webmaster@laasqoray.net

Waxgaradka Buuhoodle oo Shaaciyey in Deeq Lacageed oo Dhinaca Puntland ka Timi ay Soo Gaartay Waxgaradka Buuhoodle.

Waxgaradka Degmada Buuhoodle ayaa shaaciyey in deeq lacageed oo uu Madaxweynaha Dawladda Puntland ugu deeqay wada hadalada ka socda Deegaanka Maygaagle halkaasi la gaarsiiyey maal mahii lasoo dhaafay sida uu warbaahinta Laasqoray u sheegay Caaqil C/laahi Burcad oo katirsan Waxgaradka Degmada Buuhoodle.

Lacagtan ayaa waxa uu caaqilki sheegay in loogu dhiibay wafti ka socda Dawladda Puntland oo kusugan Magaalada Buuhoodle kuwaasi oo halkaasi loogu diray in ay goob joog ka ahaadaan kulamada nabadeed oo ka furmay Deegaanka Maygaagle ee u dhexeeya Degmada Buuhoodle iyo Deegaanka Qorilugud.

Caaqilka ayaa waxa uu intaasi raaciyey in kulamada nabadeed ay galeen wejigii saddexaad isla markaana hadda loo gudbay qayb ku aadan sidii dhibkii dhacay loogu dhamayn lahaa dhinaca shareecada Islaam walow ay jiraan khilaaf beelaha dhexdooda ah oo arrintaasi ku aadan iyadoo dhanka Beesha Buuhoodle ay ku andacoodeen in shareecada Islaamka la guda galo kolka la duugo dhulkii uu dagaalku ka bilowday ee Deegaanka Kalshaale.

Sidoo kale Beesha dhinaac Burco ayaa ku adkaysatay in dhulkaasi aanay cidina ka lahayn aana la duugi karin iyadoo arrintu halkaasi marayso ayaa hawsha gacan ku haynta Deegaanka Kalshaale waxaa lagu wareejiyey culimo’udiin laga kala xulay labada beelood kuwaasi oo gacanta ku hayn doona ceelaha dagaalku ka bilowday inta laga gaaraayo xalka nabadeed ee dhinaca shareecada Islaamka lagu dhameeyey.

Kulamadan ayaa ah kuwo laga dhaariyey dhinaca siyaasadda mana jiraan cid katairsan labada maamul ee Puntland iyo Somaliland iyadoo labada wafti ee labada maamul ka kala socdaa ay ku kala sugan yihiin Degmada Buuhoodle iyo Deegaanka Qorilugud, arrintan ayaa waxaa looga gon leeyahay balanqaad hadda ka hor kasoo baxay labada maamul kaasi oo ku aadanaa in ay wada hadaladu noqon doonaan kuwo ay u madax banaan yihiin beelaha Deegaanka isla maraana la fiirin doono waxay ku heshiiyaan.

Sikastaba kulamada nabadeed ee ka socda Deegaanka Maygaagle ayaa la filaayaa in ay nabadda kusoo dhamaadaan iyadoo wada hadaladaasi ay madaxa la galeen asbuucii saddexaad.

Jaamac Joofane
Joofane11@hotmail.com
Xafiiska Warbaahinta Laasqoray ee Magaalada Bossaso

Comments are closed.