Waxaa isa soo taraya carada dadweynaha ee ku aadan nin Jarmal ah oo lagu magacaabo Gunter Bischos oo mudo 13 sano ah ku noolaa maamulka Somaliland gaar ahaan Magaalada Hargeysa kadib markii la helay Canjalooyin Video ah oo uu ka duubay dhowr Haween oo ku nool Magaalada Hargeysa, waxa uuna Video-gaasi ahaa mid muujinaya anshax xumo uu ninkaasi kula dhaqaaaqay haweenkaasi, waxaana arrinkaani kashifay nin dhallinyaro ah oo horey ugu shaqeynayey ninkaasi kadib markii uu si farsameysan ku qaaday canjaladihii anshax xumada ahaa isagoo gaarsiiyey ciidamada Booliiska ee Maamulka Somaliland.
Arrintaan markay gaartay ciidamada Booliiska ayaa ninkii oo goob ganacsi ku lahaa Magaalada Hargeysa waxaa soo weeraray ciidamada Booliiska kadibna waxaa loo taxaabay xabsiga, waxaana markiiba la tusiyey Aflaantii anshax xumada ahayd ee uu kula kacay qaar ka mid ah haweenka Soomaaliyeed, waxa la sheegay in uuna ninka Jarmalka ahi qirtay in uu isagu sameeyey arrintaan isagoo tilmaamay in falkan ay ogoshahay Dimuquraadiyaddu maadaama ay Somaliland horey u sheegtay in ay qaadatay habka Dimoqaraadiyada, waxa uuna sii raaciyey “Wax heshiis ah ilama gelin oo ku aadan shuruucda wadankaan iyo dhaqanka uu leeyahay wadankaan, taasina waad mid aan ku saxsanahay oo aanan ka been sheegin”, markii arrinkaasi uu ka soo yeeray ninka Jarmalka ah ayaa waxay la yaab ku noqotay ragga gacanta ku haya kiiska ninkan.
Falkaan oo ay ku lug lahaayeen Todobo Haween ah oo afar ka mid ahi yihiin Gabdho halka saddexda kalana ay yihiin Haween la qabo ayaa si xoog leh ugu shaac baxdey deegaanada hoos taga maamulka Somaliland, waxaana Masaajidda waaweyn ee ku yaal Somaliland aad looga hadlay dhacdadaasi foosha xun ee uu ku kacay ninka Jarmalka ah, waxayna qaarkood ka dalbadeen maamulka Siilaanyo in uu sida ugu dhaqsiyaha badan ninkaasi loo hor keeno Maxkamad kadibna lagu fuliyo waxay ka qabto shareecadda Islaamka, sidoo kale waxaa la codsaday in uu maamulka soo qabqabto Haweenkii falkaasi lugta ku lahaa, arrintaan oo ay wax laga xumaado ku tilmaameen dadweynaha Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Somaliland waxaana si weyn looga hadal hayaa Dhacdadaas foosha xun goobaha la isugu yimaado, waxayna iyana dalbadeen in la dilo ninkaasi.
Maamulka Somaliland oo uu haatan Hogaamiyo Axmed Siilaanyo ayaan wax war ah oo Rasmi ah ka soo saarin falkaani, waxaana dhawaan dhacday in Maxkamad si hoose loo hor keeno ninkaasi, iyadoo si aad ah loo ilaalinayey Maxkamaddaasi, waxaana loo diiday in ay goob joog ka noqdaan dadweynaha iyo waliba saxaafadda, waxayna wararku sheegyaan in Maxkamadeynta ninkaasi dib loo dhigay ilaa iyo waqti aan la cayimin taas oo ay shaki weyn ka muujiyeen dadweynaha ku nool Magaalada Hargeysa oo iyagu ka cabsi qaba in si hoose loo sii daayo ninkaasi ama loo masaafuriyo, iyadoo dadweynaha ay si aad ah ugu soo horjeedaan in ninkaasi jarmalka ah la Masaafuriyo, waxayna dalbanayaan in meel fagaare ah lagu toogto.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Dr Gaboose oo ka hadlayey arrimaha ku aadan ninka Jarmalka ah ayaa waxa uu sheegay in Somaliland aysanba marnaba ogolaan doonin cid kasta oo ku xadgudubta sharafta, Diinta iyo dhaqanka Dadka Somaliland, waxa uuna u soo jeediyey shacabka Somaliland in ay isdejiyaan oo ay ka war sugaan inta ay Maxkamaddu ninkaasi kaga caddeyneyso in uu yahay nin galay dambigaasi, waxa uuna sheegay in dowladda ay u qaban doonto ninkaasi garyaqaan haddii uusan la imaan.
Culima’udiinka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa iyagu si aad ah uga hadlay dhacdada foosha xun ee ka dhacday Magaalada Hargeysa, waxayna sheegeen in ay waajib tahay in ninkaan la marsiiyo waxay Diinta Islaamku ka qabto falkaan noocaan oo kale ah, waxayna u soo jeediyaan shacabka Somaliland in arrintaani ay si aad ah uga dhiidhiyaan, waxaana si weyn la isku weydiinayaa talaabadda uu qaadi doono Madaxweyne Siilaanyo in ay noqon doonto mid raagelisa Reer Yurub ama Shacabka Somaliland, iyadoo falkaan uu ku soo beegmayo xili Somaliland ay mashaariic badan ka heshay Midowga Yurub halkaas oo laga filan karo cadaadis uga yimaada Madaxweyne Siilaanyo.
W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:amiinkhasaaro@hotmail.com

November 30, 2010 at 3:00 pm
Uu uu uu NInkaas gaalka ah Islaamnimaddii, Dhaqankii, xishoodkii, iyo asluubtii wanaagsanayd ee somalidu meel kaga dhacay .. wax hore inoo soo maray maaha .. waa in dhagax lagu dilaa gaalkaas jarmalka ah
November 29, 2010 at 2:23 pm
Ninkaan German-ka ah maxaa lagu heeystaa,Ma naagaheenaad la haasaawday ood dharka ka dhigtay miyaa! ! hadeey taas tahay diintu waxeey tiri hala karbaasho,Maxaayeeley ninkaan ma uusan kufsan naagahaan ee raali beey ka ahaayeen ficilka meesha ka dhacay. .Mida kale hadeey tahay,adoo German ah ayaad naagaheena Somalida ah intaad dharka ka siibtay ayaad Video ka duubtay! ! Taas ma istaahisho in loo dilo ninkaan,maxaayeelay,naago iyo niman waligood waa is doonanayaan oo maalin kasta ayeey dhacdaa. Marka sharciga aan qaban ninka Somaliga ah ee qabta ninka German-ka ah waa in kitaabka baal cusub looga soo qoraa. . .
Arintaan waxeey ku dambeeyn doontaa,in ninkaan la musaafiriyo oo wadankiisa loo celiyo. . .
Cidayahoow lock up your daughters. .
November 29, 2010 at 8:02 am
dhiloyinkii iisaq baa kintir kii meel kasta dhigtay
November 29, 2010 at 7:01 am
waxaan shicibka u sheegayaa reer soomaliand i ay ka fiirsadaan marka ay talabo hurumar oo sharciyaysan ay qaadayaan sida dimoqradinmada, dimoqradinamadu waa in ku salayaan talaabada ay qaadayaan diintooda oo aanay katagin islam tinimada.
waa fiicantahay in somaliand ay ka fakarto horumarkeeda lakiin hadaanay kafakirin in wax walbaa uu yahay step by step waxaa ku imanayaa waxyaabo aad ufoolxun sida tan maanta kadhacday somaliand
somaliand shicibkoodu waa dad islaam ah waa inay ogaadaan oo ku dhqmaan diinta is lamka kana fakaraan horumrkooda
aad ayaan ugu faraxsanahay horumarka somaliand
lakin nin kan ani waxaan oran lahaa hala soo is taajiyo maxkamad shar ciyaysan hadii kiis ku kawayn yahy max kamada haloo gud biyo max kamado calamka waa waa fal anshax xun
waxaan dowlada somaliand usoo jeedinayaa in ayan indhah karidn waxa jiraa oo anay noqon af wax cunay xishoo !