webmaster@laasqoray.net

War Deg Dega Suldaan ka tirsan Oday Dhaqameedyada Gobolka Bari oo Goor dhowayd Lagu Dilay Magaaladda Boosaaso.

Waxaa goor dhowayd lugu dilay Nawaaxiga Huteel Juba Ee Magaalada Bosaso Nabadoon ka mid ahaa Cuqaasha golaha dhaqanka Gobolka Bari oo siwayn looga Yaqaaney Gobolkan Bari ee Magaalada Bosaso.

Dilkan Suldaanka oo dhacay Goordhowayd oo Caawa ah ayaa argagax ku noqday Boqolaal ruux oo reer Bosao iyadoo la sheegay inay dileen kooxo 2 Ruux ahaa oo wejiga soo duubtay Xili Saladii Maqrib ka soo baxay Masjidka Aqasaa oo ku dhow Huteel juba Ee Magaalada Bosaso.

Dilka Masuulkan ayaa ku soo aadaya xili beryihii u damaysey Magaalada Bosaso laga dareemayey Deganaansho ka duwan sidii ayahd bilihii aan soo dhaafnay waxaana Sidoo kale Habeenkii xalay lugu diley Xaafada Cariga ee Shirkadii Hore ee Netco Agagarkeeda Wiil dhalinyaro ah oo la sheegay in toorey la geliyey.

Ilaa haatan ma jiraan cid ka hadashay Dilka Nabadoonkan oo ahaa Oday dhaqameed iyo kii Habeenkii xalay oo loo geystay Wiil yar oo dhalinayro ah,Inkastoo Gudaha Magaalada Bosaso caawa laga dareemayo dedaalo xoogan oo ay Ciidamada Amaanka Magaalada Bosaso ay Arrimahaasi wax kaga qabayaan.

Laasqoray.Net