Tanyo bilowgii Sanadkan Waxaa Magaaladda Badhan ee Xaruunta Labaad ee Gobolka Sanaag ka socday Dhismaha Machadka Iqra Institute yadoo uu soo maray maraxlado kala duwan Waxaana dhawaan la filayaa in lasoo gaba gabeeyo.Machadka Iqra Inqra Institute ayaa Waxaa dhismihii qeyb libaax ka qaatay islamarkaana u dhabar adeygay Jaaliyadaha dibada ee Reer Maakhir gaar ahaan Jaaliyada Reer Maakhir ee Magaaladda London ee Dalka Bretain .
Markan Machadka Iqra Wuxuu marayaa Meel Xaasasiya waxaana lagu rajo weyn yahay in dhawaan lasoo gaba gabeeyo, hadaanu nahay bahda LaasqorayNet Waxaanu dad weynaha soomaaliyeed ee khayrka jecel gaar ahaan reer Maakhir in ay ka qeyb qaateen dhameystirka Machadka Iqra.
Deegaanka Maakhir Waxaa la odhan karaa waayadan dambe waxaa ka socda Kacaan Waxbarasho yadoo sanadkan gudihiisa laga furay Dhowr machad iyo Jaamacadii Maakhir University ee mudada dheer reer Maakhir ku taamayeen.
Hoos ka Daawo Sawirada Machadka Iqra Institute
LaasqorayNet
Laasqoray.Net@gmail.com
Laasqoray.Net@gmail.com






November 29, 2010 at 1:00 am
Keep up the good work. Badhan has now 1st university, several technical colleges, a major boarding school and several high schools.
November 28, 2010 at 7:19 am
As/cl : waa wax lagu farxo machadka IQRA oo hore aan uga aragnay furitaankiiisii iyo waraysigii BBC-du la yeelatay Prof. C/rashiid Shiikh Saalax …….markaa waxan jeclaa inaan baraarujiyo in Jaamacad weli la sugayo tan hadda la furayna ay noqotay waxbarashada dadka waaweyn ( Upgrading adults ) , waana loo baahnaa in ardayda dugsiyada ka dhacday iyo dadka bushashka ku jira meel lagu ururiyo , waxase dulmi ah in Jaamacad lagu sheego………..university waa sugeyaan reer maakhir weli………
November 28, 2010 at 7:13 am
as/cl : waa himilo aad u weyn iyo riyadii oo rumowdey , dhallinyarada wadda Machadka IQRA waxan leenahay Jazaakumullah khayr ………….. waxanse u sheegi lahaa qoraaga inaan wax Jaamacad lagu magcaabo Badhan ka jirin ee taas dadka u sheeg , waxa la furay waa waxbarashada dadka waaweyn oo la rabo in lagu kobciyo ardayda dugsiyada sare ka dhacday iyo dadka waaweyn ee waxbarashada ka weynaadey ee buushashka ku habsaamay , markaa waa Adlaskii aan Xamar ku niqiin ee Jaamacad Ma aha sxb………… University weli waa sugayaan reer Maakhir………….
November 28, 2010 at 7:10 am
caqligii reer badhamoodka baa la timi yaa garan meeshaan boodhka weyn mid kale boowe badhan soo maahaa xaafadii yareyd goormay noqotey meel lakala garan waayo war anaaaga yaab aragnay waxaan ku oran laaha meesha tag oo ka qayb qaado hawsha halkaan halasoo fadhiyin ii sheeg meeshaas halkay ku taala waa wax laga fiicanayahay walla
November 27, 2010 at 11:37 pm
Xaggee laga dhisayaa Machadkan.nin badhan ku dhashay ayaan ahay . masaajido qaabkan u dhisan kuma ogayan magaalada.
cid garanaysaa majirtaa xaafadan