webmaster@laasqoray.net

Wasiirka Xanaanada Xoolaha PL Siciid Xassan Shirre oo Mooday in uu Libin ku helayo Xasuuqa iyo Barakicinta Dadkiisa.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Maamul Goboleedka Puntland Siciid Xassan Shirre oo hore uga tirsanaa Baarlamaanka Fadraalka marna Wasiir kasoo noqday Xukuumadii Cali Maxamed Geedi ayaa Maalmahan dambe ku faanayay Barakicinta iyo Xasuuqa uu u geystay dad Shacaba oo aan waxba galabsan, Mr Siciid Wuxuu mooday in uu Libin ku helayo in lagu faano dadkiisa uu barakiciyay basle isagoo kale hore ayaa loo soo arkay waxaynu sugnaaba waa isagoo bari leh dagaalkaasi  Wuxuu ahaa mid qabiil lagu bartilmaameydsanayay basle cidi kama hoos qaadi doonto markaas.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Maamul Goboleedka Puntland Siciid Xassan Shirre ayaa Maalinimadii Shaley Shirjaa’id ku qabtay Magaaladda Garoowe wuxuuna kaga hadlay dhowr arimood oo ku aadan Dagaalada Galgala ee Gobolka Bari Wuxuuna Markale ku celiyay hadalkii Faroole Idaacada BBC-da ka siidaayay ee ahaa In Saraakiil kasoo jeeda Deegaanka Dhahar oo ku mushahar qaata Somaliland in ay kaalmo caawinaad siiyaan Ciidamada Sheekh Maxamed Siciid Attam oo ay isku beel kasoo jeedaan.

Siciid Xasan Shirre Wuxuu markale ka hadlay isagoo qiireysan arin xaasaasiya oo inta badan dadka reer Maakhir ka aaminsan yihiin dagaalka galgala oo ah in uu duulaan ku yahay Mr Faroole Macdanta iyo Khayraadka ceegaaga Galbeedka Gobolka Bari oo dhowr sano ka hor uu ku hungoobay Cadde Muuse, wuxuuna arintaas Siciid ku sheegay waxba kama jiraan oo ay la dagaalamayaan Wax uu ugu yeedhay Argagixiso

Siciid Xassan Shire Wuxuu Sheegay in uu kasoo jeeda Beesha Dowladda Puntland la dagaalmayso islamarkaana uu og yahay Xaqiiqda ka jirta Galbeedka Gobolka Bari marka laga yimaado ayuu yiri dad gaara oo kasoo horjeeda hawlgalka Ciidamada Puntland kuwaaas oo cuskanaya in macdan laga badhayo halkaas, Mr Siciid oo teegero kaga raadinaya Faroole si uu ugu badalo Wasiir Manfac iy Magac dhaama Xanaanada Xoolaha ayaa kusoo cel celiyay in ay puntland ka sifiiyeen waxa uu ugu yeedhay Argagixiso ku xidideystay Puntland.

Dhanka kale Siciid Xassan Shirre ayaa Mujaahidiin   u  Soo halgamay Deegaanka Galbeedka Gobolka Bari oo  qaarkood ku dhinteen dagaaladii Galgala oo uu kamid yahay Mujaahid Siciid Saalax Ceynab  oo ay isku beel hoose kasoo jeedaan ayaa wuxuu ku tilmaamay in ay ahaayeen Saraakiil katirsan Somalinad isagoo og in aysan raggasi Somaliland katirsanayn basle Arimahaas oo dhan wuxuu libin kaga doonayay  Faroole oo aan waxba itiraamin islamarkaana aan aqoon qofku wuxuu ka mudan yahay islamarkaana u daran shakhsiyaadka Jilicsan Sida Siciid Xassan Shirre.

Siciid Xassan Shirre haduu yahay nin ragga uma durbaan tumeen dagaalka qaawan ee isir safeynta ah ee uu Faroole ku qaaday Galgala Wuxuu soo dhicin lahaa kuraasta ay xaqa ugu leedahay beeshiisi Puntland ma ahayn in uu xilkiisa kusoo kubaareeyo Odey Doonyaale oo aaan karti badan lahayn balse lagu sharfay Xaananada xoolaha maadama uu Puntland mudo la soo shaqeeyay.

Waxaanu Wararka ku helaynaa in Siciid Xassan Shirre Lacag Farabadan ku bixiyay islamarkaana geed gaaban iyo dheerba u fuulay sidii looga qaadi lahaa Wasaarada Xanaanada Xoolaha Odey Doonyaale oo ka biilan jiray Reerkiisa, Waxaa nasiib daro ah in Siciid Xassan Shirre oo heer caalami ahaa amaba Wasiir kasoo noqday Dowladda Dhexe ee Soomaaliya in uu Odey Waayeela Booskiisa ku qabsado halkii laga filayay in uu doonto xil kale oo ka fiican xanaada xoolaha.

Siciid Xassan Shirre Waxaa looga fadhiyay in uu ka hadlo Sababta keentay in ay beeshiisu ku yeelato Hal  Xildhibaan Golaha Deegaanka Gobolka Bari halka Waqooyiga Gaalkacayo oo aan dagin Gobolka Bari ku yeesheen Xildhibaan Waxaynu ognahay in Beesha Dubays ay Saameyn weyn ku leedahay Gobolka Bari oo ay degto inta badan laamiga dheer ee gala ee Boosaaso iyo Hareeraha Magaaladda Boosaaso, waxa uu ku guuldaraystay soo dhicinta xilalka beeshu xaqa u leedahay wuxuuna maanta ku faanaya barakicinta,xasuuqa iyo gumaadka uu u geystay Shacabka Reer Galgala ee aan waxba galabsan.

Siciid Xassan Shirre Bulshada Soomaaliyeed Noociisu wuu ku badan yahay Waa dadka qiiradu ka tanbadiso oo maalinba dhinac ah shaley wuxuu ahaa Dowladda Dhexe maantana waa Maamul Goboleedka Puntland Bari Waa Dowladda Cusub ee Maakhir State Wuxuuna odhan doonaa dagaalkii Galgala Faroole ku qaaday wuxuu ahaa mid arimo qabiil salka ku hayay waxaan ka xumahay in aan ka hor dhaco siyaasada cusub ee uu bari la iman doono  Siciid Xassan Shire balse waxaa igu kaliftay inaan dadka reer maakhir dareen siiyo si ay isaga jiraan Shakhsiyaad kaas oo kale ee Caadaqataha ah.

Laasqoray.NET
Laasqoray.NET@gamil.com

Comments are closed.