Colaadihii ka socdey gobolka Hiiraan ayaa la dareemayaa iney dib usoo cusboonadeen isla markaana aad looga cabsi inuu dagaalo hor lehi ay kasoo curtaan gobolka Hiiraan oo ah gobolada ay dagaalada sokeeye aafeeyeen.
Wararka nooga imanaya Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay tibaaxayaan diyaar garow balaaran ay wadaan ciidamada ururka Alshabaab oo iyagu gacanta ku haya degmada Beledweyne iyagoo ciidamadoodii ku jiheeyey tuulada Kalabeyr oo aan sidaa uga fogeyn Beledweyne.
Xoogaga Alshabaab oo ku gaashaaman baabuurta dagaalka ayaa lagu soo waramayaa iney kaabiga ku hayaan ciidamo beeleedyo iyo kuwa suufiyada oo ku sugan goobu dhow Ceelgaal iyo Kalabeyr.
Colaadahan dib uga soo cusboonaadey Gobolka Hiiraan ayaa waxay imanayaan kadib markii dagaalo ba’ani ay ka dhaceen gobolada Koonfureed iyo kuwa Bartamaha ee dalka Somaliya iyadoo xoogaga Alshabaab iyo kooxo la sheego iney taageersan yihiin Dowlada ee Suufiyada iyo Ciidamada Dowladaba ay ku herdamayeen.
Gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale waxa uu leeyahay Ahmiyad weyn iyadoo uu gobolkani yahay kan ugu balaaran ee Koonfurta Somalia isla markaana ciidamo badani oo Ethiopian ahi ay ku sugan yihiin xuduudka uu gobolkaasi la wadaago ismaamulka Somalida ee Ethiopia.
LaasqorayNET-Beledweyne
