Wararka ka imanaya Degmada Caabud-waaq ee Gobolka Galguduud ayaa waxay sheegayaan in galinkii dambe ee manta ay wadaada Ahlu Sunna Waljmeeca ay gudaha u galeen Xaruunta idaacada Radio Caabudwaaq Waxayna Masuliiyiinta Idaacada ku amreen in ay hawada ka saareen idaacada tanyo amar dambe.
Ciidamo katirsan Wadaada Ahlu Sunna Waljameeca oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa galinkii dambe ee manta gudaha u galay xaruunta Idaacada Caabud-waaq ee Gobolka Galgalgaduud Waxayna hawada ka saareen gabi ahaanba Idaacada tanyo amar dambe.
Ciidamada Ahlu Sunna ee gudaha u galay Xaruunta Idaacada Caabudwaaq uma aysan sheegin Masuuliyiinta Idaacada sababta ay xidhayaan amaba ay ku haystaan waxaana arintaas si weyn uga xumaaday Shaaqaalaha Idaacada Caabduwaaq.
Maaha Markii ugu horeysay ee Idaacada Caabudwaaq Albaabada sidan oo kale loo xidho dhowr bilood ka hor ayay ahayd markii sidan oo kale ay u xidheen Ciidamda Ahlu Sunna Waljameeca oo aysan Waxba u sheegin balse inkastoo ay dib ka ogaadeen sababta loo xidhay.
Laasqoray.Net-
Laasqoray.Net@gmail.com
