aar ka mid ah Waxgaradka gobolka Sool ayaa waxa ay ku eedeeyeen Maamulka Somaliland in uu Mas’uul ka yahay amni darada ka jirta magaalada Laascaanood
Suldaan Max’ed C/laahi oo ka mid ah Waxgaradka gobolka Sool oo la hadlay Idaacadda Shabelle, isgoo ku sugan magaalada Laascaanood ee magaalo madaxda gobolkaasi ayaa waxa uu ku eedeeyay Maamulka Somaliland inay ka danbeeyaan falalka amni daro ee ka taagan gobolka Sool.
Suldaanka ayaa waxa uu sheegay in dhibaatada Maamulka Somaliland uu ku hayo dadka ku suagan magaalada Laascaanood ay tahay mid isasoo taraysay mudooyinkii danbe isagoo sheegay dhibaatada Soomaaliland ay ku heyso shacabka ku nool magaaladaasi inay u sahlayaan dad uu sheegay inay kasoo jeedaan gobolka Sool oo uu sheegay inay la shaqeeyaan Maamulkaasi.
Suldaan Max’ed C/laahi ayaa dhinaca kale ku eedeeyay Mas’uuliyiinta dowladda KMG Soomaaliya ee kasoo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn in aysan xil iska saarin dhibaatada uu sheegay in Maamulka Somaliland ay ku hayaan Shacabka ku nool goboladaasi kuwaasi oo uu ugu baaqay Suldaanka inay wax ka qabtaan arintaasi.
Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal iyo qaraxyo qorsheysan oo loo gaysto Mas’uuliyiinta magaaladaasi, iyadoo Waxgaradka Sool ay ku eedeeyeen arintaasi inay ka danbeeyaan Maamulka Somaliland.
Xigasho-Shabele
