Wafti ay kamid yihiin qaar kamid ah Golaha Wasiiradda cusub ee Dawladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta gaaray Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug kuwaasi oo halkaasi ku dhex-dhexaadin nabadeed.
Waftigan ayaa waxaa hogaaminaaya Raysal Wasaare kuxigeen ahn Wasiirka qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah Dr C/wali Maxamed Cali, waxaana qayb ka ah C/shakuur Shiikh Xassan Faarax ,waxayna kasoo degeen Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo, waxaana loo gelbiyey dhinaca koofurta Magaalada ee uu Maamul Goboleedka Galmudug maamulo.
Waftigan ayaa lagu wadaa in ay maal maha soo aadan bilaabi doonaan wada hadalada ay ku dhex-dhexaadinaayaan beelaha kasoo kala jeeda Labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug kuwaasi oo maal mahii lasoo dhaafay ku dagaalamay Deegaanada dhinaca Bari kaga aadan Magaalada Gaalkacyo.
Waftigan ayaa waxaa maalintii shalay magcaabay Raysal Wasaaraha Dawladda KMG ah ee Soomaaliya kadib warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Raysal Wasaaraha iyadoo war-saxaafadeedkaasi lagu sheegay in waftigan loogu talagalay in ay colaadda u xaliyaan qaab aanay hadda kadib dib ugu soo laabaan isla maraakana ay ka baaraan degi doonaan ajandayaasha ay beelahu ka heshiiyaan.
Imaanshaha waftigan ayaa ka dambeeyey dagaallo muddooyinkan ka jiray Deegaanno dhinaca Bari kaga aadan Magaalada Gaalkacyo kuwaasi oo sababay khasaarooyin kala duwan ee soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.
Jaamac Joofane
Joofane11@hotmail.com
Xafiiska Warbaahinta Laasqoray ee Magaalada Bossaso
