webmaster@laasqoray.net

Wasiir Kuxigeen Kale oo katirsan Xukuumada Farmaajo oo Goordhayd Is Casilay.

Waxaa Goordhayd Magaaladda Muqdisho isku casilay Markale Wasiir Kuxigeen katirsan Wasiir kuxigeenadii uu dhawaanta Soo Magacaabay Raysal Wasaare Farmaajo, Wasiir Kuxigeenkan ayaa Sheegay in uu cadaadis xoogleh kaga yimi dhinaca Beeshiisa.

Wasiir Kuxigeenka Wasaarada  Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sarre  Mudane Faysal Cumar Guuleed ayaa Goordhayd Shirjaa’id ku qabtay Gudaha Magaaladda Muqdisho Wuxuuna ku sheegay in uu iska casilay Wasiir Kuxigeenkii uu u soo magacaabay Raysal Wasaare Farmaajo, Wuxuuna Xukuumada Dowladda KMG ku eedeeyay in ay dhinac martay miisaankii Dowladda KMG Wuxuu Sidoo kale Sheegay in ay Jabisay Xukuumadu Heshiiskii Jabuuti.

Mudane Faysal Cumar Guuleed ayaa Sidoo kale Sheegay in ay beeshiisu ku qanci weyday Wasiirka Kuxigeenka islamarkaana ay go’aan ku gaadhay in aan booskaas iska casilo.

Waa Wasiir kuxigeenkii Labaad oo isu casila cadaadis kaga yimaada Beeshiisa kadib markii ay ku qanci waayeen Wasiir Kuxigeenada uu u Magacaabay Raysal Wasaare Farmaajo Waxayna arintani wadada u xaadhaysaa in ay Wasiir kuxigeeno kale oo inta ka badan ay maalmaha soo socda is casilaan

Laasqoray.Net

Comments are closed.