webmaster@laasqoray.net

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Nusoj oo Halgankiisi Midha Dhalay.

Bilashadii Ururka Suxufiyiinta Somaliyeed ee Nusoj waxay ahayd  iftiin u bidhaamay Saxafiyiinta Somaliyeed ee  dhibaatadu ka soo Gaadhay Bur-Burka iyo dhibaatada la degtay Dalka Somalia ee mudada 20-ka sano Jahwareerku ka taaganyahay.

Saxafiyiinta oo Bulshada dhexdeeda ku leh Kaalin muhiima sidii Dalka Nabad iyo kala danbayn loogu soo Dabaali lahaa, ayaa waxaa soo wajahday Dhibaata xoogan oo kaga timi dhinacyada ku Hardaya Dalka, taasoo keentay in ay Dalkoodii ka soo haajiraan dalalka Deriska ahna u soo Haajiraan  si ay u helaan Nolol ka gedisan mida adag ee Dalka Gudihiisa ku haleeshay.

Waxay ahayd dhibaata kale oo Mar labaad ay la kulmeen Suxufiyiinta u soo qaxay Dalka debediisa ka dib Markii ay waayeen cid ku Hadasha Codkooda bulshada Caalamkana Gaadhsiisa Dhibaatada haysta, si wax loogu Qabto wakhtigaasi waa ka hor intaan dhidibada loo taagin ururka Suxufiyiinta Somaliyeed ee Nusoj, waxayse ahayd Fursad qaaliya iyo iftiin u baxay suxufiyiinta Asaaskii Nusoj oo u noqday Dallad ay ka Hadhsadaan Dhibaata Badan oo ay Banaan Yaal u ahaayeen.

Nusoj waxay meelkasta la istaagtay Qayla dhaan ay ku Dalbanayso Taageera maal iyo maadi ah oo lala soo gaadho suxufyiinta ay dhibaatadu haysato ee ku sugan Dalka Gudihiisa iyo Debediisaba taasoo ay in Badan ka midha dhalisay inkastaba Taagtu ha leekaatee. Waxayna u soo hoysay suxufiyiinta Guula Badan oo isugu Jira:

  • Kuwa ay Debedaha Uga heshay dibu Dejin oo ka baxay noloshii Qalafsanayd
  • Kuwa ay u heshay Fursada Tababaro oo xirfadooda Aqooneed kor loogu qaadayo.
  • Kuwa Dhibaatooyin ka soo Gaadheen Dagaalada Gudaha ka socda sida Dhaawacyo oo ay Xanaano iyo kaalmo dhaqaaleba ku Garab istaagtay.
  • Kuwa Dalalka Deriska u soo Qaxay oo ay ku kaalmaysay inay Helaan kaalmo ay nolosha kula Xarbiyaan.

Intaas oo Taageera ah waa kuwa Muuqda midkastana ay Markhaanti cad ka yihiin Suxufiyiinta Somaliyeed  kuwa Helay iyo Kuwa kale ee weli Nusoj ku Mashquulsantahay inay Kaalmo u heshaba, waxaana Xusid Mudan in Xaalada Lagu shaqaynayo ay u muuqato Suxufiyiinta oo Kaalmada la siinayo ay yihiin kuwa looga soo qaadayo Gacma kale oo aan la hubin in laga helayo iyo inkale taasoo  u baahan in wakhtigeeda la siiyo.

Marka la’eego tirada suxufiyiinta mid walba Dan sheeganayo iyo taageerada laga helayo kooxaha Daneeya wax u qabadka Suxufiyiinta waxaa muuqata inay aad u kala fogyihiin taasoo xaqiijinasa dadaalka aan kala go’a lahayn ee ay muujiyeen Masuuliyiinta Nusoj , taasoo Xaqiijisay Halgan ka bilawday meel madhan Hadana u muuqda inuu midha dhalay Suxufi kastana uu Markhaanti u yahay.

Iyadoo ay jirto intaas oo waxqabad muuqda oo ay Nusoj u soo Hoysay Suxufiyiinta dhibaataysan iyadoo weliba dhexjibaaxasa Mowjado caqabada ah oo hortaagan, haba ugu badnaato Caqabad dhaqaale iyo Tirada Suxufiyiinta oo ka batay waxa yar ee ku soo dhacaya Gacanta Nusoj ayaa Hadana waxaa jirta Dulqaad la’aan ka muuqata Suxufiyiinta iyaga loo yabooh Tegay  ayna ka abaal dheceen Taageeradii loo muujiyey waxaana muuqata in aan danta guud ee suxufiyiinta ka dhexaysa la’ eegayne nin walba tiisa uun u fekerayo, taasoo keentay in dacaayaad  xaqiiqda ka fog ay weriyayaasha qaarkood isticmaalaan.

Waxaa Jira Suxufiyiin Hada u muuqda inay ka bexeen Xayndaabkii Suxufinimada, Markaad qiimaysid Qoraalada ka madhan Anshaxa Saxaafada, Masuuliyada suxufinimo iyo Hab dhaqan aan ku haboonayn weriyaha oo ay ku dhaqmayaan suxufiyiintaasi taasoo la meel dhigasa Qaswadayaasha ay dad badani daraadood uga soo qaxeen Somalia waxaana muuqata in qaar badan oo ka mid ah Suxufiyiinta ay noqdeen kuwa nolol maalmeedkaba ka raadiya inay soo Daabacaan eedayma aan loo meeldayin oo ay kula kufayaan dad ku mashquulsan wax u qabadka Bulsha Dhibaataysan oo Hoo Maahee aan Hadalba u jeedin.

Talo Soo Jeedin.

Waxaan kula Talin lahaa Suxufiyiinta Somaliyeed ee Dhibaatadu Haysato inay la yimaadaan Dulqaad ogaadaana in Markii Hal Saxafi wax loo qabto ay la midtahay in isaga loo qabtay oo kale ee aanay u arag in isaga laga  tegay, waxaan kale oo u soo jeedinaya kuwa ku dhex dhuunta Magaca Suxufiyiinta ee ka ganacsada faafinta war aan sal iyo raad toona lahayn inay iska daayaan Abuurida borobogaandada aan jirin ee suxufiyiinta dhexdooda dhibta looga abuurayo ayna Ogaadaan Raadinta  dhaliil aan jirin  inaanay waxba soo kordhin ee loo baahanyahay in Masuulkii waxqabta la dhiirigeliyo taageerana la siiyo.

C/qaadir Kaarshe

Kampala ,Uganda

Suxufi madaxbanaan .

Kaarshe997@hotmail.com

Comments are closed.