webmaster@laasqoray.net

Xaflad Lagu Dooranayey Gudoomiye Cusub Oo ay Yeeshaan Midowga Ardayda Gobolka Banaadir Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Xaflad si weyn loosoo agaasimay ayaa maanta ka dhacday xarunta midowga ardayda gobolka banadir ee magaalada muqdisho taasoo lagu dooranayey gudoomiye cusub oo bedela gudoomiyihii hore ee midowga ardayda gobolka banadir carafaad cabdilaahi cabdi islamrkaana lagu doortay gudoomiyaha cusub ee midowga ardayda gobolka banadir maxamuud cabdi cali.

Xafaladan oo ay kazoo qayb galeen boqolaal ka tirsan  midowga ardayda gobolka banadir iyo masuuliyiin ka kala socotay qaybaha waxbarashada ayaa waxaa sagootiyey xilkii uu usoo hayey mudada halka sano ah carafad c/laahi cabdi oo sheegay inuu halkii sano ee xilka hayey inay midowga ardayda gobolka banaadir gaareen harumar dhinaca waxabarashada ah waloow ay jireen ayuu yiri caqabado kaga imaanayey dhinaca dagaalada ka jira magaalada muqdisho.

Sidoo kale waxaa halkaasi hadal ka jeediyey gudoomiyaha cusub ee midowga ardayda gobolka banadir maxamuud cabdi cali oo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay xilka culayska badan ee loo dhiibay islamarkaana tilmaamay inuu ku dadaali doono inuu ka hormariyo midowga ardayda gobolka banadir sidii ay isugu gurman lahaayeen maadaama ay jiraan ayuu yiri arday wax ka barata magaalada muqdisho iyo gobolada ku xeeran oo aan haysan dhaqaalihii ay wax ku baran lahaayeen islamarkaana uu ku dadaali doono sidii u cirib tiri lahaa jahliga  ..

Maxamuud cabdi cali ayaa ku dheeraaday isku xirnaanta ardayda inay tahay muhiim islamarkaana loo baahan yahay in ardaydu ay iska kaashato waxbarashada iyo weliba wax kasta oo horumar lagu gaari karo .

Dhinaca kale waxaa hadalo koob kooban ka jeediyey masuuliyiin ku hadlayey qaar ka tirsan daladaha waxbarashada gobolka banaadir oo dhamaantood isku raacay  inay aad ugu faraxsan yihiin midowga ardayda gobolka banadir oo hada todoba jirsaday iyadoo la aas aasay sanadkii 2004-ta horaantiisii islamrkaana uu iminka marayo heer  wanaagsan oo caalami ah.

Yaasiin Maxamed, LaasqorayNET, Muqdisho

Comments are closed.