webmaster@laasqoray.net

Wasiirka Arimaha Gudaha Maamul Goboleedka Puntland oo Lagu Wado In uu Is Casilo Maalmaha oo Socda.

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee  Maamul Goboleedka Puntland Gen. Cabdilaahi Axmed Jaamac Ilkajiir ayaa Waxaa lagu soo waramaya in khilaaf xoogani u dhaxeeya isaga iyo Madaxweyne C/raxmaan Faroole, Khilaafkan ayaa wuxuu imanayaa Markii Faroole ka hoos qaadi waayay talooyin badan uu siiyay Ilkajiir.

Khilaafka Labadan Masuul ayaa maalmahanba ka dhex aloosnaa Xaruunta Madaxtooyada wuxuuna haatan marayaa meeshii ugu dambeysay waxaana maalmaha soo socda lagu wadaa in uu is casilo Wasiirka Arimaha Gudaha Gen Ilkajiir inkastoo wararka hada soo baxaya ay sheegayaan in Madaxweyne faroole ka aqbalay Taloooyinkii u soo jeediyay Ilkajiir.

Wasiirka Arimaha Gudaha Maamul Goboleedka Puntland ayaa marar badan kula taliyay Madaxweyne Faroole in uu joojiyo hadalada caadifadeysan ee uu Warbaahinta ka sheegayo kuwaas oo uu sheegay in ay taabanayaan qaabilo gaara islamarkaana kicinaya.

Sidoo kale Gen. Ilkajiir Wuxuu kula taliyay Madaxweyne C/raxmaan Faroole in uu Shaqada Warbaahinta faraha uga qaado Wasiirka Warfaafinta iyo Afhayeenka Madaxtooyada islamarkaana uu tix galiyo Wasaarada Warfaafinta.

Madaxweyne C/raxmaan Faroole kama uusan hoos qaadin talada Gen. Ilkajiir Wuxuuna u arkay nin isaga ujeedo kala ka damacsan amabase u soo dabcay Kooxaha Sheekh Maxamed Siciid Attam wuxuuna khilaafkoodu gaadhay meel xun yadoo ay wararkii u dambeeyay sheegayaan in Labada Masuul lakala dhex galayoo waan waan laga dhex wado basle Gen Ilkajiir wuxuu ku adkeysanayaa in uu is casilo.

Wixii Wara ee kasoo baxa Khilaafka Xoogan ee ka dhaxeeya Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Madaxweyne Faroole Wararkayaga dambe kala soco.

Laasqoray.Net
Laasqoray.Net@gmail.com

Subscribe to Comments RSS Feed in this post

One Response

  1. ILKA JIIR WARKAASI WAA IMADA DAALI, WAXAAS YAANU WARSANGELI U WADIN.

    WAAN LA SOCONAA XAALADIISA.