webmaster@laasqoray.net

Waan waan nabadeed oo ka socota Degmada Dhahar

Waxaa maalmahanba ku sugnaa magaalada Dhahar gudiga nabadgalyada ee Puntland iyagoo halkaasi u joogey in ya nabadeyn ka sameeyaan shaqaaqo dhexmartey laba beelood oo walaala ah oo kala dega deegaanada Karkaar iyo Haylaan.

Gudigan nabadoonada Buntland ee ku hawlan sidii ay ugu kala dab qaadi lahaayeen labadaasi beelood walaalaha ah ayaa waxaanu ka wareysaney Nabadoon C/qaadir Xarago oo ka warbixiyey socdaalkooda iyo waxa uu ku aadanyahay. Nabadoonka ayaa sheegey in ay si wanaagsan loogu soo dhaweeyey degmada Dhahar isla markaana si fiican loogu qaabiley. Nabadoonka ayaa ka warbixiyey arimihii ay ka wada hadleen isimada degmada Dhahar.

Gudigan nabadoonada ah oo isugu jira nabadoono iyo salaadiin ayaa waxa ay kala yihiin sidan.

1-Suldaan Cabdulaahi Saalax Jeenya-cad.

2-Suldaan Saciid Guuleed Sanyare.

4-Nabadoon Cabduqaadir Axmed Ibraahin (xarago).

5-Nabadoon Maxamuud Caseyr Cabdule.

6- Xuseen Xaashi Samatar.

Nabadoon Cabduqaadir Axmed Xarago ayaa Idaacada Bulshada Soomaaliyeed (SPR) uga warbixiyay ujeedada safarkooda waxa uuna carabka ku adkeeyay in ay u sara joogsadeen sidii ay u soo afjari lahaayeen xurguf hoose iyo xiisado dagaal oo u dhaxeeyay mudo dheer labo beelood oo ah kuwo ood wadaag ah dhanka daaqsinka xoolaha sidoo kalena loo baajin lahaa dhiig danbe oo daata ee ku aadan aanooyinka kala aargoosiga ah.

Nabadoon Cabduqaadir xarago ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay sidii ay uga dhex dhalin lahaayeen labadaasi beelood  heshiis,nabad waarta iyo is jaceyl walaalnimo waxa uuna sheegey in nabadoonada degmada Dhahar uu kulankooda ku soo idlaaday is afgarad iyo jawi farxadeed.

HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGII

Download

 

Source- SPR.fm

 

Comments are closed.