webmaster@laasqoray.net

War Saxafadeed: Soo dhawayn iyo dhiirigelin maamulka cusub ee Faraca PDF London – UK

War Saxafadeed: Soo dhawayn iyo dhiirigelin maamulka cusub ee Faraca PDF London, UK

Ref: PDF/011128                                                           Date:July 27th,  2011
www.puntlanddiaspora.org

mediarelations@puntlanddiaspora.org


Waxaa maamulka guud ee Ururka PDF uu soo dhawaynayaa maamulka cusub ee loo doortay hogaanka Faraca PDF ee London, UK.  Maamulkaan cusub oo ay hogaankiisa qabteen dhalinyaro firfircoon oo aqoon iyo dareen wadaniyadeed ay ka buuxdo , ayaa waxaa ammaan mudan  guulihii  wax ku ool ahaa ee ay ku talaabsadeen waqtigii yaraa ee ay xafiiska PDF uK hayeen.

 

Waxaan aad ugu han weyn nahay in ay howshan ay PDF u hayaan ay si wanaagsan uga soo bixi doonaan, anaga oo ku kalsoon, kartidooda iyo aqoontooda.

 

Sidoo kale maamulka guud ee PDF waxay amaan usoo jeedineynaan  bulshada reer puntland ee UK gaar ahaan Odayaasha, aqoon yahanka iyo cid walba oo gacan ka gaysatay dib u habaynta, dardar  galinta iyo taageero siinta PDF UK.

 

 

Shaqooyinka horyaala maamulkaan oo ay ah kuwo loogu adeegayo danta guud ee Jaaliyadda Qurbajoogta reer Puntland, lagu horumarinayo dalka iyo dadka reer Puntland, laguna doonayo midnimo iyo iskaashi dhexmara qurbajoogta reer Puntland meel ay joogaanba. Ayaa hadaba qof walba looga baahan yahay taageero dhankasta,

 

Howlaha looga fadhiyo guddigan waxaa ugu waaweyn baahinta iyo dhidiba u aasida Farac PDF-UK, ururinta, midaynta iyo horumarinta reer puntland-uk iyo diyaarinta  shirweynaha Qurbajoogta Puntland 2011 oo ka dhici doona UK, haddii alle idmo.

Sidaa awgeed waxaan dhamaan saxaafadda iyo Jaaliyadda reer Puntland ee UK ka codsanaynaa oo ku  wargelinaynaa in wixii wada shaqayn, taageero, talo iyo turxaanbixin ah ee ku aadan howlaha PDF-UK ay kala xiriiraan xubnaha guddiga cusub iyo gudoomiyahooda oo kala ah:

MAGACA XILKA
Abdurahman Ali Gureye Chairperson (Gudoomiye)
Fowziya Nur Deputy Chairperon (Gudoomiye kuxigeen)
Abdirizak Shirwa General Secretary (Xoghayaha Guud)
Hassan Osman Dude Treasury (Khasnaji)
Amina Daud Communication Officer (Xiriiriye)
Said Agaweyne Community Liaison Officer [xiriirka dadweynaha]
Abdikasim Hasan Protocol and Officials liaison officer
Sakariya M. Isticmar Youth Liaison Officer
Ahmed Hasan Planning and Policy Officer
Aweys Yusuf Deputy of General Secretary
Sagal Jama Deputy Treasury Officer and Admin
Mohamed Said Barawani Deputy Youth liaison officer
Under the vetting process Sports liaison officer
Under the vetting process Cultural liaison officer
Under the vetting process Deputy of Communication Officer

Waxaan u mahadcelinaynaa Maamulkii hore ee ku meel gaarka ahaa, anagoo ka rajaynayna inay la shaqayn doonaan maamulka cusub.

Ugu danbayn waxaan mahad gaar ah u soo jeedinaynaa dhamaan jaaliyadda reer London, gaar ahaan cuqaashii, haweenkii iyo dhalinyaradii sida walaanimada ku jirto u soo dhaweeyay guddigii ka socday maamulka guud ee ururka kuwaas oo goobjoog iyo markhaantiba ka ahaa isbadalka cusub ee isaga ah oo dhacay 22kii bishii April 2011, anagoo jaaliyadda reer-Puntland London u rajaynayna guul.

 

Comments are closed.