Ururkii shalay lagu kala tagay ee Xisbul Islaam ayaa dhowr arimood uga duwanaa Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee ay hada ka mid noqdeen.
Ururkii Xisbul Islaam ee uu hoggaanka u hayey Sheikh Xasan Daahir Aweys ee shalay ku biiray xarakada Shabaabul Mujaahidiin, ayaa waxa ay markii hore Al-Shabaab uga duwanaayeen arimo dhowr ah; waxayna kala ‘ahaayeen.
1- Xisbul Islaam waxay ogolaayeen in Soomaalidu ay iskood u tashato, isuguna yimaadaan shir ay uga wada hadlayaan aayahooda, iyadoo ayan ku dhex jirin gacmo kale, halka kooxda Al-Shabaab ay qabto in aan Muslimka la kala qaadin oo uu dalku ka dhexeeyo, isla markaasna ay dad aan Soomaali ahayn ay talada dalka wax ku leeyihiin.
2- Xisbigu waxay ogolaayeen xuduudaha caalamiga ah, hadii aan lagu soo duulinna diyaar uma ayan aheyn inay xuduud kale u talaabaan, halka kooxda Al-Shabaab ay qabto in xuduudaha ay yihiin xuduudo Isticmaarku sameeyey in loo hogaansamana ayba gaalnimo tahay.
Fiiro gaar ah: Xisbigu sax uma arkin xuduudaha caalamiga ah, laakiin waxa ay qabeen in xiligan aan indhaha laga qarsan karin duruufta lagu sugan yahay.
3- Xisbiga dhalinyarada u dagaalami jirtay kama qeyb qaadan jirin weerarada Isqarxinta ah, mana jiro qof ka mid ahaa Xisbigii burburay oo isku qarxiyey xeryaha ciidamada shisheeye iyo xitaa kuwa dowladda, halka kooxda Al-Shabaab dagaalyahanadooda ay si aad ah ugu dagaalamaan isqarxinta, walow xubno ka tirsan Xisbiga ay soo dhaween jireen weerarada Isqarxinta ah ee ay fuliyaan dagaalyahanada xarakada Al-Shabaab.
4- Xisbiga waxay la dagaalami jireen dowladda KMG ah, waxayna u arkeen dowlad khatar ku ah diinta Islaamka, balse waxa ay ka gaabsan jireen xukunka ay qaadanayaan Mas’uuliyiinta dowladda mana isticmaali jirin ereyga riddada, halka kooxda Al-Shabaab ay u ‘arkaan dowlad Riddo ah, Mas’uuliyiintoodana ay u yaqaanaa Murtadiin.
Fiiro gaar ah: Xubno ka tirsanaa Xisbiga ayaa dowladda ku sheegi jiray dowlad riddo ah, balse ma kala cada in ay aheyd fikradooda shaqsiga ah iyo in Xisbigu la qabay oo aan banaanka si wada jir ah loogu soo saarin.
5-Xisbiga kama mid aheyn dagaalhano aan Soomaali ahayn, dhammaan dhalinyarada u dagaalami jirtayna waxay ahaayeen Soomaali, halka kooxda Al-Shabaab ay la joogaan dagaalyahano aan Soomaali ahayn oo weliba qaarkood ay Mas’uuliyiin sar sare ka yihiin ciidanka.
6- Xisbul Islaam waxa ay aaminsanaayeen in waddanka Soomaaliya uu astaan u yahay Calanka buluuga ah ee shanta xidigood dhexda ku leh, sida uu 9-kii bishii 12-aad ee 2009-kii shaaciyey xoghayihii warfaafinta Sheikh Maxamed Macalin. halka xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee hada ay ku biireen ay isticmaasho calanka madow ee kalmada towxiidka ku qoran tahay, iyagoo calanka buluuga ah u ‘arka astaan qabyaaladeed, waa marka ay ugu dhow yihiin.
7- Beesha caalamka isku si’ uma arkin Xisbul Islaamkii burburay iyo xarakada Al-Shabaab, waxaana xusid mudan in xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay lagu calaamadiyey waxa loogu yeero argagixisada, halka Xisbul Islaam afhayeeno u hadla ay jogeen meelo ka mid ah wadamada reer yurub, iyagoo weliba ku hadli jiray magaca Xisbiga.
Qodobadaas waxaa lagu soo uruurin karaa waxyaabihii ay ku kala duwanaayeen xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo ururkii ku biiray ee Xisbul Islaam, iyadoo ay jiri karaan waxyaabo kale oo ay ku kala aragti duwanaayeen, balse hada sida muuqata waxaa meesha ka baxay arimahaas oo dhan, maadaama lagu biiray xarakada Al-Shabaab.
W/ Q: Maxamed Nuur Shire
boqor3@hotmail.com
