webmaster@laasqoray.net

Waxgaradka Puntland Oo Soo Dhoweeyay Go’aamada Kasoo Baxay Shirkii Nairobi

Odayaal dhaqameedka Maamul goboleedka Puntland ayaa ka hadlay shirkii kusoo geba geboobey magaalada Nairobi dhowaan isla markaana soo dhoweeyey qodobadii iyo arimihii kasoo baxay shirkaas.

Garaad C/laahi Cali Ciid oo ka tirsan Waxgaradka Puntland ayaa sheegay in ay muhiim ahaayeen dhamaan qodobadii ka soo baxay shirkii Nairobi wuxuuna intaa ku daray in kulankaasi looga hadley isla markaana laga soo saarey qodobo muhiim ah oo wax weyn ka taraya dadka iyo dalka Soomaaliya.

Waxaa uu hadalkiisa ku daray Garaad C/laahi in Maamulka Puntland uu laf dhabar u ahaa go’aamadaasi wax ku oolka ahaa ee laga soo saarey mustaqbalka siyaasadeed ee dowladda FKMG Soomaaliya iyo marxalada kalaguurka, isagoo sheegay in muhiimada ugu weyn ay tahay in doorasho la qabto inta ka horeysana madaxda xilka sii haysa ay muhiim tahay in ay heshiiyaan oo ay wada shaqeeyaan isla markaana si nabdoon ay ku dhameystaan waqtigooda.

Ugu dambeyn Garaad C/laahi Cali Ciid shaaca ka qaadey in ay soo dhoweynayaan shirka dib u heshiisiinta ah ee lagu baaqey kaasi oo lagu wado in lagu qabto gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho, wuxuuna intaa raaciyey in dadka Soomaaliyeed ay dani ugu jirto maamul daacad ah oo gudan kara waajibaadkii loo igmaday.

LaasqorayNET+Raxanreeb

 

Comments are closed.