Magaalada Minneapolis ee Dalka Mareekanka waxaa ka dhacay shir balaaran oo ay isugu yimaadeen dhamaan xubnaha Jaaliyada Maakhir ee ku dhaqan gobolka Minnesota isla markaana si wanaagsan u qabsoomey iyadoo ay kasoo qeyb galeen Aqoon yahano, Waxgarad, Culumaaudiin, ururada Haweenka iyo kuwa dhalin yarada.
Waxaa goobtaasi ka hadley Aqoonyahano badan oo uu ka mid yihiin: Sh. Jaamac A. Raage, Hon. Caasha Axmed Cabdalle, Nabadoon Caabi Faarax, Dr. C/fataax Xuseen Dheere, Aqon. Jamaal M. Xassan, Abwaan Siciid Saalax Axmed, Col. Maxamuud Cali Ciid “Daba-gaale”, Eng. Maxamud Jaamac Xaamud, Prof. Siciid Faahiye “Shaacir”, Aqon. Muna Jaamac Cabdi, Aqon, Deeqa Xassan Shabeele, Aqon, C/laahi Saalax Geeljire, Aqon. Maxamuud Ciise Aar, Aqon. Axmed Caato, iyo dad kaloo badan. Waxaa goobtaasi suugaan ka tiriyey Abwaano ay ka mid yihiin C/qaadir Mataan, Cawil Siciid iyo Caasha Cabdi.
Shirkan isagoo faah faahsan waxaad kala socon kartaan Shabakada SPR e hamoogaan
