webmaster@laasqoray.net

Wafdi Uu Hogaaminayo Raysalwasaaraha Xukuumada KMG ah ee Somalia Oo Maanta U Ambabaxay Dalka Maraykanka

Raysalwasaaraha Xukuumada KMG ah ee somalia maxamed c/laahi farmaajo iyo wafdi ka tirsan xukuumadisia ayaa maanta u ambabaxay dalka maraykanka iyadoo la sheegay inuu ka qayb geli doono shirka golaha amaanku uu yeelan doono maalinta khamiista ah ee fooda inagu soo haysa

Safarka raysalwasaaraha ayaa waxaa ku weheliyey raysawsaare ku xigeenka ahna wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah c/weli maxamed cali iyo xubno ka tirsan xafsiikiisa iyadoo uu saxaafada uga warbixiyey safarka farmaajo wasiirka arimaha dibada maxamed c/laahi oomaar islamrkaana sheegay inuu raytsalwasaaruhu ka qayb qaadan doono shirka golaha amaanka oo dhici doona maalinta khamiista ah ee fooda inagu soo haysa islamarkaana tilmaamay inuu golaha amaanka ka dalban doono deeq isugu jirta in laga taageero dagaalada ay kula jiraan xoogaga islaamiyiinta ah si ay u wiiqaan awoodooda

Si kastaba ha ahaatee Safarka raysalwasaaraha ayaa kamid noqonaya dadaalada ay dowlada KMG ahi ug jirto sidii ay isu muujin lahayd islamrkaana dib gacanteeda ugu soo celin lahayd gobolada dalka gaar ahaan kuwa koonfurta iyo bartamaha somalia

Yaasiin Maxamed Cali, Muqdisho, Somalia

Comments are closed.