webmaster@laasqoray.net

WARQAD FURAN OO DADKA SOOMAALIYEED UU U SOO QOREY XIRIIRIYAHA ARRIMAHA BANI’AADAMNIMADA KUNA SAABSAN XAALADDA ABAAREED EE SOOMAALIYA

Waxa aan la qabey cabsidii iyo welwelkii ay dad badan oo Soomaaliyeed ka muujiyeen roobabkii Deyrta ee baaqdey. Macluumaadka ilaa hadda aan hayno waxaa uu inoo sheegayaa in dad ku nool qaybo badan  oo dalka ka mid ahi ay soo wajahdey biyo yaraan, markii hore biyo yaraanta waxa ay saameysey xoolaha laakiin waxaa jira bulshooyin badan oo ay ku yar yihiin biyaha la cabbo. Abaartu waxaa kale oo la socdey qiimaha cuntada oo kor u kacay, helitaanka cuntada oo ciriiri galey iyo sidoo kale keydkii cuntada oo yaraadey. Abaatu iyo biyo yaraanta wehelisey ayaa dhaliyey meerto nafaqo-xumo ba’an oo ay ugu daran tahay degaanno ka tirsan Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose, Gedo, iyo Shabeellaha Dhexe. Abaarta hadda taagan ayaa dhalisey in kooxo badan ay ku waayaan maciishaddoodii waxaana si gaar ah ay abaartu aad ugu saameysey dadkii xoolo-dhaqatada ahaa. Xaaladaha ay ku nool yihiin dadka gudaha ku barokacay ayaa sii xumaadey, gaar ahaan degaannada bixinta gargaar bani’aadamnimada sida sii kordheysa ciriiriga loo sii gelinayo.

Waxaa hadda ina soo wajahay dhibaatooyin ba’an oo bani’aadamnimo laakiin tani waxa ay ka sii dareysaa haddii ay dhacdo in ay mustaqbalka baaqdaan roobabka Gu’ga ee la filayo bisha Abriil. Bulshada bani’aadamnimada ayaa isla markii ay abaartu dhacdeyba gurmad sameysey iyada oo adeegsaneysa kheyraad (dhaqaale) iyo lacag yar oo xaaladaha degdegga ah loogu talogaley oo xarun dhexe lagu hayey. Wejigii hore ee abaarta ee bishii Jannaayo, waxa maaliyaddeennii xaaladaha degdegga ah aan ugu talogalney aan u adeegsanney in aan ku ilaalino maciishadda dadka si aan u yareyno saameynta degdegga ah ee abaarta. Waxa aan si weyn diiradda u saareyney in aan daboolno baahida dhinaca biyaha iyada oo la hubinayo in ceelal istiraatiiji ah ay ka sii shaqeeyaan guud ahaan Soomaaliya, iyo in sidoo kale la hubiyo in biyo la cabbo oo nadiif ah lagu helo Muqdisho, Hiiraan iyo Baay, Shabeellaha Hoose, Koonfurta Mudug iyo guud ahaan Puntland. Hay’adaha ayaa adeegsadey kheyraadkii ay heli kareen si ay kor ugu qaadaan quudinta dheeriga ah iyo cunto qaybinta si wax looga qabto baahiyihii ka jirey degaannadii la gaari karey.

Iyada oo ay abaartu weli taagan tahay, ayaa Qaramada Midoobey waxa ay u qoondeysey $60 Milyan oo Doolarka Mareykanka ah. Qayb ka mid ah lacagtan waxaa loo isticmaali doonaa in ay noqoto maaliyad degdeg loo bixiyo si wax looga qabto baahiyaha degdegga ah ee dadka abaarta ku soo barokacay. Qaybta ugu badan maaliyaddan waxaa loo adeegsan doonaa in kor loogu qaado helitaanka cuntada iyo in lagu raadiyo siyaabo loo yareeyo farqiqa sii ballaaranaya ee u dhexeeya cuntada loo baahan yahay iyo tan la heli karo. Maaliyadda wadajirka ah ee Qaramada Midoobey ayaa loo qoondeyn doonaa si waafaqsan baahida jirta, sidaa daraaddeedna waxaana aan kheyraadka u qaybinney si waafaqsan saamiga tirada dadka ay abaartu soo barakicisey ee degaankaa gaarka ah jooga.

Markaan guda galney wax ka qabashada dhibaatooyinka ka dhashey abaarta, waxaa inoo caddaatey in mid ka mid ah culaysyada ugu weyn ee haysta ururrada bani’aadamnimadu uu yahay hubinta in dadka ay abaartu saameysey ee koonfurta Soomaaliya jooga la gaarsiiyo gargaarka cunto ee ay u baahan yihiin. Haddii aan si habboon loo helin cunto, heerka nafaqo-xumada ayaa kor u kacaya carruurtuna silic laga baaqsan karey ayaa ay silci doonaan. Mar kale, waxa aan dhamaan dhinacyada ku lugta leh iskahorimaadyada Soomaaliya ku tirtirsiinayaa in bulshooyinka nugul ay awood u siiyaan in ay helaan gargaarka bani’aadamnimo ee ay hadda u baahan yihiin.

Abaarta sii daba-dheeraaneysa iyo sida weyn ee ay suurtagalka u tahay in roobabka Gu’ga ay ka yaraan doonaan intii dad ku filnaan lahayd ayaa waxaa keeneysaa in dadaal wadajir ah ay u wada galaan dhamaan qaybaha ka jira Soomaaliya sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha dadka Soomaaliyeed iyo in ay taageeraan dadaallada kor loogu qaadayo gaaritaanka dadka. Waqtigan adag, ayaa xataa iyada oo ay jirto deeqsinimada deeq-bixiyeyaasha, aanan ku xisaabtami karin oo keliya gargaarka caalimiga ah si aan dhibaatadan looga saaro Soomaaliya. Waxaa muhiim ah taageero iyo ka-qaybgal laga helo dhammaan dadka Soomaaliyeed haddii la doonayo in laga hortago in abaartu ay waxyeelleyso nolosha iyo mustaqbalka boqollaal kun oo ah dad ay hadda dhibaatadu saameysey.

Warqaddan furan waxaan u soo qorey in aan caddeeyo tallaabooyinka ay Qaramada Midoobey kaga jawaabeyso abaarta. Macluumaad faahfaahsan waxaa laga helayaa http://ochaonline.un.org/somalia

Mark Bowden

Madaxa Qaramada Midoobey iyo Xiriiriyaha Hawlaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya

21 Febraaryo 2011

Comments are closed.