webmaster@laasqoray.net

Xaafada Xorgoble Ee Qardho oo ku Guulaysatey Kadis Aqooneedkii shirkadda Golis Ee la Qabtey Bishii Ramadaan

Qardho: xaafada Xorgoble ee magaalada Qardho caasimada  gobolka karkaar ayaa ku guulaysatey kadis aqooneedkii   ay maalgalisay  shirkadda Golis oo ay faafisay  warbaahinta caalamiga ah ee SBC Radio.

Kadiskaas ayaa waxaa ka qayb galay 24 xaafadood oo ka tirsan gobolada puntland,kaasoo  ahaa mid aad u xiiso badan oo qanciyey dhammaan dadka ku nool gobolada puntland.

Ugu danbeeyntii tartanka kadiska bisha ramadaan oo  ay maalgalineysay shirkadda isgaarsiinta ee Golis Telecom Somalia  ayaa waxaa iskugu soo baxay labada  xaafadood oo  kala ah: xaafadda xorgoble iyo xaafadda xingood oo labaduba ka tirsan magaalada Qardho ee gobolka karkaar.

Xaflad aad u balaaran oo ay soo qabanqaabiyeen xarunta  shirkadda Golis ay ku leedahay magaalada Qardho ayaa waxaa lagu qabtay xarunta (Beeyada) ee magaalada Qardho isla markaasna waxaa lagu maamusay tartankii ugu danbeeyey ee dhaxmaray labada xaafadood ee tartamayey.

Xafladaas ayaa waxaa ka soo qayb galay madax sharaf ay ka mid yihiin hogaanka xiriirka dadweynaha Ee shirkadda Golis Mudane/ Faarax Xaaji Mire iyo sidoo kale  maamulaha shirkadda Golis Ee Qardho mudane/ Axmed Cawaale Gaare Iyo madaxa suuq geeynta Mudane/ Siciid Xuseen Ciid.

Waxaa sidoo kale ka soo qayb galay xafladaas ku-simaha boqorka  Burhaan boqor Muuse iyo sidoo kale xisaabiyaha guud ee dowladda puntland Mudane/ C/Risaaq xasan   Guul iyo gudoomiyaha gobolka karkaar Cabdi Qur’aan  maxamed  iyo duqa degmada  Qardho maxamed siciid ciise  iyo sidoo kale madax kaloo ka socotey golaha degaanka Qardho iyo marti sharaf aad u farabadan oo dhamaantood iskugu yimid dhiiri galinta xafaadaha tartamayey.

Guusha tartanka ayaa ugu danbeentii u hoyatey xafaada xorgoble  oo ku guulaysatay tartan aqooneedka ay Golis maalgaliso.

Waana  markii labaad  ay xaafadaas ku guulaysato kadiska. intuu socday tartanka xaafadaha ee la qabto bisha ramadaan ee barakaysan sanad kasta.

Xafada xorgoble ayaa abaal marin u heshay koobkii tartanka iyo sidoo kale  lacag dhan (20 Malyan oo shilin soomali ah).

Waxaa sidoo kale gudiga tartanka kadiska ramadaan uu abaal mariyay  xafadaha kala ah xingood oo gashay kaalintii 2-aad iyo xaafada biyo kulule  ee Bosaaso oo gashay kaalintii 3-aad iyo weliba sidoo kale xaafada laanta hawada ee magaalada Bosaaso oo ayadana lagu abaal mariyey ansha wanaaga iyo usluubta.

Xarunta shirkadda Golis ee Qardho ayaa ayadana sidoo kale waxay abaal marisay gudigii qabanqaabada tartanka kadiska ee ka hawl gali jiray magaalada Qardho.

Waxaa xusid mudan in sidoo kale ka  soo qayb galayaashi tartanka la gudoonsiiyey hadiyada ayagoo ka faa’iideystay Nasiibkooda.

Hadiyadahaas ayaa iskugu jiray Laptop iyo mobile iyo sidoo kale hadiyado kale oo aad qaali u ah oo la siiyey ka soo qayb galayaashi xafladii kadiska.

Dadka ku nool magaalada Qardho ayaa aad ugu mahadceliyey shirkadda Golis Telecom Somalia ayagoo codsaday in had iyo jeer shirkadu tartamada noocaas oo kale ah ay shirkadu soo qabanqaabiso.

 

Xigasho: Xafiiska xiriirka Dadweynaha Ee shirkadda Golis Telecom Somalia

Comments are closed.