23-kii Bishii October ee sanadkii 2009 ayaa Dooni lagu raaxeysto oo mareysay meel ku dhow Xeebaha Shishilis ayna saarnaayeen labo lamaane oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa waxaa gacanta ku soo dhigay kooxo burcad badeed ah waxayna la soo aadeen xeebaha Soomaaliya gaar ahaan meel ku dhow Deegaanka Xarardheere, waxayna mudo sanad iyo ku dhawaad ah lagu waday gorgortan iyo sidii dib ay u heli lahaayeen xoriyadoodii, waxaana lagu guuleystay in laga sii daayo gacanta kooxihii burcad badeeda ahaa.
Lamaanahaan Paul and Rachel Chandler ayaa markii la soo daayey waxay soo gaareen Degmada Cadaado iyadoo ilaalo ay ka hayaan ciidan aad u xoogan oo ka tirsan Maamulka Ximan iyo Xeeb, waxayna markii ay yimaadeen xarunta madaxtoonyada ee maamulkaasi, waxaana gacanta loo geliyey mas’uuliyiinta maamulkaasi gaar ahaan Madaxewyne Max’ed C/llaahi Tiicey halkaas oo loogu sameeyey soo dhaweyn aad u balaaran, iyadoo la arkayey dadweyne aad u fara badan oo dhoobnaa iridka hore ee xarunta Madaxtoonyada kuwaas oo ku faraxsanaa sii deynta lamaanahaasi u dhashay dalka Ingiriiska.
Saakay ayaa diyaarad qaas ah looga soo qaaday Magaalada Cadaado, waxaana Diyaaradda ku wehliyey Dr, Cabdi Max’ed Cilmi (Xangul) iyo Madaxa Samafalka ee Sh/hoose iyo Gobolka Banaadir Maxamuuf Daahir Faarax (Qoley), markii ay soo gaartay diyaaraddii siday lamaanayaashaasi Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa halkaasi isugu tagay warfidiyeeno aad u fara badan oo ka kala socday qaybaha warbaahinta ee dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, waxayna doonayeen in ay sawiro ka qaadaan lamaanahaasi, hase yeeshee warfidiyeenadii waxay caqabad xoog leh kala kulmeen Ciidamada AMISOM oo diiday in saxaafadda ay gudaha u gasho Garoonka Magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada AMISOM mararka qaarkood saxafiyiinta kula kaceen falal ka hor imaanaya hawshooda, waxayna saxafiyiintu aad uga caroodeen markii ciidamada AMISOM ku sameeyeen kala sooc, iyadoo qaar ka mid ah saxafiyiinta dibadda loo ogolaaday in ay galaan gudaha garoonka.
Ciidamada AMISOM oo aad u ilaalinayey ammaanka lamaanayaashaasi ayaa waxay markii dambe waxaa loo soo dhaqaajiyey dhanka madaxtoonyada, halkaas oo loogu sameeyey xaflad aad u balaaran, waxaana ka mid ahaa xubninhii soo dhaweeyey Ra’isul Wasaare Farmajo iyo Guddoomiyaha Baarlmaaanka Shariif Xasan, waxayna halkaasi ay kula hadleen warbaahinta qaybaheeda kala duwan, waxa uuna Shariif Xasan uu sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in xoriyaddooda dib u helaan labadaasi lamaane, “Shacabka Soomaaliyeed raali kama aheyn in la idin dhibaateeyo” ayuu yiri Shariif Xasan oo sheegay in lamaanahaan si xaqdaro ah loogu haystay dalka Soomaaliya, waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Ra’isul Wasaare Ma’xed C/llaahi Farmajo, waxa uuna dhex taagnaa xiligii uu hadlayey labada lamaane ee Ingiriiska ah, waxa uuna sheegay in afduubka loo gaystay lamaanayaashaasi ay ahayd mid ka baxsan dhaqanka Soomaaliyeed.
Maxamuud Daahir Faarax (Qooley) oo ah madaxa samafalka Gobolada Sh/hoose iyo Banadir oo u waramayey bahda saxaafadda ayaa waxa uu meesha ka saaray in wax madaxfurasho ah laga bixiyey lamanaahaasi waxa uuna sheegay in ay dadaal u galeen Odoyaasha iyo Nabadoona Beesha kuwaas oo uu sheegay in markii dambe ay ku guuleystay in lamaanahaani helaan xoriyaddooda.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail Amiinkhasaaro@hormail.com
Faafin-Laasqoray.NET





