaar Xirsi Jaamac waxa uu tilmaamay in Maamulka Somaliland ay dagaalkaasi ka dambayso isla markaana ay dagaalka ka leedahay u jeeddo kale oo u gaar ah taasi oo uu ka carrabaabay saldhig la rabo in laga sameeyo Deegaanka Kalshaale oo ah Deegaan xoolo daaqeen isla markaana ah meesha uu ka dhacay dagaalka sababay khasaaraha baahsan.
Sidoo kale afhayeenka Golaha Khusuusida ama sharci dejinta Ururka SSC ayaa waxa sidoo kale meesha ka saaray in Ururkaasi uu ku lug leeyahay dagaalada Deegaanadaasi ka dhacay, wuxuuna tilmaamay in Ururka SSC ay dagaalkaasi iyo xal ka gaaristiisa u daynaayaan beelaha Deegaanka oo iyagu hawshan xalin kara isla markaana hadda kahor xal kasoo gaaray calaado caynkan ah.
Mukhtaar Xirsi Jaamac ayaa sheegay in Maamulka Somaliland Ciidamo uu leeyahay ay dagaal ku qabsadeen Deegaanka Maygaagle oo kamid ah Deegaanada beesha dhinaca Buuhoodle taasina ay kamid tahay gardaradda uu waddo Maamulka Somaliland sida uu afhayeenku sheegay.
Hadalka afhayeenka u hadlay Ururka SSC ayaa waxa uu ka dambeeyey hadal dhowaan kasoo yeeray mid kamid ah waxgaradka beelaha dagaalamay gaar ahaana dhinaca Degmada Burco kaasi oo tilmaamay in dagaalkii Kalshaale ay ka qayb galeen Ciidamo katirsan SSC kuwaasi oo sida uu hadalka u dhigay beel ahaan u dagaalamay sidoo kale taageeray malayshiyo beeleedka kasoo jeeday dhinaca Degmada Buuhoodle.
Dagaalkii ka dhacay Deegaanka Kalshaale ayaa waxaa ku dhintay 10-ruux sidoo kale waxay dhaawacyo kasoo gaareen dad ka badan 12-ruux kuwaasi oo dhamaantood kamid ah malayshiyo beeleedka dagaalamay.
Laasqoray.Net-
