Xiriiro aanu la samaynay goob joogayaal kusugan magaalada Bosaaso, gaar ahaan agagaarka laanta hawada, ayaa inoo xaqiijiyey in xildhibaan katirsan dowlada KMG, horayna u ahaa Wasiirka Warshadaha Dowlada Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Jaamac Cabdalle in caawa ay xabsiga u taxaabeen saraakiil katirsan laaamaha amniga magaalada Bosaaso.
Xildhibaanka ayaa lasheegay in maanta uu kula shiray Hotel Juba, qaar katirsan jaaliyada ku abtirsata gobolada Sanaag, Haylaan iyo Galbeed Bari, isagoo kala hadlay arimo kusaabsan dar-dargalinta maamul madaxbanaan oo ka arimiya degaanada beelaha reer Maakhir ay degaan.
Sidoo kale, mar ay idaacada SPR khadka teleefoonka ku tiigsatay xildhibaanka teelkiisi gacanta, ayaa nin teelka qabtay oo magaciisu kusoo gaabiyey Maxamed inoo sheegay in ninka moobilka lahaa (Xildhibaan C/raxmaan Jaamac Cabdalla), uu haatan xirinyahay, isagoo ka gaabsaday in uu faahfaahin dheeraad ahi ina siiyo.
Dhanka kale, xiriir aanu la samaynay Garaad Cabdulaahi Cali Ciid, ayaa gebi ahaanba beeniyey in xildhibaanka laxiray, kuna tilmaamay warkaasi mid aan sal iyo raad lahayn.
Wararkani iskhilaafsan ayaa kusoo aadayo xili uu meel qatar ah marayo Khilaafka udhaxeeya Masuuliyiinta Dowlada KMG Soomaaliya iyo Maamul Goboleedka Puntland, waxaana ay horay eedaymo isku weydaarsaden Dhinaca Warbaahinta.
Dhamaadkii bishii January ayay maamulka Puntland gebi ahaanba ka mamnuucday degaamada ay ka arimiso, mas’uuliyiinta dowlada KMG. Dowlada Puntland ayaa uqeybisay Warqado digniin ah dhamaan Maamulada Deegaanada iyo Magaalooyinka Puntland, taas oo ay ku xusnayd in aysan tagi karin Deegaanada Masuuliyiinta Dowlada KMG Katirsan.
Madaxwaynaha Puntland ayaa dhawaan socdaal kusoo gaaray magaalada Bosaaso isagoo kahadlay arimo badan uu maamulkiisu la tacaalayo sida amni daro ay u aaba yihiin aanooyin beeleed, xiriirxumo dhanka dowlada KMG iyo burcadbadeed degaamadaasi ku xididaystay oo beesha caaalamka fara ba’an ku hayo.
