Xafiiska qaramada Midoobey ee u qaabilsan arimaha Somalia ee fadhigiisu yahay Magaalada Nairobi ayaa war saxaafadeed kasoo saaray shirka wada tashiga arimaha Somalia ee ka dhici doono Nairobi bishan bartamaheeda iyadoo ay shirkani Dowlada KMG ahi ku gacan sayrtey.
Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:
Kulankii Heerka Sare ee Wadatashiga oo dhici doona 12ka iyo 13ka
bisha Abriil.
Nayroobi, 1da Abriil 2011 – Ka dib markuu maanta shir la qaatay koox muhim ah oo ka mid ah saaxiibada gobolka, bulshada caalamka iyo dhinacyada kale ee ay arrintu khusayso, ayaa Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Augustine P. Mahiga, sheegay in kulankii qorsheysnaa ee wada tashiga ahaa Heerkiisuna Sareeyay uu ka dhici doono magaalada Nayroobi 12ka iyo 13ka bishan Abriil. Sidaa darteed, wuxuu ugu baaqay dhammaan mas’uuliyiinta Soomaaliyeed inay ka soo qaybgalaan kulanka.
Sida uu qabo Heshiiskii Jabuuti, waxaa waajib igu ah inaan fududeeyo sidii uu wadahadal ku dhexmari lahaa hay’adaha iyo madaxda Soomaaliyeed. Hadaba waxaan ku guubaabinayaa dhammaan mas’uuliyiinta Soomaaliyeed inay muujiyaan sida ay u doonayaan inay u horumariyaan geeddi socodka nabadda, ayna ka soo qaybgalaan kulankan”, ayuu yiri Danjire Mahiga.
Ujeeddada ugu muhimsan ee kulaku waa dib u soo nooleynta sidii uu wadahadal u dhexmari lahaa mas’uuliyiinta Soomaaliyeed, si ay aragti midaysan uga yeeshaan habkii horay loogu socon lahaa. Kulanku waa mid wadatashi, wax go’aan ahna laguma gaarayo.
Bulshada Calamku waxay kulanka u iman doontaa oo keliya goobjoog ahaan, kamana qaybgeli doonto. Waxayna muujinayaan taageerida ay u hayaan wadatashiga waxayna fikrad cad ka qaadanayaan hawlaha laga sugayo hay’adaha kala duwan ee Soomaaliyeed kuna aadan habkii ay xilliga kalaguurka ugu soo afjari lahaayeen hanaanka ama habka hadda jira, taasoo ku saleysan Axdiga Federaalka Ku Meelgaarka ah iyo Heshiiskii Jabuuti.”
Kulankani wuxuu madaxda Soomaaliyeed siinayaa fursad ay isku dhaafsadaan xogta ku saabsan sidii waddamada gobolka iyo bulshada caalamkaba ay u taageeri lahaayeen hawlaha kalaguurka. Sidoo kale Kulankan wuxuu u gogol xaadhayaa dib u soo nooleyta Guddigii Heerka Sare, kaas oo qayb ka ahaa Heshiiskii Jabuuti, laguna hormarinayo wadahadallada, wadatashiga iyo dibuheshiisiinta ummadda Soomaaliyeed, waxaana wada shirguddoominayaan Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Dowladda Federaalka Ku Meelgaarka.”
Wixii war dheeraad ah fadlan kala xiriir: Susannah Price ama Donna Cusumano, saraakiisha qaabilsan isgaarsiintab guud, Xafiiska Qaramad Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya, Nairobi
Tel: +254 20 762 6805 / 6869 ama +254 733902020 ama 737400133
Fadlan eeg rugta Internet-ka (website): www.unpos.unmission.org
