Waxan aad iyo aad ula yaaba markan arko meelay ku qoran tahay sanaag bari
ama dad beesha ka soo jeeda oo isticmaalaya kalmadaas sanaag bari, waxa
dhibaato ah hadii qof ka bin aadam ka ahi aanu aqoon ama wax fekrada ka
haysan wuxu ka hadlayo ama erayadu isticmaalayo sida eraygan sanaag bari.
Waxaan is waydiiyaa dhowr suaalood markan arko Sanaag bari,
1- Gobolka Sanaag ma Bari iyo koonfur bu kala leeyahay? oo ay kala degan
yihiin beelaha isaaq iyo warsengeli.
2- Gobolka Sanaag ma gobol dhexda ka kala qaybsan baa oo labada beelod an
kor ku sheegay kala leeyihiin, sida Sanaag koonfor iyo sanaag bari.
Markaan suaalahaa kor ku xusan aad ugu fiirsaday jawaabahoodana baaray,
waxaan ogaaday Gobolka sanaag inuu yahay gobol beesha warsengeli degan
tahay 80% beelaha kalena degan yihiin 20%. Inaanu ahayn gobol u kala qaybsan
koonfur iyo bari, e beesha warsengeli ay degan tahay bari iyo koonfurba,
waxana cadaynaysa sidan hoos ku qoran.
Marki dowladi somalia bur burtay gobolka sanaag wuxu ahaa gobol ka mida 18
kii gobol ee dowladu ka kobnay, wuxuna ku jiray gobolada ugu waa wayn 18
kaas, gobolka sanaag wuxu ka koobna 5 degmo oo sidan hoos ku qoran kala ah
1-Degmada Badhan iyo tuuloyinkay xukunto (Beesha Warsengeli)
2-Degmada Dhahar iyo tuulooyinkay xukunto (beesha warsengeli)
3-Degmada Laasqoray iyo tuuloyinkay xukunto(beesha Warsengeli)
4-degmada ceerigaabo waa magaala madaxda Gobolka waana la wada degan yahay
waxayna u kala qaybsan tahay beesha harti iyo beelaha isaaq
laakin degmadu waxay xukunta 14 tuulo, 14 ka tuulo sidanay beelaha ugu kala
qaybsan yihiin,
* 3 tuulo beesha dhulbahante aya degta(jiidali,Awrbogays,Fiqifuliye)
* 1 tuulo oo ah waxa degan beesha isaaq(Maydh)
* 10 tuulona waxa dega beesha warsengeli (waxana degan beelaha Bah
ugayslabe, Jibriil siciid, Muxumud)
5- Degmada 5 aad oo ah degmada Ceel Af wayn (waxa degan Beelaha Habar jeclo
iyo Habar yoonis)
Waxa hadaba dhibaata ah iyadoo gobolka sidaa loo kala degan yahay inBeesha
Warsengeli ee gobolka 80% leh maanta loo soo qaato Sanaag Bari, dadka erayga
isticmaalayana ay yihiin dad beesha u dhashay qaar kood.
Beesha Warsengeli Awalba iyagoo danahoodi gaar ahaaneed ka seexday,
cadkoodiina goosan kari waayay, malina 5 kursi baarlamanka somalia laga
siiyo, maalinta kalena kan Puntland laga siiyo 9 kursi iyagoo degan gobolka
sanaag iyo bari aya hadana waxa ah wax aad looga sii xumaado
in dhulki ay degnaayeen oo baaxada intaa le eg ah in lagu magcaabo sanaag
bari, oo gobolkodi lakala qaybiyo nin 5% degan lagula meel dhigo, waa wax
ihaana ah aad na looga naxo.
Waxaa Warbixintan Qoray Xaaji Gaadh Haye

November 27, 2010 at 11:13 pm
waar warsengeliyoow xalkeena oo naga daaya sheekadan dhulbalaadhsi ee aad noogu sabibaysaan in umadaasi kale isku kaayo keen galisaan madaxa. iminkaanu dhibaato anaga iyo majeerteen inoo dhaxaysa ka nimi hadana ma isaaq miyaad u jihaysanaysaan inaad madaxa la gashaan oo aynu olol ku waarno umadu dagal iyo dhiig waxay ka tiri enough. ee hada xalkeena ah sidee umadan wanaageeda loo keenaa. waa in dib u heshiisiin sida uu ka dhawaajiyeen raga qaar ee kasoo jeeda ceerigaabo iyo somalilandba ay tahay in meeshan la keeno. umada reer somaliland or taariikh ku leh caalamka la isku keeno lana dhexdhexaadiyo mise inagu dagaalkama dhamaan baanu nahay yaah ilaahay ka yaba. somaliland waa dalkayagan oo haday khilaaf ina dhexmartay dee dib u heshiisiin in markale loo fadhiisto ayaa roon. puntland tol ahaan baanu ugu tagnay somaliland na juqraafi ahaan waanu nahay. ee yaan la isku qaldin juqraafi iyo beel. walaal su aal aanu idin weydiiyo bal ii sheega sideebay majeerteen iiga soo sokeeyaa ogaadeen iyo mareexaan. bal su aal is weydiiya. waxan harti la yidhaa naga dhaafa daarood ahaan inoomakala sokeeyaan majeerteen ogaadeen iyo mareexaan. mise kuwaasna dhinac baanu iska dhignay miyaa walaalaheen ah. waar qabiil qaran ma noqdo ee kaalaya umada somaliland dib u heshiisiin haloo furo burco hala iskugu yimado. saami qaybsiga si loo hirgasho waa in umada somaliland la isku tolaa. walaal majeerteen iigama sokeeyo dhulbahante ogaadeen iyo mareexaan ee intaanu isku jirno kuwaasi in lamid ah baanu isku jirnaa. dee waakuwaas ogaadeen iska degan itoobiya oo nabadooda iska haysta ee anagu maxaanu kaga duwanahay. somaliland iyana waa quruumo umadi iskugu timi sida like itoobiya oo kale u tahay quroomo isku timi. su aasha kale ee aan is weydiinayaa waxa weeye maxay warsengeli u kala doortaan hargeysa iyo muqdisho. waayo hargeysa waa agtedna xamarna way inaga fogtahay labaduba reera kale ayaa degan ee maxaa faraq u dhaxeeya. isaaq iyo hawiye maxay inoogu kala duwan yihiin. ileen muqdisho maahan deegaan daarood hargeysana kama dhacaanee. bal tan ayaaba laga yaabaa inaan aad uga dhex muuqano. umaduna waa isla somaliyee. yaah kan hargeysa joogaa somali ma ahan miyaa waa sidee sidani. xamar nin naga accent duwan oo somali ah baa jooga hargeysana nin aanu isku accent nahay ayaa jooga. ee tolnimo waxba kuma dhacayaan ee somali ayaa u kala baxaysa siday u kala baxsanaayeen barigii oo ay u kala lahaayeen xuduudaha. qolodaasina weli talyaaniga ayay xidhiidh la leeyihiin anana maxaa inaga haya inaanu la wadno ingiriiska xidhiidhkiisa. reer jabuuti se maxay inaga duwan yihiin iyaba waa sida somaliland oo kale. nin walibaa gumaystihii haystay ayuu weli la leeyahay cilaaqaad ee anaga reer waqooyi kibirbaa halkaas ina badayee aanu somaliland ahaan ku bahowno oo aynu ka sii amba qaadno cilaaqaadka inagala dhaxeeya ingiriiska. sidaasi africa oo kale aanu raacno oo aynu xuduudkaanu lahayn 26kii june lasoo labano. walaal kala dooro hawiye ama isaaq hargeysa ka joogaa waa isla somali aanu weliba isku lahjad nahay kan xamar joogaana isna waa somali kale oo weliba iga lahjad duwan talyaanina hoosta ku wata sidiisii hore. ee inakala kaxeeya. beeshayadan aanu dhowrno umadeena kale ee hargeysa aanu ka mid noqono. yaah halkaas ayaanu atleast ka badbaadi karnaa oo ay wax inoo saaran yihiin sheekadan daaroodna mid wanaag inoo haysa maahan ee colaad warsengeli iyo dhulbahante way ka daaleene ee waa time to set peace and become part of our nation somaliland. somali midnimadeeda se maxaa inooga dan ah waa mid nalagu quudhsaday oo ay berihore beelahan isaaqu isaga ordeen ee meeshaas waxa inoo yaala ayaanu garan laanahay ee naga dhaafa somalia ee aanu somaliland noqono. beesha caalamka somaliland way kamid noqon kartaa just like somalia waayo xuduud sugan bay leedahay oo kuna fadhisa taariikh se puntland waa wax aan caqliga geli karin somalia iyana waaba taas mesha nalagu quudhsaday ayay noqotayee bal aanu isku laabano oo aynu kala doorano in maamul beeleed aan weligiis xor ahaan doonin oo ay reer muqdisho dhibaateeyaan iyo in aanu la soo labano qaranimadii iyo karaamadii aanu caalamka kulahayn ee somaliland. taasina ay tahay taa aanu kaga badbaadi karno. kan isaaq isaga waan ka caqli badin karaa se kaasi kolkiisa horeba maabah kamid ahayn. ee beeshaan si dhan ha uga tagto qolodaas oo karaamadeeda ha dhowrsato oo somaliland ha ku eekaysiistaan.
November 27, 2010 at 10:51 pm
kii holac u diyaara la idiin gaban maayo. laakiin kii dagaal bilaabaa waa la is arki. hada waa afka heblaayo waa warsengeli. yaah midingaale iyo waxaani waa tuulooyin ay maamulka majeerteenia soo dhaadhaabtay ee wax wax ka jiraan maahan. laa kiin ogow kii holac danaynayaa wuu arki kolka uu faraha ka gubto. hadii ay warsengeli degaan sanaag galbeed maxaa somaliland ka dhigay illeen waatii warsengeli somaliland iskala weynaa oo hawiyo sida daba dhilif u daba socday yaah kadibna cadh quudheed la idinka siiyay somalia. mida kale ii sheeg runta oo buuxda haday sanaag galbeedkeedu yahay warsengeli somaliland ma ahaan lahaayeen waa idinkaa. eerigaabo waa somaliland. e badhan laasqoray iyo tuulooyin baad noo sheegaysaan ku yaala sanaag waqooyi bari. ee wax cad noola kaalaya. hadana afkaas madhan ka hadla laakiin kolka aad beel kale u soo gudubtaan dhulkeeda farahiina ayaa loo yaabaa in la idinka gubo ayaanad qarka u saaran tihiinee.
November 27, 2010 at 2:13 am
Erigavo District- Jibril Siciid-Nuux Cumar-Bah Ugaslabe majority
Jidali-Fiqi-iyo Dhulbhante waa 25 caariish. Mindigaale baad weyn
Beesha Isaaq minority- Ceelafweyn oo Muxumud iyo Warsangeli baad degoo
Sanaag-Galbeed+Bari waa Warsangeli.
November 26, 2010 at 10:49 pm
Zahra aad baad u caqlibadan tahay. War Sanaag mid wax u soo kordhiya mala waayey inta magacyo aan waxba ka jirin oo been ah mid waliba meel lafadhiyo. Sanaag waxbarasho wuu ugu liitaa gobolada, jidad maleh, dekedihiisii waa burbureen, horuumar kalena daaba, maxaad ku faantaan doqonimadiina oo reer hebel baa dega iyo reer hebel baadega laysku qabsadaa. Jaahilnimadu waa wax laga xishoodo ee wadanka iyo dadka kii wax u qabanayowna u qabo kii kalowna baacda la aamus.
Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Somaliland mar uu yimi Sanaag wuxu ugu maahmaahay reer Sanaag ciday doonaanba ha ahaadeene, “INTII DADKA KALE CARUURTOODA ISKUULO IYO JAAMACDO U DIRSANAYEEN, REER SANAAGNA CARUURTOODA WAXAY BARAYEEN SIDA QORIGA LOO QAATO.” Taasi waxay magaalooyinka iyo gobolada kale uga hadheen. Reer Sanaagow qurbahana inagaa ugu badane ogaada qabiilkaad doontoba sheego, dhulkeeniina waa kaa.
November 26, 2010 at 9:38 pm
Waar Ilayn gob jabtay waa caynkan
Waar practical baa loo baahan yahay, hadaad wax isakaga celceliso waa mushkilad .. Siyaad bare ayaa degmooyin hargti gaagaab siiyay oo waa shan waxaa ka danbaysay Somaliland oo iyana bixisay 10 degmo.. degmada Maydh, xiis , yufle, goof, laasasurad, yube , dararweyne iyo qaar kaloo badan gobolku hada waa 15 degmo markaa kolay waa iska jiraa xafiiltan ee hadaa leedihiin dagaalkii dhacay dib inoogu bilaaba siday hadaaftimo iyo badan ugu murmi jiraynu ku murmi oo walaahiya
hadii kale hadalkii gob lagu yaqanaay la kaalaya .. hada leedeihiin waar axdigii aanu idinla galay ka baxnay puntlandna isa seegnay ee siyaasad gobolaysi ah aan baandhayno isaq baanu dooranay maxaa yelay idinkaa is baday sidan aad tihiin
Somaliland iyo Puntland labadaba waxaad kaga mushahar qaadataanmid 2000 oo qof dhulkana waxaa kaga shekaynaysaan Sanaag yaa leh waxaa leh baanu leenahay ninka degan ee codka waliba maalinta cad kaaga qaaday taasaana caalamku u joogay oo ka marag kacayaa waar sidii gob jabtay ha noqonina ee wali waa idin ogolahay ee cuqdadd dhaafa waa idinku jiraan kuwo damiirkoodu noolyahaye
November 26, 2010 at 8:34 pm
Mgacan yaan laga cadhoon Inagaa samaynay waagii SDR ay wadanka joogtay. Eastren Sanaag inagaa aduunka wax kaga doonay.
Markaa magac aynu isgu wanqalnay ayaad ka cadhoonaysaa.
Xitaa anigu waxaan garanyaa ninkii sameeyay. Ma rabo inaan carab baao. Alaa yaa arxam ninkaasi waa dhintay
November 26, 2010 at 8:29 pm
Marka hore waxaan ka afeefanyaa inaydinaan magacan aan sito u qaadan in aan ka beensheegayao.
Badhana ayaan ku dashay. Wxaan la yaabanahay dadka isku mashquulinaya anigaa halkaa daga iyo anaigaa ugu badan.
Dhab ahaan hadii aad dhulkaaga dagsiimo ku tahay majiro qof afka kaaga qaadi kara waxaad hantisantahay.
Waxaan is waydiinayaa Warasangaligu hada ma waxay u guuxayaan dhul ka maqan mise dhulkoodii ayay wali daganyihiin. Hdaii ay jawaabtu tahay dhulkii ayaa wali ladaganyahay oo wax innagama maqna waxaan u guuxnaa oo u calool xumaanaa waa qalad. Hadii dhulkii la inaga qaaday, waan idiku raacsanahay in aan cabaadni Falastiinudaba waa kuwaa ka daba cabaadaya Israil.
Tan labaad ninkan qoraalka soo qoray wuxuu ku daray Owrboogays oo aan Sanaag ka tirsanayn oo ah Sool.
November 26, 2010 at 7:33 pm
Salaan kadib waxaan anigu u arkaa magacyada loo gu yeedhayo Gobolka sanaag sida Bari, Galbeed and Maakhir. siyaasado laga soo maleegayo dhinaca Hargaysa iyo Garoowe ku waas oo lamid ah siyaasadii somali loogu qaybiyer (4.5) majirto dunida nation u qaybsan, Numbers and decimals. tanina waa midla mida taas waxaan u arkaa in lagu kala fogaynayo umada walaalaha ah ee gobolka degan, u jeedaduna tahay si’aanay waxba uwada qabsan dad kala duwana isugu arakkan oo cadaw laysaga dhigo kadibna qaybiba gobola kale hoostagto. lakiin arinta layaabka ihi waxa ay tahay waxa reer Sanaag guud ahaan u garan waayeen waxa gobolkooda oo qudha u qaybiyey Jahooyinka, oo gobolada kale qaybin waayey, Maan gobolada kale qabaa,il somaliyeed wada deganayn. Waxaan oran lahaa siyaasadani waa dhaaf siisantahay. itan dadka badidiisa u muugata REER SANAAG FEKER MIDAYSAN OO AQOON ku SALAYSAN HA ISUGU NOQDEEN, HANA iS waydii yeen waxa gobolkood kaduwey 18 gobol ee guud ahaan dalku ka kooban yahay. waa salaaman tihiin.
November 26, 2010 at 7:12 pm
Sanaag waa hal gobol mana jirto wax la yidhahdo highland ama dagmada Dhahar, Gobolka sanaagna waa gobol ay majority leeyihin beelaha Isaaq binu Ahmed.
November 26, 2010 at 6:05 pm
inaalilaah waar walaalayaal beeshayda habar yoonis ow uguma badna degmadan ceerigaabo. waa maxay daandaansiga aad nagu wadaan idinka iyo qolodan dhulbahante. dagaal walaalayaal miyaydaan ka dhamaan. waa waxa xamartaasi baabiiyay. mida kale gobolkani goormuu kaligiis yeeshay xoriyadii 26ka june ee umadu wadaaga u lahayd. waaba cajiib qaarkoodan fikir dhiibanaya siday u hadlayaan inay umada xoog ku leeyihiin yaah. waar 26ka june hadaad u jeedaan ood lumiseen taasi waxaa la odhan jiray somaliland ee maakhir may ahayn. mida kale anaga waad nafogaynaysaan yaah walaalayaal hadana waxaad nagu sheegtaan inaanu nahay reer maakhir ee noola yimaada wax cad. isaaqu ma reer maakhir baa oo warsengeli miyuu hoosyimaadaa mise waa beel kale ood la qaadateen xoriyada. ceebweeye inaad wax sidaas ah ku hadashaan ood umada u horseedaan dagaal beeleed. kuwii dhulbahantena waxay yidhaahdeen goboladan waqooyi ee 26kii june xoroobay waxaa la yidhaa ssc yaah reer awdalna waxay dhahaan waxaa goboladaasi 26kii june xoroobay awdaland idina waxaad na ledihiin inaanu nahay maakhir ee waa sidee xagee somaliland looga booday oo loo bedelay ood beelo noogu magac darteen. anagu samaroon ma hoostagno warsengelina ma hoos tagno dhulbahantena ma hoostagno ee beel gaar ah oo gobolkan ugu wayn baan ahay oo isaaq la yidhaa. isaaq fogee taariikhda gobolkana sheego isma qaadato. ee naga daaya kala sooca aad umadan ku samaynaysaan. umadu waa mid somaliland ayaana lagu bahoobaa hadaad magacaas somali diidaysaana dee lakaalaya magac la isku waafaqo oonay beeli gaar u lahayn. ana ima dafiri kartid intaad tahay 26ka june. ilaab baa ilakiin dhaliyay ee kibirka iska daaya oo umadu waa isla umad uu ilaah gobolkan idinkula dhashay. ee dibu heshiisiin umada haloo sameeyo ayaanu rabnay ee ma sidan baanu idinka filanaa reero maakhirow ama ssc ama awdalow. ee qabyaalada iska dhaafa hadii kale kaas awdalna wuxuu sheegtaa inuu 26kii june xoroobay oo uu xoriyad soo ceshanayo adna maakhirow sidaasi ayaad sheeganaysaan inaad 26kii june lasoo noqonaysaan xoriyadii lumtay kan ssc sidaas ayuu isna rabaa inuu xoriyadii 26ka june la soo labto ana anigoo umada simaya ayaan rabaa inaan lasoo noqdo xoriyadii 26ka june. ee ilaah baa inalakiin dhaliyay maalintaasi 26ka june ee xageed noo faquuqaysaan miyaynaanu ahayn dad gobolkan u dhashay.
November 26, 2010 at 5:43 pm
alla daya beenta qaawan kii qoray waa mid waalan ilaahay maskaxda ha usoo cesho. waar hee dhaha sanaag waxaa wada degan isaaq iyo warsengeli. sanaag waxay ka kooban tahay as federal 5 degmo. oo kala ah gar adag ceel afweyn laasqoray badhan ceerigaabo. dee ceel afweyn garadag iyo ceerigaabo majority degan beesha isaaqa waxaasina waa ceeb yaah yaan la idinku maqlin markale. walaal dhulbalaadhsi ayaad wadaanee ka jooga ama umada isaaq isku hooga. yaah walaal waa waxa anu dhulbahante isku layno yaah deegaano isaaq gaar u leeyahay iyo deegano lawada dego ayuu isku magacaabay. oo waxaaba iigu daran mid kamid ah beesha la baxday ssc actual name na u naqaan pss part of sool and sanaag. waar bari waqooyigeeda ayaad degtaanee ka jooga ceelka holaca aad ku sii joogtaan. waar isaaq ayaa degan sanaag galbeedkeeda 80% waxa leh waa isaaq 20 na waxaa degan beelaha kale ee gobolkan yimaado kolkaas warsengeli wuxuu degaa waqooyi bari sanaag. koonfur bari waa lama degaan. nagala taga beenta saaxiibayaal hadii kale waxaad bilaabaysaan dagaal beeleed hadhowna meesha haday ka holacdo aan dhamaan doonin. intaad deegano isaaq sheeganaysaan waa la idiin yaabi. beesha habar yoonis waanu naqaan waa kuwa isaaq ugu wacdarada badan dagaalkoodana aad looga baqo. walaal anagu isaaq waanu kala daranahay oo waanu kala kululnahay idiin gaban mayno yaah. sheegasho deegaan isaaq waa wax ceelmadow idinku aasi. xabadana idiin la gaban maayaan habar yoonis anagu waanu isnaqaan maynu kala badadin barigii hargeysa ee kolkii ay samaroon iyo harti iigu yimaadeen baan ka badshay yaah. idina idinkoo beel yar ah ood isku doondoonataan habar yoonis waa la idiin yaabaa cagaha waxaad orod ka daydaan. beel beel kale deegaanadeeda sheegataa waxaa ay lakulan taa cadaab. imika waa odhah ee ficil bal hadhaco dadkaasi waxay idin badaan waad ka shalaayi oo sanadaad la barooran doontaan. ficil hadaad bilowdaan waad ku halaagmaysaan yaah taas ogaada. hadhow khasaaraha idin soo gaadhaa waad la jibooyn doontaan kumanaan sano oo kale.
November 26, 2010 at 5:35 pm
wax sanaag bari layidhaa ma jiraan, hore umay jirin hadana ma jiri doonto. waa hubaal in beeshu majooratiga tahay, laakin sanaag makala qaybsana. ilaahay walaalaha soomaaliyeed beerkooda Burcad ha isu mariyo. Aamin
November 26, 2010 at 4:49 pm
hadii qoraalkaagu run yahay maxaa ceerigaabo ka dhigay s/land??? caasimada maakhir maxaa dhahar ka dhigay???????? hadii sanaag isaaq ka dego degmo iyo bar maxaa madaxda ama barasaabka gobalka ka dhigay isaaq su aalahaas markaa ka jawabtid aan fahmaynaa qoraalkaaga.
November 26, 2010 at 2:43 pm
cajiib!!!!!!! oo hadii aaynaan innaga qudheennu is aqoonsanayn yaynu aqoonsiga ka raadinaynaa????? bal maqaalkan qosolka badan ee aan cilmiga ku dhisnayn eega ee ah bilaa xigmada, waxa uu ku leeyahay degmada c/gaabo waxa dega bahogayslabe iyo muxumu iyo jibriil siciid yaa u diidan??? waxase la yaab leh adeer gacaliye NUUX CUMAR ma waxaad ku dartay ISAAQA aad sheegayso???kkkk AXMED CUMARSE ma dhulbahante buu noqday ilaahay hayna hanuuniyo… intaad cid kale canbaaraynayso cuqdad baad qabtaaye adiga ilaahay ha ku daweeyo… mida kale hadii aad wax sheegayso waa la dhammays tiraa waxad ka hadli 80% iyo 20% waa inaad markaas soo saartaa degmooyinka ballacoodu mid kasta intuu ku fadhiyo si loo ogaado waxaad sheegayso inuu sax yahay adigoon aqoon badan lahayn ayaad is xanbabuuraysaa!!!!
November 26, 2010 at 1:50 pm
Weligaa magac walba ka fiirso bixintiisa iyo macnihiisa waayo waxuu xambaarsan yahay macna weyn ama siyaasad ha noqoto ama si kalee, nasiibxumo waxii dad ujeedo lihi bixiyaan in aynu ka daba qaadno maaha ee waa in Gobolka sanaag warsangeli u soo celiyaa magaciisa iyo mansabkiisa uu ku lahaa caalamka iyo soomaaliya. LAASQORAY NET. iyo bogaga kale ee gobolka sanaag Guul iyo bogaadin sida tayada leh ee aad wararka mandaqada khusseya usoo gudbisaan halka ka sii wada siina horumariya isgaadhsiinta, xoogiinana duldhiga in gobolku la soo noqdo siyaasadiisii iyo magaciisii uu lumiyay 1960 isaga oo u huray midnimadii Soomaali, hadda midnimo cirkay aaday ee inta ay kaso noqonayso waa in la soo celiya makaankii gobolka. Guul mahadsanidin.
November 26, 2010 at 11:45 am
waxbaa la isku qaldayaa baan filayaa sanaag bari wax la dhaho ma jiro..lakiin SANAAG, HAYLAND IYO BARI BAA JIRA WANA 3 GOBOL EE BESHU DEGTO
November 26, 2010 at 11:40 am
War reer Laasqoriyoow iska daaya xinka tirada badan. waxaa laydinku yaqaannay gobanimo iyo sharaf. Anigu maahi warsengali laakiin waxaan u aqaan Warsengali in ay yihiin dad ka Somaali ugu nasabsan, ee qunjuraafka aan aqoon.
website yada beesha waayadan waxaa ka muuqda beelaysi xoog leh. Taa laga fiican. Warsegali waa Soomalli, waa Punlander, waa Harti, waa warsengali ee maxaad ka baqaysaan? Cidina idinma xoogi karto.
Bal eega walaalihiin Cumar Maxamuud ka Majeerteen ee Galkacyo maalin walba lagu laynayo. Dulqaad ayaa loo baahanyahay. Soomaaliya dhibaato ayaa ka dhacday, marka markii xaaladdu xumaato waa in aadan dhooqada walaaqan.
Dawladda faroole ninna raalli kama aha, waana tagaysaa, rag wanaagsan oo Puntland iyo Somaliya hagaajiyana waa soo baxayaan ee inta ka horraysa marada xagsada
November 26, 2010 at 10:08 am
Dhanka Jihada Maqaalku ka hadley ee Bari iyo Koonfur wax is qaadan kara maaha, Bari waxaa ka soo horjeeda Galbeed, marka gobolka waxaa loo qaybshey Bari oo dhanka Midig ah marka Mapka la eego iyo Galbeed (qorax u dhac) oo dhanka bidix ah, maxaa keenay Koonfur, koonfur waxaa u dhiga waa Waqooyi ee dib haloogu noqdo qoraalka
November 26, 2010 at 9:50 am
Afkaaga caana lagu qabey, waxaana u hanbalyeynayaa Warbaahinta Halganka reer Maakhir ee LaasqorayNET.
SANAAG WAA HAL, MAJORITY WAA ANAGA, SIDAA HALAKU SEEXDO.
November 26, 2010 at 9:46 am
asc waann salamayaa walaalaha laasqoray,net waad kumahad santihiin sida fiican aad ugu adeegaysaan bulshadiina boqolkiiba boqol arintan uuka hadlaayo qoraagu waa wax jira laakiin dadku kuma baraarugsana dadka ugu badan oo isticmaala hadalkaas ah sanag bari waadadka udhashay man daqada ama siyaasi ha ahaado ama shacamkaba laakiin inlafahan siiyo waa arin meesha ku jirta arintaas iyo kuwakale ba waan uga fadhinaa webkan qaaliga ah inuuka dhiirigaliyo shacaam kasoomaaliyeed waxa ayka aamin san yihiiiin sanaag