(Muqdisho, 9 Juun, 2011) – Iyagoo ka duulaya go’aankii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay iyo talosoo jeedintii Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya ee ku aadanaa in ay hogaamiyayaasha Soomaalidaislameeldhigaan sida loo dhamaynayo xiliga KMG ah islamarkaana ay ka heshiiyaan xiliga la qabanayodoorashada Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa ayaa MadaxweynahaDawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo Afhayeenka Baarlamaanka waxay kulamo socday maalmoku yeesheen magaalada Kampala ee Dalka Uganda.
Kulankaan oo uu garwadeen ka ahaa madaxweyne Museveni uuna fudeeyey ergayga gaarka ah ee QaramadaMidoobay soomaaliya u qaabilsan ambassador Mahiga ayaa waxaa laga soo saaray qodobo dhowr ah oo ayugu miimsanyihiin;-
- -In doorashada Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa dib loo dhigo mudosanad ah oo ka bilaabmaysa August 21, 2011.
- -In doorashada madaxweynaha, gudoomiyaha iyo ku xigeenadiisa la qabto ka hor bisha Agoosto 2012.
- -Iyadoo uu tixgelinayo baahida loo qabo habsami u socodka shaqada wanaagsan ee xukuumaddu haysoiyo in laga gudbo khilaafaadka soo dhexgalay Baarlamaanka iyo Xukuumadda, waxaa raisulwasaaruhugo’aansaday in uu dalka gudihiisa shaqada iskaga casilo soddon maalmood gudohood.
- - Laga bilaabo maalinta heshiiska la saxiixo isla sodonkaa cisho gudahooda ayuu madaxweynuhu kusoomagacaabayaa ra’iisuwasaare cusub. Baarlamaanku wuxuu ballan qaaday in uu ansixiyo Raisulwasaarahacusub iyo xukuumadiisaba afar iyo toban maalmood gudohooda markii loo soo gudbiyo.
- -Dhismaha golaha wasiirada waa in la tixgeliyaa qaabka 4.5 waa in lagu dhisaa ruux wadatashi ay isaaminaad ku dhisantahay oo ay madaxda hay’adaha dawladu yeeshaan iyadoo ay xadidayso shaqooyinkahayad walba ugu tilmaaman Axdiga ku meel gaarka ah. Wasiiradu waa in noqdaaan kuwo aqoon,khibarad iyo hufnaan leh.
- -In Baarlamaanka iyo xukuumada cusub ay ka wada shaqeeyaan sidii loo meelmarin lahaa waajibaadkamarxalada KMG ah, kuwaasoo ay ugu horayso Nabadgelyada, dhamaystirka dastuurka, diyaarintadoorashooyinka, dib u habaynta Baarlamaanka iyo xoojinta xiriirinta siyaasadeed iyo wadashaqayntadadka Soomaaliyeed ee ay wax ka go’aan
- -In la dejiyo howlo qeexan, qorshe waqtiyeysan iyo waajibaad tilmaaman oo lagu dhamaystirowaajibaadka marxalada KMG ah
- -In la abuuro jawi ay wadashaqayn iyo iskaashi ku yeeshaan Baarlamaanka iyo xukuumada i taas looxaqiijiyana waa in la joojiyaa dagaalka warbaahinta waana in aan mudo sanad ah mooshino laga keeni Karin Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa. Sidoo kale waa in xukuumadalaga keeni Karin mooshin aan sabab iyo daliil xoog badan ku dhisnayn, kaasoo ay ku khilaafayso Axdiga KMG
- -In lix bilood kadib dib u eegid lagu sameeyo bhawlaha Muasasaadka dawladda
- - In madaxda gobolka (IGAD iyo EAC) ay dhisaan hay’ad siyaasadeed oo ay kala shaqayn doonaanUNPOS iyo AU taasoo dabagasha waxqabadka iyo meelmarinta hawlaha lagu heshiiyey. Nidaaamkanoo la mid ah kii laga hirgeliyey dawladda Burundi kii lagu nabadeeyey ayaa kor meeri doonaacunaqabatayn iyo ciqaabna saari doonaa ciddii ka hor timaadda hergelinta heshiiskan.
Dhamaad.
