Horn Relief waxay go’aan satay in ay u soo bandhigto daweynaha marxalada ugu dambeysay xaalada Mashruuca Hor Marinta Dekada Laas Qoray iyo go’aankii ka bixitaanka deeq bixiyihii muhiimka ahaa ee Oxfam Novib iyo kama dambaystii xiritaanka mashruuca ee Horn Relief ay go’aansatay sannadkii 2009.
Ugu horrayn, waxaan jeclaan lahaa in aan idiin soo bandhigno xog ku saabsan hawlihii mashruuca tan iyo markii mashruuca fakarkiisu bilowmay sannadkii 2006. Mashruucu waxaa uu dhaqaale ka helay mid ka mid ah deeq bixiyeyaasha muhiimka ah oo ah Oxfam Novib (oo soo marisay Oxfam International). Qaddarka lacagta ah oo ay Oxfam oggolaatay waxaa ay ahayd US$ 4,729,500 (Afar malyan, toddoba boqol labaatan iyo sagaal kun iyo shan boqol oo Dollar) sannadkii 2006, halka ay lacagta guud ee mashruuca lagu qiyaasay ay ka ahayd US$ 10,959,739 (Toban malyan, sagaal boqol konton iyo sagaal kun, toddoba boqol soddon iyo sagaal Dollar). Lacagahaas waxaa lagu xidhay/bixiyey shardi ah in mashruuca loo hirgaliyo si dhaqso ah maadaama Oxfam xeerka maalgalinteedu uu aad u adagyahay, haddii kalena lacagahaa loo wareejin doono mashruuc kale. Shardiga kalana waxaa uu ahaa in Horn Relief (HR) ay raadiso lacagta mashruuca ka dhimman (oo dhan US$ 6,230,239), kana raadiso Jaaliyadaha dibadda iyo Deeq bixiyeyaasha caalamiga ah. Sannadihii 2006 – 2009, Horn Relief waxaa ay si firfircooni ku jirto u uruurinaysay lacago islamarkaana ay isku dayaysay in ay mashruuca fuliso iyada oo ay jiraan caqabado adag. Ugu horrayntii waxaannu kulammo kala duwan la yeelannay Jaaliyadaha dibadda ee Yurub, Kanada iyo Maraykanka iyo qaar ka mid ah dadka reer Sanaag. Dabadeed waxaannu xaafiis ka furray magaalada Minnesota si uu u la shaqeeyo jaaliyadaha, u wacyi galiyo, isla markaana uu lacag uga uruuriyo. Xaafiiskaa iyo hawlo kale oo lacag uruurin ah oo ay si wadajir ah u fuliyeen Jaaliyadaha iyo Horn Relief, waxaa lagu helay lacag dhan US$ 476,036 (Afar boqol, toddabaatan iyo lix kun iyo soddon iyo lix Dollar). Lacagahaa waxaa laga soo uruuriyey Jaaliyadaha Soomaalida ee dibadda, gaar ahaanna kuwa reer Sanaag. Inta la ogyahay, tani waa deeqdii lacageed ee ugu badnayd ee Jaaliyadaha Soomaaliyeed u soo uruuriyaan Mashruuc Hor u Marineed ee Soomaaliya. Runtiina taasi waa guul ay ku faani karaan dadka reer Sanaag.
Lacag uruurintaa jaaliyadaha ka sokow, waxaa intaa dheeraa in xaafiiska Horn Relief ee Nairobi uu qabanqaabiyey oo isku dubba riday shirar badan oo lala yeeshay deeq bixiyeyaasha, waxaa la qoray codsiyo mashaariiceed (Proposals) oo loo kala diray deeqbixiyeyaasha, waxaa loo safray magaalooyinka waawayn ee caalamka, waxaana la qabtay shirar taxanayaal ah oo lagula kulmay deeq bixiyeyaasha caalamiga ah oo ay ka mid yihiin dawladaha Talyaaniga, Finland, Japan, Ingiriiska, Norway, Kuwayt, Sacuudi Caraabiya, Imaaraadka Carabta, Maraykanka, Holland, Sweden, Iran, Bangiga Adduunka iyo Bangiga Hor u Marinta ee Islaamka (IDB). Hawlahaan faraha badan waxaa la qabtay intii u dhaxaysay sannadihii 2006 ilaa iyo dhammaadkii sannadihii 2009. Inkasta oo mashruucu uu taageero wayn oo xoog leh ka helay dadka Soomaaliyeed, haddana waxaa adkaaday in la helo lacagihii loo baahnaa taa oo ay ugu wacantahay Burcad Badeednimada iyo Afduubka baahsan ee ka dhacaya xeebaha Soomaaliya. Sidaa oo kale, isku haysashada labada maamul ee Puntland iyo Somaliland ay isku haystaan Maamulka Gobolka Sanaag iyo Burcad Badeednimada iyo Afduubka dadka Ajnabiga ah ayaa waxaa ay keentay jawi ah in deeq bixiyeyaashu ay ka maagaan in mashruuca ay maalgaliyaan. Intaa waxaa dheer, markii aannu isku dayeyney in aannu si dhaqso ah u hirgalinno mashruuca, xaaladda amniga degaanka oo aad u xumayd awgeed, waxaa noo suurta gali wayday in aannu soo dirro Ingineerro iyo la taliyeyaal caalami ah oo ka qayb qaata hawlaha mashruuca.
Madaama aannu fulin kari waynay labadii shuruudood oo ay Oxfam hore noogu xirtay oo midi ahayd in lacagta mashruuca ka dhimman la soo uruuriyo, laba sano oo taageero ah ka dib, Oxfam waxaa ay mashruuca isaga baxday sannadkii 2008.
Si kastaba ha ahaatee, dhaqaalahii mashruuca ee Oxfam, Jaaliyadaha dibadda iyo dadka reer Sanaag ee gudaha dalka, waxaa lagu fuliyey hawlahan hoos ku qoran:
- Saddex (3) daraasadood oo ballaaran oo ah xagga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Deegaanka, Bulshda iyo Siyaasadda sida ay wax uga hirgali karaan;
- Waxaa la hawlgaliyey DHV oo ah shirkad caan ah oo ku takhasustay dhismayaasha badaha, waxaana lagu martiqaaday in ay samayso naqshaddii dekadda, qoraallada qandaraaska iyo qiimayn dhaqaalaha ku baxaya dhismaha dekadda. Qandaraaskaa oo loogu talo galay in loo bandhigo shirkado caalami ah;
- Baaritaan la xiriira xagga carrada/ciidda iyo dhagaxa;
- Daraasad ku saabsan mawjadaha badda iyo halka/qaabka ay u dhacaan;
- Sahan ku saabsan awoodda adkaysiga (ee alaabada dhismaha sida carrada, dhagaxa, IWM);
- Baaritaan ku saabsan alaabada dhismaha sida carrada/ciidda, dhoobada, dhagaxa, IWM;
- Baaritaan ku saabsan carrada/ciidda;
- Naqshadayn iyo qiimayn hawlaha qodaalka iyo soo buuxinta goobta dekadda;
- Soo gadista qalab culus oo ah kuwa dhismaha looga shaqeyo sida qodista, jabinta iyo buuxinta carrada. Qalabkaasna waxaa ka mid ah qalabka dhagaxa shiida oo kala shiila;
- Soo raridda iyo gacan ka gaysiga keenista qalabka ee waddanka Talyaaniga ilaa Djibouti badda la soo mariyey. Djibouti ilaa Soomaaliya na dhulka la soo mariyey;
- Xaafiis laga furay Minnesota si uu gacan uga gaysto lacag uruurinta iyo wacyi gelinta jaaliyadaha dibadda;
- Hawlo fara badan oo ku saabsan lacag uruurinta mashruuca oo ka dhacay waddammada Kanada, Ingiriiska, Australiya, Maraykanka, Holland iyo Imaaraadka Carabta. Hawlo kuwaa la mid ah waxaa iyana qabtay dadka reer Sanaag iyo u ololeeyayaasha kale ee hor u marka dalka iyo xaafiisyada Horn Relief ee Nairobi, Minnesota iyo Bossaso;
- Qoraallo mashruuc oo faahfaahsan oo loogu talo galay deeq bixiyeyaasha caalamiga ah. Qoraalladaasi waxaa ay ku qoranyihiin Af Carabi iyo Af Ingiriis;
- Waxaa la shaqaalaysiiyey dadkii hawlaha mashruuca fulin lahaa;
- Waxaa la dayactiray dhisme dawladdii hore lahayd oo ku yaalla Laas Qoray, lagana dhigay xaafiiskii mashruuca dekadda.
Dabayaaqadii sannadkii 2008, Horn Relief waxaa ay waraaq u dirtay jaaliyadaha dibadda, dadka reer Sanaag iyo kaalmeeyayaasha kale oo hor u marka dalka iyada oo ku wargelinaysa in Oxfam ay isaga baxday mashruucii. Intaa waxaa 4
dheeraa in Faadumo Jibriil ay u safartay oo ay booqatay waddammada Maraykanka iyo Ingiriiska si ay ugala hadasho jaaliyadaha dibadda bal sidii laga yeeli lahaa mashruuca. Waxaa kale oo jiray in Horn Relief ay qabanqaabisay shirar xagga telephone ka ah oo lala galay jaaliyadaha dibadda iyo dadka reer Sanaag ee dalka oo loogu sheegaayo go’aanka ay qaadatay hay’dda Oxfam. Halkaa marka ay marayso, Horn Relief waxaa ay ka codsatay dadka reer Sanaag in ay mashruuca la wareegaan oo hawlihiisa ay sii wadaan. Waxaa kale oo ay Horn Relief soo jeedisay in mashruuca ay ku bahoobaan shirkado gaar ah iyo dadka reer Sanaag. Intaa waxaa soo raaca, in Horn Relief u oggolaatay dadka in ay helaan ama isticmaalaan oo ka faa’iidaystaan daraasadihii iyo qoraalladii mashruuca ee hore loo diyaariyey. Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan wax fikrado ah ama qorshayaal ah oo la taaban karo kuna aaddan sidii mashruuca loo sii wadi lahaa oo loo keenay Horn Relief ilaa iyo hadda.
Wakhtigii Oxfam Novib ay ka baxaysay mashruuca, Horn Relief waxaa ay soo wada gadday dhammaanba qalabkii dhismaha, kaas oo laga soo gaday waddanka Talyaaniga, kuna soo socday Soomaaliya, iyada oo la soo marsiinaayo Djibouti. Horn Relief waxaa ay diyaarisay in ka bixitaanka mashruuca ee Oxfam Novib uu u dhaco si habsami ah taas oo macnaheedu yahay in lacagihii ay bixisay Oxfam Novib dhammanba loo wada isticmaalo sidii loogu talo galay sida keenista qalabka talyaaniga laga soo gaday ilaa Boosaaso.
Ha yeeshee lacagihii ay Oxfam bixisay inta aanay mashruuca ka bixin ka hor, waa ay ku fillaan waayeen kharashaadkii loo baahnaa oo dhan si qalabka loo soo gaarsiiyo ilaa Boosaaso. Sidaa awgeed, hay’adda Horn Relief waxaa ay gashay kharaj aad u fara badan sidii uu qalabkaa mashruuca uga keen lahaa Talyaaniga ilaa Djibouti. Dabadeedna Djibouti ilaa iyo Boosaaso oo dhulka la soo mariyey qalabka oo dhan. Hawshaani waxaa ay qaadatay muddo ka badan siddeed (8) bilood. Haddaba markii qalabkii la keenay Boosaaso ilaa iyo maanta, Horn Relief waxaa ay bixinaysay dhammaanba dhaqaalaha dayactirka, nadaafadda iyo amniga qalabka iyada oo aan meel kale ka helin wax dhaqaale ah. Natiijadiina waxaa ay noqotay in lacag isgaartay oo gaaraysa US$ 154,228 (Boqol, konton iyo afar kun, laba boqol labaatan iyo siddeed Dollar) in lagu yeesho mashruuca iyo Horn Relief sida ay caddaysay warbixintii hanti dhawrkii (Audit) kii sannadkii 2009. Si kastaba ha ahaatee, waqtigan xaadirka ah, Horn Relief deynta lagu leeyahay oo ay mashruucaa ku gashay waxaa kor u dhaafaysaa US$ 200,000. Dayntaasina waa mid kor u sii kordheysa maalinba maalinta ka dambaysa taas oo ka imaaneysa daryeelka iyo xafidaadda qalabka.
Xisaabxirkii u dambeeyey ee la sameeyey 31 December 2009, mashruuca hantida soo gashay waxaa ay ahayd US$ 2,791,687 (Laba malyan, toddaba boqol sagaashan iyo kow kun, lix boqol siddeetan iyo toddaba Dollar), waxaana kharaj ahaan loo isticmaalay US$ 2,945,915 (Laba malyan, sagaal boqol afartan iyo shan, sagaal boqol toban iyo shan Dollar). Boqolkiiba toddobaatan iyo sagaal (79%) kharajkaan waxaa bixiyey Oxfam (US$ 2,315,651), boqolkiiba toban iyo toddaba (17%) waxaa ay ka timid jaaliyadaha dibadda (US$ 476,036), inta soo hartayna, oo ah boqolkiiba afar (4%) waxaa bixiyey Horn Relief, waana lacagta wali mashruuca lagu leeyahay (US$ 154,228). Waxaa muhiim ah in la xuso in kharajkan loo isticmaalay dhammaanba hawlihii mashruuca ee hore loo soo sheegay sida shaqaalihii mashruuca, xaafiisyadii Minnesota, Nairobi, Boosaaso iyo Laas Qoray, iyo adeegyadii iyo khibaradihii farsamo ee ay bixiyeen shirkadaha caalamiga ah iyo la taliyeyaashii muddo saddex sano ah.
Intaa waxaa dheer, in kasta oo jaaliyaduhu ay ku guulaysteen in ay uruuriyaan US$ 476,036 (Afar boqol toddobaatan iyo lix kun iyo soddon lix Dollar), haddana Horn Relief iyo mashruuca dekaddu waxaa ay shaqaale iyo adeegyo kale oo mashruuca ku bixiyeen lacag ka badan US$ 240,000 (Laba boqol iyo afartan kun oo Dollar). Hawlahaas oo uu fuliyey xaafiiska Minnesota muddo saddex (3) sano ah kaas oo lagu soo uruuriyey qayb wayn oo ka mid ah lacagta kor ku xusan ee ah US$ 476,036, taas oo macnaheedu yahay in lacagtaa la soo uruuriyey boqolkiiba konton (50%) in ka badan in loo isticmaalay hawlo xaafiis iyo maamul la xiriira. Haddaba marka laga eego xeerarka caalamiga ah ee loo adeegsado dhaqaale uruurinta oo la oggalyahay boqolkiiba toban (10%) oo kali ah in loo isticmaalo kharajka dhaqaale uruurinta, lacagta ay rasmi ahaan jaaliyaduhu u soo uruuriyeen waxaa ay noqotay US$ 283,640 (Laba boqol siddeetan iyo saddex kun, lix boqol iyo afartan).
Dhammaanba dhaqaalihii mashruuca soo galay iyo kharajkii baxay intaba oo kor lagu soo xusay waxaa xisaabiyey oo soo saaray shirkado hanti dhawr (audit) caalami ah. Warbixintaasna waxaad ka helaysaa barta internet-ka ee Horn Relief.
Haddaba maadaama natiijadii ay noqotay in dayntii mashruuca iyo culaysyo dhaqaale ay dusha kaga dhacaan urur yar sida Horn Relief, Guddiga Sare (BOD) ee maamulka hay’addu waxaa ay go’aamiyeen sannadkii 2009 in si rasmi ah mashruuca loo xiro, qalabkana la iibiyo si daynta mashruuca looga jaro, lacagta soo hartana lagu fuliyo mashruuc dan u ah dadka reer Sanaag. Sabab kale oo muhiim ah oo keentay go’aanka ah in qalabka la iibiyo waxaa ay ahayd iyada oo qalabka dhismaha oo culusi uu u baahanayahay dayactir joogto ah iyo in si joogta ah loo isticmaalo, haddii kale qalabkaasi waa uu baaba’ayaa oo qiimo dhac ayaa ku imaanaya. Qalabka mashruuca in Boosaaso loo daayo oo la iska hayo iyada oo wax qorshe ah oo la taaban karo aan loo hayn sidii loo hawl galin lahaa mustaqbalka dhow, taasi waxaa ay keenaysaa in qalabku uu si fudud u baaba’o. In qalabkaa meesha lagu daawado ilaa iyo inta uu baaba’oya ma aha wax Horn Relief iyo Guddiga Sare ee hay’addu ay u dulqaadan karaan.
In kasta oo go’aankaa xiritaanka mashruuca ah guddiga sare ee hay’addu ay gaareen sannadkii 2009, haddana hay’adda Horn Relief ma aysan fulin go’aankaa si ay wada tashi buuxa ula yeelato bulshada. Intaa ka dib, hay’addu waxaa ay abaabushay shirar iyo wada tashiyo is dabajoog ah oo ay la yeelatay dadka reer Sanaag bilihii June iyo July 2010 oo lagaga hadlaayey xiritaanka mashruuca. Hay’ada waxay latashiyo badan la sameysay Bulshada Mandaqada Sanaag bilihii June iyo July sanadkii 2010. Waxayna hoggaamiyeyaasha iyo wakiillada bulshaada ee reer Sanaag waxxaa ay aqbaleen xiritaanka mashruuca iyo go’aankii Hon Relief oo ahaa in la badbaadiyo waxii ka haray qalbakii dekadda oo la iibiyo inta uu qiime leeyahay, lacagna la helo si dayntii qalabka loo bixiyo. Haddaba, in kasta oo mashrrucaan ay xireen maalgeliyeyaashu sannadkii 2008, Horn Relief na ay xirtay sannadkii 2009 iyo iyada oo hadda ay tahay laba sano ka dib, haddana wali wax hor u mar ah lagama samayn xiritaanka mashruuca, wax xal ahna looma helin arrinta qalabka. Waqtigii waa dhammaaday.
Iyada oo laga duulayo xaqiiqada ah in aan Horn Relief sii hayn Karin qalabka, kuna eegan karin in uu ku baaba’o qorraxda Boosaaso, hay’adda waxaa hadda u bannaan laba arrimood. Sidaa awgeed, Horn Relief waxaa ay qabatay, taariikhdu markii ay ahayd 03/04/2011, shir ballaaran oo ay ka soo qayb galeen odayaasha dhaqanka iyo cuqaasha Warsangeli. Shirkaas oo lagu qabtay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag. Shirka waxaa ka soo qayb galay soddon iyo afar (34) caaqil oo ka kala socday jiffoyinka kala duwan ee beesha Warsangeli. Haddaba si xal kama dambays ah loo helo arrinta qalabka, Horn Relief waxaa ay shirka u soo bandhigtay laba arrimood oo ay tahay in la kala doorto. Kuwaas oo ahaa:
- In Horn Relief iibiso qalabka, lacagta iibka qalabka ka soo baxdana ay ka goosato US$200,000 (laba boqol oo kun oo doolar oo maraykan ah) oo ah dayntii iyo kharashkii mashruuca galay. Lacagta ka soo harta iibka qalabka waxaa loo dhiibayaa bulshada reer Sanaag ayaga ayaa ku fulindoona mashruuc ay doortaan sida Isbitaal, Jid, iwm;
- Horn Relief waxaa ay qalabka ku wareejinaysaa dad wakiillo ka ah oo ay soo doorteen bulshada reer Sanaag, waxaa ayna hay’addu la haraysaa qalab qiime ahaan u dhigma US$ 200,000 (laba boqol oo kun oo doolar oo maraykan ah) amaba waxaa bulshada reer Sanaag ay bixinaysaa US$ 200,000 oo caddaan ah taas oo Horn Relief u qaadnayso lacagtii ka maqnayd.
Wada hadal ka dib, odayaashii waxaa ay u codeeyeen oo doorteen qodobka koowaad. Dabadeed waxaannu ka codsannay in ay si dhaqso ah u magacaabaan koox maamusha lacagta ka soo harta iibka qalabka, waxayna codsadeen in Horn Relief ay lacagtaa sii hayso ilaa iyo 31da Disember 2011, xilligaa oo ay soo magacaabi doonaan guddi maamula lacagtaa.
Horn Relief waxaa ay hadda fulinaysaa go’aankii Heshiiskii Badhan, waxaana ay ku gudo jirtaa iibinta qaar ka mid ah qalabka, inta soo hartana suuq gayn ayaa loo samaynayaa si iyana loo iibiyo. Qalabka oo dhammi qiimihiisu hadda waa US$ 625,000 (Lix boqol, labaatan iyo shan kun oo doolar oo maraykan ah). Iibinta qalabka ka dib, sida ku cad Heshiiska Badhan, Horn Relief waxaa ay la socod siin doontaa odayaasha beesha Warsangeli iibinta qalabka, waxaa ayna u soo gudbin doontaa heshiiska iibka, waxii lacag ah soo harana waxaa ay u gudbin doontaa guddiga hawshaa loo soo magacaabay.
Waxaa nasiib darro ah in hadallo fool xun oo wax looga shegaayo dhaqaalaha mashruuca iyo iibinta qalabka lagu daabacay ama laga siidaayey saxaafadda. Waxaannu si xoog leh ugu dhiirrigalinaynaa ciddii danaynaysa warbixintii hanti dhawrka ama xog kale oo ku saabsan mashruucaa, in ay la soo xiriirto hay’adda. Intaa waxaa dheer, annaga oo tixgelinayna eedaynta loo soo jeediyey Horn Relief, shaqaalaheeda amana guddigeeda sare, waxaannu jeclaan lahayn in aannu jaaliyadaha ku dhiirrigalinno in ay soo kireeyaan shirkad hanta dhawr oo caalami ah oo ay iyagu soo doortaan si ay dib ugu eegto warbixinnadii iyo qoraalladii maaliyadeed ee mashruuca oo hanta dhawrkii hore sameeyey. Waxaannu diyaar u nahay kuna faraxsannahay in aannu xisaabtankaa la samayno oo soo dhawayno cid kasta oo bulshada ka mid ah oo danaynaysa. Waxaannu aaminsannahay in aannu mashruucaa u fulinay si cad oo daahfurraan iyo daacadnimo ku dheehantahay.
Nuqul ka mid ah Heshiiskii Badhan ee ay saxiixeen soddon iyo afar (34) oday dhaqameed iyo war bixinihii hanti dhawrkii/xisaabaadkii ay sameeyeen shirkado caalami ahi, waxaa laga heli karaa barta internet-ka ee Horn Relief oo ah www.hornrelief.org/news.htm. Cajal video oo muuqaal ah oo ku saabsan shirkii April 3, 2011 sidaa oo kale waxaa laga heli karaa barta internet-ka ee Horn Relief oo ah http://www.youtube.com/watch?v=x_laVUE7vFM&feature=related. Fadlan, waxii su’aalo ah oo aad qabtid, uga bogo qoraalladan amaba cajalkan maqalka iyo muuqaalkaba ah. Sidaa oo kale, qof kasta oo u baahda faahfaahin dheeraad ah, waxaannu ku dhiirrigalinaynaa in uu la xiriiro odayaashii ka qaybgalay shirkii April 3, 2011 ee Badhan oo looga hadlay arrimahaan. Hay’addu waxaa ay mashruucaan si rasmi ah u xirtay sannadkii 2009. Heshiiska Badhan iyo go’aanka odayaasha beesha oo ah in la iibiyo qalabka, lacagta soo hartana lagu wareejiyo bulshada mustaqbalka dhow, waxaannu u qaadanaynaa in arrintii qalabka sidaa lagu xalliyey oo halkaa ay ku dhammaatay.
Mashruuca Laas Qoray ma aha mashruuca keli ah oo hay’adda Horn Relief ay ka fulisay mandaqada Sanaag. Waxaa ay wax ka qabaneysay laga soo bilaabo 1994, waxaa ayna ka fulisay mandaqada Sanaag mashaariic u dhiganta in kabadan 20 million oo doolar.Hadda, waxaa aannu gacanta ku haynaa mashruuc la xiriira xaaladaha deg degga ah oo looga hortagaayo dhibaatooyinka saameeya dad iyo duunyaba sida abaaraha. Waxaannu qaybinnay lacag dhan US$ 1,064,820 (malyan, lixdan iyo afar kun, siddeed boqol iyo labaatan doolar oo maraykan ah). Lacagtaa oo aan dayn ahayn, wax shardi ahna ku xirrayn, waxaa loo qaybiyey dad dhan 56,735 oo qof muddadii u dhexaysay Disember 2010 ilaa Maarso 2011. 56,735 qof waxaa weeye dadka ugu nugul bulshada reer Sanaag, kuwaas oo lacagta caddaanka ah loo siiyey in ay ku daboolaan baahidooda cunto iyo midda biyaha. Kani waa hal mashruuc oo qura kana mid ah mashaariic kale oo fara badan oo Horn Relief ay ku taageerto dadka danyarta nugul ama kuwa la yaso ee bulshada reer Sanaag.
Waxaa muhiim ah in la garawsado halista dhaqaale ee uga imaan karta urur ama hay’ad yar sida Horn Relief mashruuc galay dayn iyo kharaj aad u sarreeya. Sidaa awgeed, waa in aynu ogaannaa in mustaqbalka iyo dhaqaalaha hay’adda aanu wax u dhimi karin hal mashruuc, iyada oo laga tix raacaayo waxyaabaha faraha badan oo wanaagsan oo ay hay’addu ka qabatay ama wali ka waddo gobolka Sanaag.
Mustaqbalka Mashruuca Dekadda Laas Qoray ma aha mid quus ah maadaama ay dawladda kuwayt ay muujisay in ay ka go’antahay in ay dhisto dekadda Laas Qoray. Mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay la oggolaatay dawladda Kuwayt dhismaha dekaddu waa shaqadii faraha badnayd ee ay qabatay hay’adda Horn Relief, gaar ahaanna daraasaad farsamo iyo kuwa dhinacyo badan ooh ore loo sameeyey haddana ay heli karaan ciddii danaynaysa. Waxaannu aad u rajaynaynaa in ballanqaadkan dawladda Kuwayt oo noqon doono mid hirgala, oo aynu aragno dekaddaan muhiimka ah oo u dhisantay kumaanyaalka qof ee reer Sanaag iyo gobollada kale ee Soomaaliya.
Horn Relief waxaa ay u mahad celinaysaa jaaliyadaha dibadda iyo dadk reer Sanaag wadashaqaynta wacan ee ilaa iyo maanta naga dhexaysa. Waxaa kale oo ay hay’addu u mahad celinaysaa Oxfam Novib oo ah deeq bixiye soo jireen ah taageeradii iyo gacantii ay ka gaysatay maalgelintii mashruucaan muhiimka ah.
Gabagabadii, waxaa aannu jeclaan lahayn in aannu idiin caddayno in guddiga sare ee Horn Relief, shaqaalaha iyo maamulkaba ay naga go’antahay in aannu samayno wax kasta oo awooddayada ah si loo helo khayraadka ay u baahanyihiin dadka Soomaaliyeed oo aannu u adeegno. Waxaannuna aad u rajaynaynaa in dadka Soomaaliyeed, gudo iyo dibadba, in ay dhacdadaan cashar ka qaataan, kana fakaraan sidii ay waddankooda hor u markiisa uga shaqayn lahaayeen. Sii wadidda hor u marinta dalka iyo dadka Somaaliyeed, Horn Relief waa ay ka go’antahay, isla markaana aad ayey ugu wayntahay.
