webmaster@laasqoray.net

Xafladii Xidhitaanka Dugsiga H/dhexe ee Xingalool + Sawiro

Xafladii xidhitaanka Dugsiga Hoose ee Aflax ayaa maanta ka dhacay xarunta dugsiga Aflax ee Degmada Xingalool xafladan oo lagu soo afmeerayey sanad dugsiyeedkii 2010/2011 oo ahaa sanad dugsiyeedkii ugu horreeyey ee ay ardaydu si guul ah ku dhameeyaan tan iyo markii dugsiga la furay.

Xafladan oo bilicdeeda aad looga soo shaqeeyey ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan qeybaha kala duwan ee bulshada waxaana xaflada hadal qiime leh kasoo jeediyey Sheekh Cali Ceelaayo maareeyaha shirkada Dahabshiil Boosaaso oo bulshada ku dhiirri galiyey iney ku dadaalaan waxbarashada isla markaana ay ubadkooda ku garab istaagaan sidii ay wax u baran lahaayeen.

Masuuliyiintii goobta xaflada kasoo qeyb gashay oo ay ka mid ahaayeen culimaa’u diin, masuuliyiinta waxbarashada ee gobolka, ganacsato, waalidiin, arday iyo aqoon yahan kale ayaa gabi ahaantoodba aad u soo dhoweeyey una hambalyeeyey ardayda iyo macalimiinta Dugsiga Aflax oo iyagu karti muujiyey isla markaana sanad dugsiyeedkan si guul ah kusoo gaba-gabeeyey.

Ardayda wax ka barata dugsigan ayaa tiradoodu waxa ay kor u dhaafaysaa 100 arday kuwaas oo kala dhigta fasalada 1aad ilaa 4aad ee dugsiga Hoose arrintan oo lagu tilmaami karo guul maadaama dugsigu uu ku jiro sanad dugsiyeedkiisii ugu horreeyey.

Gabgabadii ayaa waxaa xaflad soo xidhey agaasimaha waxbarashada ee Gobolka Sanaag C/qani Cali Muun isaga oo ardaydii kaalimaha hore galayna gudoonsiiyey abaal marin qiime badan.

Daawo Sawiro

 

Xigasho XingaloolNews.com

 

Comments are closed.