webmaster@laasqoray.net

Wasaarada Caafimaadka Puntland oo is bedelo ku sameysey Haylaan iyo Sanaag

Wareegtooyin kasoo baxday wasaarada Caafimaadka oo ku saxeexnaa wasiirka caafimaadka Puntland dr Cali Warsame ayaa ku cad in las sameeyey is bedelo dhinaca hawlaha caafimaadka  ee Gobolada Sanaag iyo Haylaan oo wasiirku magcaabey hawl wadeeno cusub oo ka shaqeynaya goobaha caafimaadka iyo isu daweynta arimaha caafimaadka ee labada gobol.

Wareegtada 1aad ee gobolka Sanaag ayaa u qorneyd sidatan waa

Tix: W/Caaf/214/01/20112                                                                              Taariikh: 04/01/2012

Ku: Agaasimaha Guud Wasaaradda Caafimaadka

Og: Wasiir ku xigeenada Wasaaradda Caafimaadka

Og: Waaxyaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Madaxa Shaqaalaha

Og: Gudoomiyaha Gobalka Sanaag ee Dowladda Puntland

Og: Duqa Degmada Baran ee Dowladda Puntland

Og: Dhamaan hay’adaha ka hawlgala Caafimaadka Gobalka Sanaag

UJEEDO: MAGACAABID MASUULIYIINTA CAAFIMAADKA GOBALKA SANAAG

Markii aan eegay baahida loo qabo in wax laga qabto xaalada Caafimaadka Gobalka Sanaag ee Dowladda Puntland isla markaasna aanu aragnay baadida loo qabo in la dhamaystiro nidaamkii caafimaadka lana dardargaliyo adeegyada caafimaadka ee Gobalka Sanaag.

Waxaa Masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin loo magacaabay xilalka soo socda:

MAGACA XILKA SHAQO
Dr. Faduma Ibraahim Ismaaciil Isuduwaha W/Caafimaadka G/ Sanaag  ahna Madaxa Daryeelka Caafimadaka Aasaasiga ah (PHC)
Dr. Ciise Axmed Cali Maax Agaasimaha Isbitaalka Degmada Baran (Hospital Director)
Axmed Jibriil Cali Maamulaha Isbitaalka Baran
Axmed Xaaji Maxamed Maxamuud Madaxa Quudinta (Nutrition officer)
C/ladiif Maxamuud Saalax Xisaabiyaha W/Caafimaadka G/Sanaag
Maxamed Axmed Ciise Madaxa Fayadhowrka (Hygiene and Sanitation)

F.G: Isuduwihii hore ee W/caafimaadka Gobalka Sanaag Siciid C/laahi Ducaale waxaa loo dalacsiiyey inuu ka hawlgalo xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka, waxaa la farayaa Siciid Ducaale inuu xilka ku wareejiyo Isuduwaha cusub ee Gobalka Sanaag. Waxaa kale oo la farayaa dhamaan shaqaalaha W/caafimaadka Gobalka Hayland iyo hay’adaha ka hawlgala Gobalka Sanaag inay la shaqeeyaan masuuliyiinta la magacaabay.

Wareegtada 2aad ee Gobolka Haylaan ayaa u qorneyd sidatan:

Tix: W/Caaf/213/01/20112      Taariikh: 04/01/2012 Ku: Agaasimaha

Guud Wasaaradda Caafimaadka Og: Wasiir ku xigeenada Wasaaradda Caafimaadka Og: Waaxyaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Madaxa Shaqaalaha Og: Gudoomiyaha Gobalka Hayland ee Dowladda Puntland Og: Duqa Degmada Dhahar ee Dowladda Puntland Og: Dhamaan hay’adaha ka hawlgala Caafimaadka Gobalka Hayland UJEEDO: MAGACAABID MASUULIYIINTA CAAFIMAADKA HAYLAND(HIGHLAND) Markii aan eegay baahida loo qabo in wax laga qabto xaalada Caafimaadka Gobalka Hayland ee Dowladda Puntland isla markaasna aanu aragnay baadida loo qabo in la dhamaystiro nidaamkii caafimaadka ee Gobalka Hayland. Waxaa Masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin loo magacaabay xilalka soo socda: MAGACA XILKA SHAQO Jaamac Maxamed Samatar Isuduwaha W/Caafimaadka Gobalka Hayland (RHO) Maxamed Saalax Cali (Bardaan) Madaxa Daryeelka Caafimaadka Aasaasiga (PHC) ahna Madaxa Xogta Caafimaadka Gobalka Hayland (HMIS) Siciid Caydiid Caynab Madaxa Fayadhowrka (Hygiene &  Sanitation Officer) Dr. Amina Ciise Maxamuud Agaasimaha Isbitaalka guud ee Degmada Dhahar (Hospital Director)  Waxaa la farayaa dhamaan shaqaalaha caafimaadka Gobalka Hayland iyo hay’adaha ka hawlgala Gobalka inay la shaqeeyaan masuuliyiinta la magacaabay. Mahadsanid, Dr.Cali Cabdullaahi Warsame. Wasiiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland

Comments are closed.