webmaster@laasqoray.net

Xaflad balaaran oo ka dhacdey Dhahar ee xarunta Gobolka Haylaan

Dhahar (SRP): Waxaa galabnimadii shalay soo gaarey magaalada Dhahar ee xarunta gobolka Haylaan masuulka Idaacada Somali Public Radio ee gobolada koonfurta Soomaaliya, Maxamed Ciise Maxamuud oo kasoo kicitamay magaalada Jowhar.

Maxamed ayaa wuxuu safarkiisa ku salaysanyahay tayaynta iyo kaabida idacada SPR ee xarumaha Sanaag iyo Haylaan. Waxaa goobtaasi ku soo dhaweeyey dad weyne badan oo kasoo qeybgalay xafladaasi sida, gudoomiyaha degmadaDhahar Salaad Xassan Shire, ururada bulshada, isimo, iyo ganacsatada gobolka.

Waxaa ugu horeyn goobtaasi ka Hadley Suxufi Jaamac Nuur Muuse oo ka tirsan SPR isla markaana xusey in idaacada SPR haatan ay xarun ka dhisanayso aqal cusub magaalada Dhahar maadaama gurigii hore uu ahaa mid amaana ah. Jaamac Nuur ayaa si kal iyo laab ah usoo dhaweeyey masuuliyiinta cusub ee idaacada SPR kusoo biirey isla markaana mahad balaaran uga celiyey sidii ay uga gacan qaateen haanaqaadka SPR iyagoo u hurey deeq iyo deen. Masuuliyiintaasi mar uu carabaabay ayuu xusay in ay ku suganyihiin magaalada Seattle Washington ee dalka Mareykanka waa Aqoonyahan Ibraahin Shire Faarax Weyne oo ah Xiriiriyaha guud ee Bulshada, sidoo kale waxaa iyagana masuuliyiinta ka mid ah Caaqil Siciid Jaamac Warsame, iyo Abdiraxmaan Xaaji Dubad (Shiine).

Halkan ka sii akhriso

Comments are closed.