webmaster@laasqoray.net

Xaflad Loo Qabtay Ardayda Mac-Hadka IQRA Ee Magaalada Badhan

Badhan: Galabnimadii Jimcaha ayaa xaflad ballaadhan lagu qabtay xarunta Mac-hadka Iqra ee Waxbarashada Sare ee ku yaala magaalada Badhan, waxana ka soo qayb galay ardayda mac-hadka, waalidiinta, xubno ka socdey bahda waxbarashada gobolka, Jaaliyadaha dibadda, cuqaal, guurti, dhallinyaro iyo haween.

Ujeeddada xafladdan ayuu maamulaha mac-hadka Prof. C/rashiid Shiikh Saalax uu kutilmaamay iney tahay geba-gebadda simistarka kowaad iyo bilawga simistarka labaad ee sanadkan 2010/2011, iyo in bulshada looga warbixiyo meesha mac-hadku marayo iyo horumarka uu higsanayo.

Prof. C/rashiid ayaa sheegay in imtixaankii simisterka kowaad ardayda lagu qiimeeyey heer wanaagsan oo suurta gal ka dhigay in simistarka labaad loo bilaabo dhammaantood, mac-hadkuna uu xubin ka noqday dallada macaahidda Soomaaliyeed , ee xidhiidhka aqooneed la leh Jaamacadda Islaamiga ah ee Madiin ee ku taal Sacuudiga. Sidoo kalena Jaamacadaha wadanka laga aqoonsaday sida: Jaamacadda Camuud ee Boorama, Bariga Afrika ee Boosaaso iyo kuwo kale.

Waxa uu intaas ku daray in mac-hadku qorshaynayo sidii mustaqbalka dhow loo furi lahaa kuliyado heer Jaamacadeed ah, iyada oo ay muuqatay baahida loo qabo arimahaas, tirada ardayduna ay danaynayso, tiradooduna kordhayso.

Waxa xafladda kelmado mahad celin ah ka jeediyey dad kala duwan oo ku mid yahay: Shiikh Maxamuud Maxamed Cumar oo ku hadlay magaca bahda waxbarashada gobolka , Goodir Maxamed Qoobey oo ku hadlay magaca Jaaliyadaha dibadda , C/laahi Cabdi Ibraahim oo ku hadlay magaca guurtida iyo waxgaradka gobolka , Maxamed Xasan Jaamac oo ku hadlay magaca ardayda wax ka barata Jaamacadaha caalamka gaar ahaan dalka Suudaan.

Iskusoo wada duuboo , mac-hadka IQRA ayaa u muuqda mid ku socda horumar la taaban karo , bulshadana kala kulmay soo dhoweyn aad u saraysa.

DAAWO SAWIRO KALE:

Dadweynihii kasoo qeyb galey Xaflada Machadka

Mudane Goodir oo ku hadlaya Magaca Qurba joogta.

Ardey ka hadlaya madasha shirka.

Madaxda Iskuulka Alnuur oo kasoo qeyb gashey xaflada

Maxamuud Ciyoon / Badhan .

Comments are closed.