webmaster@laasqoray.net

Wasiirka Amniga ee Dowladda Puntland oo Xilka la Wareegay

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Amniga iyo DDR ee Dowladda Puntland ayaa shalay [27 July] si toos ah xilka ula wareegay.

Gen. Khalif Cise Mudan oo hore u ahaan jiray Taliyaha Ciidamada Cirka ee Dowladii Soomaliya ayaa xilka kula wareegay munaasabad lagu qabtay xarunta Wasaaradda Amniga iyo DDR ee caasummadda Puntland ee Garowe.

Md. Cali Hayaan oo ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga iyo DDR ayaa tilmaamay waxqabadka Wasaaradda, isagoo soo dhaweeyey Wasiirka cusub.

Wasiirka hore ee Wasaaradda Amniga Gen. Yusuf Axmed Kheyr ayaa sheegay inuu wax badan ka qabtay Wasaaradda tan iyo intii xilka loo magacaabay sanadkii 2010kii.

Gen. Kheyr oo loo magacaabay Wasiiru-dowlaha Madaxtooyadda ee Sharciga ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Wasiirka cusub ee Wasaaradda Amniga iyo DDR.

“Waxaan ku faraxsanahay in maanta ay hey’adaha amaanka qaabilsan sida Booliska iyo Nabadsugida ay si toos ah u hoos imaadaan Wasaaradda Amniga iyo DDR,” ayuu yiri Wasiirkii hore Gen. Kheyr.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Amniga iyo DDR Gen. Khalif ayaa ugu mahadceliyay Wasiirkii hore shaqadii uu qabtay, iyadoo uu Wasiirku ugu baaqay shaqaalaha iyo Mas’uuliyiinta Wasaaradda inay ilaaliyaan sharciyada, inay isixtiraamaan iyo inay si wanaagsan shaqada u qabsadaan.

Munaasabadaan ayaa ku dhacday jawi wanaagsan waxaana ka soo qebygalay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR Md. Cabdi Jamaal, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Md. Cabdi Qowdhan, Taliyaha Nabadsugida PSS Md. Saleban Barre iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Puntland.

Wasaaradda Amniga iyo DDR
Dowladda Puntland ee Soomaaliya
Garowe

 

Comments are closed.