Wafdi ka socda Dowladda Ingiriiska oo Muqdisho Yimid, lana kulmay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Wafdi balaaran oo uu horkacayo wasiiru dowlaha Dowladda Britian u qaabilsan arimaha bani’aadanimada iyo horumarinta Andrew Mitchell ayaa manta Booqasho ku yimid dalka, wuxuuna kulamo la yeeshay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr C/weli Maxamed Cali Gaas.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa xafiiska kula kulmay Wafdigaasi uu hogaaminaayay Andrew Mitchell, waxayna labada Mas’uul ka wada hadleen arimaha dhinaca bani’aadanimada iyo sida ugu haboon ee loo gargaari karo dadka tabaaleeysan.
Dr. C/Weli Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa kulankaasi kadib sheegay in madaxda ka socotay Dowladda Ingiriiska ay isku afgarteen dhamaan waxyaabihii ay ka wada hadleen.
Sidoo kale Andrew Mitchell ayaa ugu hambalyeeyay R/wasaraha dalka hurumarka laga gaaray dagaaladii Muqdisho iyo in dowladdu ku guuleysatay sugida ammaanka goobihii ay kala wareegtay Al-Shabaab.
Dhanka safarka Mas’uulkaan ayaa ku soo aaday xilli maalmihii ugu danbeeyay ay Muqdisho soo gaarayeen mas’uuliyiin ka socotay wadamada caalamka kuwaas oo u kuurgalayay xaaladda abaareed ee ka jirta Dalka Soomaaliya.
