webmaster@laasqoray.net

Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxa Ciidamada Amisom Kadib Markii ay Maanta Labo Qof oo Rayida Si Kibira ku Dileen.

Arrin aad u foolxun oo wax laga xumaado ah ayaa maanta oo Talaado ah
ka dhacay Magalada Muqdisho oo ay ku dinteen laba qof oo rayid ah.

Baaritaan ayaa socda balse waraarka nasoo gaaray ayaa tilmaamaya in
kolonyo gaadiid ah oo ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ay saarnaayeen
ay  xabado ku fuureen shacab jiidka marayay.

Falkaas foosha xun waxaa nasiib xumo ku diintay laba qof oo rayid ah
todobo kalena waa ay ku dhaawacmeen. Mid ka mid rayidka dhaawacmay
ayaa isbiitalka Ciidamada Nabad ilaalinta ee AMISOM la geeyay Lixda
kalena waxaa loo qaaday isbitaalka Madiina. Waxaan diyaar u nahay in
aannu daawayno lixda kale haddii loo baahdo.

“Illaa iminka nooma cadaanin sababta rasmiga ah ee ay ciidamadeena
xabadda u fureen lamana hubo in ay naftooda uga baqeen. Dhamaan
Ciidamada falkaas gaystay gacanta ayaa lagu dhigay isla markaasinna
xabsi ayaa la geeyay. Baaritan ayaana socda si ay loo ogaado falka
sida uu u dhacay,” Saas waxaa yiri Taliyaha Ciidamada Nabad ilaanta ee
AMISOM, Jeneraal Nathan Mugisha.

“Nolosha iyo amniga shacabka Soomaaliyeed waa arrin aad ula weyn
ciidamada AMISOM falkaan dimashada iyo daawaca gaystay waa mid  aan
aad uga xunnahay. Waxaan tacsi tiiranyo leh u diraynaa qoysaska laga
geeriyooday iyo kuwa dhaawaca soo gaaray,”

“Waxaan mahad ballaaran u soo jeedinaynaa saraakiisha caafimaadka
AMISOM iyo kuwa rayidka ah oo isla markiiba soo gaaray goobta uu falku
ka dhacay. Waxaan iyana mudan in aannu u mahad celino shacabka gacan
ka gaystay arrintaas,”

“Anigoo ah Taliyaha Ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM waaxan arrintani
u sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Mudanne Sheekh Sharif Sheekh Axmed
iyo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed
Farmajo. Waxaan labadaa masuul u sheegay in ay AMISOM baaritaan wadda
oo welibana talaaba cusul marsiin doonto ciidamada AMISOM ee falkaasi
gaystay wixii ku soo caddaada.

“Dadweynaha Soomaliyeed waxaan u sheegaynaa haddii aannu nahay AMISOM
waxaan Soomaaliya u joogna in aannu shacabka caawino oo an ilaalino.
Ciidamo tira badan oo Habeen iyo maalin shaqeeya oo loogu talagalay in
ay Muqdisho xoreeyaan ayaa inoo jooga,”

“Falkanni waa mid laga xumaado.  Dadwaynahu xaq ayay u leeyihiin in ay
naga caroodan. Waxaan u cadaynaynaa shacabka Soomaaliyeed in ay
ogaadaan in aannu shaqadeena wadi doono waxaanna ka codsanaynaa
shacabka in faalkani fosha xun  uusan na kala fogaynin,”

Barigye Ba-Hoku
Major
AMISOM Force Spokesman
Tel: Somalia (+252) 699 758567
Tel: Somalia (+252) 165 800500
Tel: East Africa (+256) 773 285177 or (+256) 752 692070
Email: amisomforcehq@gmail.com

Comments are closed.