webmaster@laasqoray.net

Waxyaabaha Horyaala Duqa Cusub Ee Degmada Badhan.

Ugu Horayn Waxaan Hanbalyo u dirayaa Duqa Cusub ee Degmada Badhan Ee Gobolka Sanaag, Ahna Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Mudane: C/risaaq Axmed Ciise (Bii Biis), iyo ku xigeenkiisa Murwo: Saynab Cabdi Aar Waxaana ilaahay uga Rajaynayaa inuu ku Guuleeyo Gudashada Xilkan Adag ee loo Doortay.

Hanbalyadaa ka dib waxaan Qoraalkan ku eegi  Doonaa Waxyaabaha ugu muhiimsan ee Horyaala Duqa cusub ee la Doortay iyo Xubanaha Golaha Deegaanka ee Hawlwadaagta la ah, kuwaas oo aan isleeyahay waa muhiim gudoomiyuhu inuu Wax ka qabto Hormarna ka sameeyo taasoo Dhaxal gal u noqonasa Bulshada isagana Hadii uu ku Guulaysto Baal dahaba u geli Doonta Jiilasha kala Danbeeyana Tusaale u noqon Doonta.

Waxbarashada:.

Waxbarashadu waa Isha ugu muhiimsan ee Bulsha kasta oo hormar doonasa laga Kobciyo, hadba heerka waxbarasho ee Bulsho gaadhsiisantahay ayaa hormarkeeduna gaadhsiisanyahay. Kobcinta tayaynta iyo ku haynta ilgaara waa waxa ugu horeeya ee looga baahanyahay Duqa Cusubi inuu isha ku hayo isla Markaana isaga oo latashanaya Bahda waxbarashada ee ku hawlan  in heerka wanaagsan ee ay hada Maraso kor looga sii Qaado laguna Balaadhiyo in Heerkasta oo Bulshada ka mid ah uu helo Adeeg waxbarasho.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee aan ka xusi Karno Dhanka waxbarashada waxaa ka mid ah in Gudoomiyuha Cusub uu xooga saaro sidii uu Gacan u siin lahaa Hawlwadeenada ku hawlan Waxbarashada Asaasiga ah ee ubadka lagu Barbaarinayo ka hor inta aanay Gaadhin heerka dugsiga Nidaamiga ah, waa Markay ku Jiraan heerka koowaad ee Barbaarinta iyo dhisida ubadka Da’doodu u dhexayso (4– 7),  kuwaas oo lagu barbaariyo Xarumaha Xadaanooyinka iyo weliba Dugsiyada Quraanka lagu barto oo iyana muhiimadooda gaarka ah leh si ubadka soo korayaa u noqdo mid lagu barbaariyey Diinteena Suuban iyo Quraanka Kariimka ah.

Sidoo kale waxaa Duqa cusub iyo Xubnaha Golaha Deegaankaba horyaala inay taageera muuqata la garab istaagaan Dugsiyada waxbarasho ee Magaalada ka furan kuwaas oo kaalin muuqata kulahaa soo saarida Arday ka dhexmuuqata Bulshada, midheheediina manta la sugayo boqolaal soo dhamaystay waxbarashada Heerka sare oo Dalka dib ugu soo laabanaya.

Waxaa sidoo kale Muhiima in Duqa cusub uu Qorshaha ku Darsado in la helo Collage-yo bixiya Maadooyin la xidhiidha Maamulka iyo Maaraynta iyo Koorsooyin muda kooban kuwaas oo kor loogu qaadayo xirfada Bulshada taasoo ay xataa ka fa’idaysan karaan Laamaha kala Duwan ee Maamulka Degmada kuwa hada jirana qorshaha lagu daro sidii loo Badhi taari lahaa.

Caafimaadka iyo Biyaha.

Labadan Qodob waa baahiya Asaasi ah Masuulkasta oo xil hayana looga baahanyahay inuu muhiimad gaar ah siiyo waayo waxaa ku xidhan nolosha Dadka waxay kaloo qayb weyn ka qaadataa camiraada iyo maalgashiga Magaalooyinka oo hadii aan Magaala ka dhisnayn Adeegyada Caafimaadka iyo Biyaha waxay keenasaa dadku inay ka haajiraan meeshaasi oo meel kale u Diga Rogtaan. Waxaa Horyaala Duqa Cusub in uu xooga saaro sidii ay bulshadu u heli lahayd Adeeg Caafimaad oo ku filan Daboolina kara Baahiyaha Dadka.

Waxaa Sugasa in boodhka laga Jafo lana dardar geliyo Hawlaha Cusbataalka Guud ee Magaalada, Tayaynta Shaqaalaha, Daboolida Baahiyaha Qalab iyo shaqaale ee Cusbataalku u baahanyahay.

Helitaanka Biya Nadiifa oo ay Bulshadu Cabto ayaa iyana ka mid ah waxyaabaha muhiimada gaarka ah leh, Lana Dhamaystiro Dadaaladii hore loo sameeyey ee Magaalada Loogu soo saarayey Biya Nadiifa oo ku filan kaas oo hada meel wanaagsan la gaadhsiiyey Magaaladana hada waraabiya Laakiin weli u baahan in Adeegyadiisa loo dhamaystiro.

In Dayactir lagu sameeyo ceelkii Weynaa ee Magaalada(Biya La Hubaa waa Badhan), loona Sameeyo Adeegya Saamaxaya in si fudud Biyaha ay bulshadu uga hesho.

Bilicda Magaalada Iyo Wadooyinka.

Waxyaabaha Horyaala aana kula talin lahaa Duqa Cusub in Hawlihiisa uu ka bilaabo waa Hagaajinta Wadooyinka Magaalada iyo soo saarida Bilicda Magaalada in la sameeyo Barnaamij lagu xakamaynayo in Dadku ay Xaafadaha iyo Goobaha Magaalada dhexdeeda ah ay Qashin ku Qubaan, in lasameeyo Xarumo lagu ururiyo Qashinka Dawlada Hoosena ay Halkaas ka qaado oo geyso meela loo asteeyey in lagu gubo. Nidaaminta Meheradaha Shaaha Cuntada ee laga dhisanayo meelo waxyeelaynaya ama dilaya Bilicda Guud ee Magaalada, Samaynta Barnaamij Lagu dhiraynayo Magaalada.

Waxaa kale oo iyana Muhiimadeeda gaarka ah leh ilgaarana in lagu eego Mudan Jidadka iyo wadooyinka Magaalada ee laga yaabo Qaarkood inay xidhanyihiin, waa in la qaadaa olole lagu Dayactirayo wadooyinka Magaalada dhexmara dadkana lagu baraarujinayo in si iskaa wax u qabso ah ay uga qayb qaataan Hagaajinta Wadooyinka iyo soo saarida Bilicda Magaalada.

Ururinta Canshuuraadka.

Barnaamijya Badan oo u baahan in Laga fuliyo Magaalada waxay u baahanyihiin in loo helo Dhaqaale lagu fuliyo, sidaa Darteed waxaa looga Fadhiyaa Gudoomiyaha iyo Xubnaha kaleba inay Xooga saaraan sidii si buuxda oo dhamaystiran ay Bulshadu u bixiso Canshuuraha si Adeegyada ay Bulshadu u baahantahay loogu helo Dhaqaalihii lagu fulin lahaa.

Waxaa looga Baahanyahay Duqa iyo Golihiisaba inay la yimaadaan Qorshe Nidaamsan oo ku aadan ururinta Canshuuraha Degmada, waxaana aaminsanahay in hadii Maamulka Cusub uu Arintaa xooga saaro Bulshaduna ay la shaqayso oo si  hufan u bixiso Canshuuraha, in la helayo dhaqaale meel gal ah oo Dabaaoli kara Baahiya Badan oo bulshadu u baahantahay in wax laga qabto. Helitaanka Canshuuraha Degmadu waa udub dhexaadka hirgalka Mashaariicda Hormarineed ee Magaaladu u baahantahay.

Xidhiidhka Hay’addaha.

Xidhiidh wanaagsan oo ku dhisan wada shaqayn oo dhexmara Golaha Cusub Ee Deegaanka iyo Hay’addaha Deeqaha bixiya ee gacanta ka gaysta Barnaamijyada iyo Mashaariicda Hormarineed ee ay Fuliyaan waa Muhiim in Duqa cusub uu aad isugu taxalujiyo. Taasi waxay fududaynasaa in Golaha cusub uu helo Taageera  dhaqaale oo lagu fuliyo Barnaamijyada Hormarineed Qaarkood.

Qaar ka mid ah Hay’addaha ka Hawlgala Deegaanada Puntland ee ka shaqeeya Dhanka hormarinta Arimaha Bulshada waxay aaminsanyihiin in  Deegaanka aanay ka jirin Nabadgelya ay ku geeyaan maashaariic hor marineed sheegashadaas oo ah mid aan waxba ka jirin ayaa Duqa cusub waxaa horyaala in ay xooga saaraan sidii taa meesha looga saari lahaa Hay’addahana loo keeni lahaa Deegaanka si ay gacan uga geystaan hormarinta iyo kobcinta arimaha Bulshada.

Xidhiidhka Dawlada Dhexe.

Xidhiidh wanaagsan oo dhexmara Dawlada dhexe iyo Golaha cusub waxa uu horseedi karaa in dayacaad badan oo Dawlada dhexe ay ku samaysay magaalada Badhan laga soo kabto, Marka la’eego magaalooyinka mataanaha la ah Magaalada  waxaa jira barnaamijya badan oo Dawlada dhexe ay ka fulisay Adeegya hormarineed iyadoo loo sameyeey Qorshe iyo Budget loo qoondeeyey oo ku jira Miisaaniyada guud ee ay Dawladu ku shaqaynaso.

Tusaale ahaan waxaa jira Tababara Gudoomiyayaasha Degmooyinka loogu qaado Dalka Kenya, kaasoo inta aan ka ogahay ilaa laba jeer ay halkaa ugu tageen Tababar halkaasoo ay kulana soo kulmeen hay’addaha deeqaha bixiya una gudbiyeen qorshayaal lagu hormarinayo magaalooyinka ay ka yimaadeen xubnihii ka qaybqaatay Kulamadaa.

Duqa cusub waxaa looga baahanyahay in uu Barnaamijyada noocaas oo kale ah isha ku hayo isaga oo u sii maraya Wasaaradaha sharciyan ay hoostagaan Mashaariicdaasi. Taasi haday suurta gasho waxay fursad qaaliya u tahay Duqa cusub inuu Deeqbixiyayaashaa u gudbisto Barnaamijkiisa hormarineed ee la xidhiidha qorshaha lagu hormarinayo Magaalada.

Gebagebo.

Waxaan ku soo Afmeerayaa Qoraalkayga, Halbalyo aan Markale u dirayo Duqa cusub ee loo Doortay Magaalada Badhan C/risaaq Axmed Ciise (Bii Biis) iyo ku xigeenkiisa Saynab C/ Aar iyo dhamaan xubnaha kale ee loo xulay Golaha waxaana Dhamaantood xasuusinayaa in Hawl Baaxad weyn u baahan Dulqaad iyo feker badan ay sugaso, waxaana Bulshada ugu baaqayaa inay taageera lagarab istaagaan si waxqabadku iyo dadaalka la samaynayaaba ay u noqdaan kuwa midha dhala oo u jeedadii laga lahaa laga gaadho.

C/qddir Kaarshe

Kampala Uganda.

Kaarshe997@hotmail.com

Comments are closed.