webmaster@laasqoray.net

Wafti uu Hogaaminayo Xildhibaan Maxamed C/laahi Cali Kaarad oo Dhawaan Safaro kusoo maray Deeganada Waaciye, Af-urur iyo Bacaad.

Xildhibaan Maxamed C/laahi Cali Kaarad oo kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka Dawladda Puntland ayaa booqashooyin kala duwan ku tegay Deegaanada Bacaad iyo Af-urur iyo Degmada Waaciye oo Gobolka Kar Kaar katirsan, xildhibaanka ayaa waxaa safarkiisa ku weheliyey Liibaan Maxamed Cabdi oo katirsan Jaaliyadda Dibadda.

Xidhibaanka ayaa sheegay in meelaha uu safarka ku tegay ay ka jiraan xaaladdo qalafsan oo dhanka nolosha ah kuwaasi oo ka dhashay adeegyada aas-aasiga ah oo qaarkood aanay Deegaanadaasi laga helin sida caafimaadka iyo weliba kuwo kale, sidoo kale wuxuu tilmaamay xildhibaanku in Deegaanada qaar ay ka jiraan xaaladdo biyo la’aan ah kuwaasi oo saamayn ku yeeshay nolosha dadka iyo duunyadaba.

Deegaanada uu safarka ku tegay Xildhibaan Maxamed C/laahi Cali Karaad ayaa waxaa kamid ahaa Deegaanka Bacaad oo dhinaca Bari Magaalada Bossaso kaga aadan, wuxuuna sheegay mudanahu in Deegaankaasi ay ka jiraan kooxo Burcad Baddeed ah kuwaasi oo dadka Deegaanka saamayn xooggan ku yeeshay, isla markaana dhibaato xooggan ku haya.

Sidoo kale wuxuu tibaaxay in Deegaanka Bacaad ay faro kulul ku hayaan kooxaha wax tahriibiya kuwaasi oo uu tilmaamay in ay Deegaanka ku hayaan dhibaato lamid ah tan Burcad Baddeedda, wuxuuna ku baaqay in wax laga qabto kooxahaasi Burcadd iyo Tahriibiyeyaasha isugu jira.

Marka laga reebo Deegaanka Bacaad ayaa waxa uu xildhibaanku tilmaamay in Deegaanada kale ee Degmada Waaciye iyo Deegaanka Af-urur ay ka jiraan xaaladdo biyo la’aan iyadoo muddooyinkan aan Deegaanadaasi wax roob ah ka di’in sidoo wuxu sheegay xildhibaanku in Deegaanada qaar ay ka jiraan xaaladdo kale oo ay kamid yihiin adeegyada caafimaadka iyo daryeelka bulshada oo aan ka jirin Deegaanadaasi.

Xildhibaanka ayaa markii uu kasoo laabtay Deegaanadaasi sheegay in Deegaanada uu tegay oo ay ka jireen xaaladaha kala duwan uu xilligan bilaabi doono sidii xaaladaasi kala duwan wax looga qaban lahaa

Xafiiska Warbahainta Laasqoray ee Magaalada Bossaso

Subscribe to Comments RSS Feed in this post

2 Responses

  1. NIN MISKINA OO BAYA BAY INATY MESHA KUSO SWIREEN WAX KADIGAYAN WARSANGALI hadba mid miska sha shada so sara

  2. war orod abahaa u aar dheh intaad ku waregayso dad degankii muu wax qabadka kaga bilobo dilki abihii hadu wax qabd abur leyahay mideda kale dadki aqoonta laha ba wax kaqabn wayay isagu aqonta xage kalayimi