Waxaa degmada Ceelbuh ee gobolka Sanaag ka dhacdey xafladii bilaabida mashruuca dugsiga Sare ee Degmadaasi iyadoo ay xafladani kasoo qeyb galeen waxgaradka Degmada oo isugu jira Nabadoono iyo wax garadkaleba, Ururada Ardeyda ama Dhalinta iyadoo ay dhisida dugsiga sare ee Ceelbuh ay si toos ah u bilaabatey.
Munaasabadda bilaabida mashruuca dhisida dugsiga sare ee Degmada Ceelbuh ee gobolka Sanaag waxaa ka mid ahaa waxgaradkii kasoo qeyb galey kuwan hoos ku qoran
- Nabadoon Maxamud Axmed Yusuf xawar
- Maxamud xasan ciro nuug
- Maxamud jama qaroof
- Maxamed Saalax aadan haraaryo
- Abdulaahi dhaaye jibriil
- Maxamed abdulahi ali salad
- Keyse abdinuur
- Axmed said abdi
- Abdi sugule maxamud
- Muxiyadiin siciid ducaale jibriil
- Ali saleban jama
Magaalada Ceelbuh ayaa waxay baaxadeedu kor u kacdey tan iyo intii kasoo wareegtey dagaaladii Sokeeye iyadoo hoy u tahey 3 ceel isla markaana ay ku xiran yihiin xoolo dhaqato aad u tiro badan oo xiliyada abaaruhu jiraan ku baxsada ceelasha magaalada.
Waxaa xusid mudan in dugsiga Sare ee hada hawshiisa la bilaabey inuu u baahan yahay gacan isla markaana ay waajib tahey in qurba joogta Reer Sanaag ay ka qeyb qaataan ka qeyb qaadashada dhisida iskoolka ama dugsiga sare ee Degmada Ceelbuh.
Wixii faaf faahin ah fadlan kala xiriir
761415 ama 645266 ama 792525
SAWIRO KALE DAAWO







