Bacdamaa aay soo ifbaxayaan qorsho horleh oo aay wadaan Dowlado Reer Yurub ah oo aay leeyihiin waxaan Keenya ka caawimeynaa cabiridda badda , ayaa waxaan dareemayaa in aay daba socoto arrimahaan aan hoos ku xusay oo aan dadaal ugu jiray si aaysan u hirgalin.
Waan hubaa shaqsi kasta oo Soomaali ah in uu ka danqanayo hal taako oo dhulkiisa ama baddiisa in Dowlad kale aay boob ku qaadato. Haddii si cad naloo dhaco oo boobka la sharciyeesto, CALAACAL iyo QEYLO iyo MUDAHARAAD waxba nooma tarayaan ee hadda inta goori goor tahay aan ka hortagno oo aan muujinno in aanaan yeelayn boobka nalala damacsanyahay.
Waxaan Soomaalida oo idil ka codsanayaa anigoon kala saarsaareynin (kuwa dibadda iyo kuwa gudaha ku nool) in aan wada muujinno in aan kasoo horjeedno boobka lala damacsanyahay in BADDA SOOMAALIYA oo la doonayo in lala wareego.
Soomaali goor aay heshiisaba waa heshiin doontaa, dhibkuna waa dhammaan doonaa ee waqtigaan xaadirka ah yaan nalaga faaiideysanin oo nala dhicin ee kulligayo aan muujinno HAL MAALIN oo (BANAANBAX NABAD AH) si ay u ogaadaan REER YURUB in mowqifkaan aan kawada mideysannahay, waloow ay MID-NIMADII SOOMAALIYEED iyo siyaasaddii iyo nabadgalyadii iyo dhaqaalihiiba aan fara lugu haynin. Haddii tani inoo hirgasho waxaa hubaal ah in aan dib dambe loo haweysandoonin isku dayga ay hadda damacsanyihiin oo kale.
Halkan hoose waxaan rabaa in aan idiinku sharraxo dadaalkii aan qabtay intii karaankeyga ah, anigoo idinku war galinaya in uusan igu jirin damac siyaasadeed iyo mid darajo doon ahba. Walaalayaal, waxaan rabaa in aan idiinla socodsiiyo arrintii ay Dowladda Norwey wadday ee CABIRIDDA BADDA SOOMAALIYA in laga aamusay oo aan dareemay in aaysan jirinnin cid daba socota.
Waxaannu la wada soconnaa in Carl Peter Salicath oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Norway, isla markaasna hoggaaminayey waftiga Norway uga qayb galay shirka New York, ayaa jariidadda Aftenposten waxa uu (July 11,2010) u sheegay in hawsha (u samaynta aagga ganacsiga ee Soomaaliya) aysan qaadan doonin waqti dheer. Waxaana jariidaddu intaas ku dartay “Soomaaliya malahan aagga Ganacsi badeed”. Waxaannu la wada soconnaa haddii ay arrintaasi hirgaliyaan, in ay Keenya doodeedii badda ay billaabeyso ayagoo ku andacoonaya in ay qeybtooda cabiridda wax ka helaan.
Bacdamaa ay caddeesteen in hawshaasi si deg deg ah loo sameeyo ayaa waxaan billaabay sidii aan kahortag ugu samayn lahaa.
Walaalayaal, taariikhdu markii aay ahayd 20 Luulyo 2010 ayaa waxaan la xiriiray Safaaradda Norwey uga furan Den Haag, markii aan isku sheegay in aan ahaa DIPLOMAT SOOMAALIYEED ee kasoo shaqeeyay wadankooda ayaa waxaan u raaciyay muraadka aan lahaa. Waxaan la socodsiiyay in Boqortooyada Norwey ay heshiis caalami ah la gashay Dowladda Soomaaliya sanadku markuu ahaa 1980, heshiiskaas oo ahaa in Shirkadda Batroolka baarta ee Norwey (WESTERN GECO) ay xeebta Soomaaliya ka baarto batrool.
Waxaan kaloo u raacshay in heshiiskaasi aan la galeen haddii aysan jirin bad Soomaaliya u cabiran. Intaas kuma ekaanine waxaan u gudbiyay warbixintii aan ka qoray in dhul-badeedka Soomaaliya uu leeyahay soohdin cabbiran oo af-Soomaali ku qoran si aay u turjuntaan.
Waxaan kaloo u raaciyay qoraalladii ay Somalitalk ka qortay ee ahaa DIFAACA BADDA SOOMAALIYA. Ugu dambeentii waxaan u sheegay in qurbajooga Soomaaliyeed ay aad iyo aad u feejiganyihiin.
Sidaas oo kale taariikhdu markeey ahayd 23 Luulyo 2010 ayaa waxaan la xiriiray Safaaradda Norwey uga furan ROMA, Intaas aan kor kusoo sheegay ayaan ayagana la socodsiiyay una gudbiyay.
Taariikhdu markay ahaayd 26 Luulyo 2010 ayaa jawaabtan hoos ku qoran waxaa iisoo diray Safaaradda Norwey ee DEN HAAG.
Fiiri halkan E-mailkii aay iisoo direen
Quote
On Mon, 7/26/10, H�yland Irvin <********@mfa.no> wrote:
From: H�yland Irvin <********@mfa.no>
Subject: Regarding “Somalia has an economic zone water”
To: “bashirmohamud@yahoo.com” <bashirmohamud@yahoo.com>
Date: Monday, July 26, 2010, 3:50Dear Mr.Bashir,
Please be informed that your e-mails received by the Embassy 20 July and 23 July 2010 have been forwarded to the Norwegian Ministry of Foreign Affairs, as this Embassy is not the competent Norwegian Authority to comment on the subject.
Yours sincerely,
Irvin H�yland
Minister (Legal Affairs)
The Royal Norwegian Embassy
The Hague
Unquote.
Inkastoo dadaal uusan igu yareen, wax xaq ahna aan u sheegay ayaa waxaan dareemayaa in wali arrimihii aysan kaamil ahayn oo ay meesha ka maqantahay cududdii DOWLADNIMO oo wax lagu soo dhacsanlahaa, waxaana dhici karta qoraalladii iyo warbixinnadii aan u gudbiyay in aayan tixgalin siinin bacdamaa aysan arrin dowladeed ahayn, sidaasna qorshihii ay ku tala galeen meesheeda kasii wataan.
Gabogabo:-
Waxaan Soomaalida oo idil ka codsanayaa ( Dowladda, Mucaaradka, Shicibka iyo Dowlad Goboleedyada) in aay sameeyaan hal maalin BANAANBAX NABAD AH oo ula geedadeedu tahay in aan ka badbaadno qorshaha gurracan oo cusub oo lagu boobayo badda Soomaaliya.
Bashir Shekh Moxamed bashirmohamud@yahoo.com
- FG: Arrinta cusub ee dublomaasiga Soomaaliyeed ka hadlayo, waa qorshe cusub oo dhowaan soo ifbaxay oo la doonayo in lagu maja xaabiyo cabbirka badda Soomaaliyeed lahayd ee ahaa 200 mayl badeed in cabbirkaas lagu soo koobo 12 mayl – qorshahaas faahfaahintiisa kala soco SomaliTalk.com, insha Allah.
ARAGTIDA DADWEYNAHA: Fadlan aragtdaada ku qor HALKAN (FG. Fadlan fikradaada ku qor dhanka hoose ee bogga soo baxa marka aad RIIXDID HALKAN)

Wareegtadii safaarada Soomaaliya ee Stockholm (Sweden) 1979 ee lagu magacaabay Bashiir
AKHRI: Dhul-Badeedka Soomaaliyeed: Been aan gabasho lahayn oo si joogto ah la idiinku sheego
