webmaster@laasqoray.net

Wasiirka Amniga Dawladda Puntland oo Wax Lagu Farxo Ku Tilmaamay Dhacdadii Bossaso ee Lagu Laayey Qaar Kamid ah Kooxaha Dilalka Ka Gaysta Bossaso.

Wasiirka Amniga Dawladda Puntland Yuusuf Axmed Khayr ayaa ka hadlay dilkii iyo dhaawacii ay Ciidamada ammaanka Magaalada Bossaso ugu gaysteen kooxo dhaawac u gaystay sarkaal katirsanaa Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland.

Gen Yuusuf Axmed Khayr ayaa waxa uu siweyn usoo dhoweeyey hawlgalka ay sameeyeen Ciidamada ammaanka Magaalada Bossaso wuxuuna ku booriyey in ay sii wadaan hawlgalada ay ku beegsanaayaan kooxaha dilalka iyo fallaka ammaan darro ka wadda Magaalada Bossaso.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay qaybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Bossaso looga baahan yahay in ay Ciidamada ammaanka kala shaqeeyaan sidii ammaanka si wada jira loogu sugi lahaa.

Gen Yuusuf Axmed Khayr Wasiirka Amniga Dawladda Puntland dhacdadii Bossaso ee lagu dilay labada nin ee markii hore wax dhaawacay ayaa waxa uu ku tilmaamay mid muujinaysa sida ay Ciidamada iyo shacabka Magaalada Bossas diyaarka ugu yihiin ka shaqaynta ammaanka Magaalada Bossaso.

“Maanta waad ogtihiin waxa dhacay, waana Alle mahadiis in kooxahii wax dili jiray ay maanta fashilmeen isla markaana maanta labo midna laga dilay mid kalena isaga oo dhaawac ah la qabtay, waxaan ku boorinaayaa Ciidamada ammaanka iyo qaybaha kala duwan in ay sii wadaan beegsashada kooxaha ka dambeeya falalka ammaan darro”, ayuu yiri Wasiirka Amniga Dawladda Puntland Gen Yuusuf Axmed Khayr.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in kooxaha falalka ammaan darro ka wada Deegaanada Puntland gaar ahaana Magaalada Bossaso in ay yihiin dad usoo guntaday khal khal gelinta ammaanka Magaalada Bossaso sidaasi darteedna loo baahan yahay in loo istaago sidii la’isaga difaaci loona layn lahaa sidii maanta ka dhacday bartamaha Bossaso.

Hadalka Wasiirka Amniga Dawladda Puntland ayaa ka dambeeyey falkii ay Ciidamada ammaanka Magaalada Bossaso ku dileen mid kamid ah kooxaha dilalka qorshaysan ka gaysta Magaalada Bossaso mid kalena ku dhaawaceen.

Jaamac Joofane
Joofane11@hotmail.com
Xafiiska Warbaahinta Laasqoray ee Magaalada Bossaso

Subscribe to Comments RSS Feed in this post

One Response

  1. Wallee waa yaab!! War dadkaani umadda laynaya maxay ahaayeen?