webmaster@laasqoray.net

Xabsiga Dhexe Ee Magaalada Muqdisho Oo Uu Weli Ku Xiran Yahay Maxamed Dheere

Waxaa weli xabsiga ku jira gudoomiyihii hore ee gobolka banaadir maxamed cumar xabeeb (maxamed dheere ) oo 16-kii bishii aynu soo dhaafnay ay xabsiga u taxaabeen ciidamada AMISOM kadib markii lagu eedeeyey inuu ku lug lahaa weerar ay dad ku dhinteen oo lagu qaaday Dibadbaxayaal uu soo diyaariyay maamulka gobolka Banaadir .

Maxamad Cumar Xabeeb (maxamed dheere ) ayaa laabatan iyo sadex maalmood ku jira xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho taasoo aan la ogayn sababta dhabta ee ka dambaysa xaalada xabsigan walow dadka qaarkiis sheegayaan in dibadbaxayaasha uu ka dambeeyey weerarkooda islamakaana uu sheegay maxamed dheere inuusan shaqo ku lahayn arintaas lagu soo eedeeyey ..

Sidoo kale Maxamed dheere ayaa xaaladiisa caafimaad la sheegayaa inay wanaagsan tahay waloow si weyn ay dadka siyaasada odorosaa uga hadleen arintiisa islamrkaana qaarkood sheegeen inuu madaxweyne sheikh shariif sh,axmed kaga aarsanayo xiligii madaxweyne c/laahi yuusuf uu dalka maamulayey oo uu ka ahaa gudoomiyaha maxkamada degmada jowhar uu xilka ka qaaday islamarkaana ku amray inuu magaalada lug uga baxo.

Isku soo wada duuboo Maxamad dheere ayaa ah hogaamiyihii ugu horeeyey ee mudo intaa leeg u xiran dowlada FKMG ah ee somalia iyadoo ay isku beel kasoo wada jeedaan madaxweyne shariif iyo maxamed cumar xabeeb (maxamed dheere).

Yaasin Maxamed, Muqdisho

Comments are closed.