Hay’ada Taakulo waa hay’ad maxali ah oo ka howlgasha dhamaan deegaanada Puntland waxayna xafiisyo ku leedahay Boosaaso, Gaalkacyo, Garoowe, iyo Dhahar. Hay’adan oo ka mid ah hay’adaha ka jira dalka Soomaaliya kuwa ugu firfircoon ayaa waxay si gaar ah wax uga qabataa caafimaadka, waxbarashada, xanaanada xoolaha, ka hortaga tahriibka, ka hortaga xaalufka, taba-barada booliska Puntland iyo tababaro saraakiisha sare ee Puntland, iyo waliba wacyi galinta guud ee dad weynaha.
Wareysigan oo aan la yeelanay maamulaha hay’ada Taakulo isla markaana ah aasaasihii aqoonyahan Mahad Cali Cismaan oo nooga warbixiyey guud ahaan waxay qabtaan iyo waliba waxyaabihii ay soo qabteen. Mahad Cali Cismaan ayaa ugu baaqey in dadka qurba joogta in ay ka qeybqaataan hor marka dalka isagoo sheegay in ay kaalintooda ay gabeen.

November 28, 2010 at 8:40 pm
s p r wey dedaaleen. wax badan ayay dalka hormar ah kusoo kordhiyeen.