webmaster@laasqoray.net

Xafladii Jaamacada Maakhir Univeristy ee Degmada Badhan oo lasoo afmeereyt

Waxa xafad lagu qabtay xarunta jaamacada maakhir ee magaalada badhan xaaladan oo ardayda loogu soo xirayay sanad dugsiyeedkii koowaad ee jaamacada ayaa waxa goobtaa ka hadlay aqoonyahano,waalidiin,qaar ka mid ah ardayda waxka barata jaamacada Maakhir.

Iyadoo jaamacadu furnayday muddo 8 bilood ah ayaa ardadyda waxa laga dhisayay dhinacyada aqoonta si guud ahaan taas oo al u fududaydndoonta in ardaydu si wanaagsan ula qabsaaan duruusta jaamcada maakhir,oo ku curatay labo kulliyadood oo kala ah aqoonta computer-ka iyo kulliyada macalinimada labadaas oo baahi wayn loo qabo marka la eego goolka sanaag.

DSC00394

Maamulaha jaamacada mudane sakeriye xaji siciid ayaa ku dheeraad waxqabadkii jaamacadu samaysay mudadii sanadka ahayd ee ay  furnayd ,waxa uu amaan balaadhan  u soo jeediyay ardayda jaamacada oo u ku dhiiri geliyay in ay sii wadaan dadaalka waxbarshada,isaga oo ka waramay qiimahaha waxbarasha iyo kaalinta wayn ee bulshada iyo caalamka ka jirto aqoonto iyo sida loogu baahanyahay aqoonyahay waxtara bulshadiisa anfaca jiilka soo socda,maamulaha ayaa intaa ku daray in ay jiraan qabado badan oo jaamacada ku xeeran loona baahanyahay in wax laga qabto si loo xaqiijiyo Hadaka jaamacada loo aasaasay sidoo kale waxa uu ugu baaqaydhammaan jaaliyadaha gobolka iyo ha’ydaha daneeya waxbarashada in ay ka qabqaataan ambaqaadis jaamacada iyo taageeradeed intaba.sidaa si la mid ah waxa uu ugu baaqay bulshada ku dhaqan g/sanag in ay ka faa iidaystaan fursadan  qaaliga ah.

DSC00334

Waxa khudbado aad u qiima badan madasha ka soo jeediyay qaar kamid ah ardayda wax barata jaamacada maakhir oo ku amaanay macaliinta iyo dhammaan dadkii ka qaybqaatay hirgelinta jaamacada kaalintii wanaagsanayd ee ay ka qaateen horumarinta bulshada baahida u qabta waxrashado jaamacdeed.

DSC00344

Aqoontu waa iftiin iyo hogaanka saxda ah ee lagu gaadho ilbaxnimada iyo xadaarad waarta ,taasina ma suugelayso hadii aan la helin bulsho u diyaar ah ismarkaana ka runsheegta baahidaas oo u guntata sidii yahaanka nolosha looga mira dhalinlahaa taasina waa ilayska ay ku taamayaan bulshooyin caalamka ee ilbaxnimda iyo aqoonta ka gaadhay meeshii ugu saraysay.

DSC00357

Ugu danbayntii ardyda jaamacada maakhir oo ka hana qaaday g/sanaag gaar ahaan magaalada badhan ayaa haatan noqotay isha aqoonta iyo itiinka waxbarashada,Waana mid muuqata kaalinta ay  aqoonta  jaamacadu kaga jirto bulshada .

DSC00379

Marka la eego guud ahaan xaalada waxbarasho ee g/sanaag ayaa haatan u muuqata mid aad u soo kobcaysa iyada oo ay sii kordhayaan xarumaha waxbarashada sid dugsiyada hoose/dhexe/sare iyo machadyada luqadaha ,computer-ka,caafimaadka,maamulka iyo maaraynta.

DSC00446

DSC00399

DSC00377

DSC00354

DSC00402

 

XIGASHO-SPR FM

Comments are closed.