Xafladan oo si heersara ah loo soo agaasimay islamarkaasina lagu weyneynayay dib u soo celintii dhismihii hore ee safarada somaliya Kenya ayaa lagu qabtay dhismaha safarada.
Munaasabadani oo ahayd mid calanka looga taagayay dhismaha safarada Isla markaasina Lagu weyneynayay Dib u soo celintii dhismaha ayaa waxa ka soo qeyb galay madax sar sare ,siyaasiin , aqoonyahano , ganacsato iyo marti sharaf kala duwan.
Waxaa kamid ahaa Madaxweynihii hore Ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed,Wasiiro soo maray Dowlada KMG ah sida C/raxmaan C/shakuur,Maxamed Cumar Dalxa,Mustaf Dhuxulow,Safiirka Talyaaniga Stifano Dejak iyo madax kale.
Dib u soo dhicinta dhismaha safarada somaliya ee Kenya oo muda socotay ayaa waxaa doormuhiim ah ka qaatay Danjire Maxamed cali nuur Americo iyo Ganasade can ah oo isna gudbad ka jediyay Goobta.
Ugu horeyn xaflada ayaa waxaa calanka somaliya laga taagay Albaabka hore ee dhismaha safaarada halkaasi oo heesta calabka lagu garaacay goobta, iyadoo ay calanka siwada jir ah u saareen Masuliyiintii goobta joogtay iyo Danjiraha Somaliya Kenya Mr Maxamed Cali Nuur.
Heeso guubaabo iyo dardaaran isugu jiray iyo qudbooyin ay jeedinayeen madaxda safarada, Xilibaanada, ganacsatada iyo dublamaasiyiinta kasoo geybgalay ayaa durbaba laguda galay iyadoo uu jawigo ahaa mid macaanaa si wada jir ahna loo fadhiyay teendhooyin laga taagay dhismaha safarada.
Danjire Cali Americo oo goobta hadal gaban ka jeediyay ayaa kula dardaarmay bulshada in ay hantidooda xajistaan isla markaasina ay horumarsadaan dhankastaba, isagoo u mahadciliyay cidii garabka kusiisay soo dhicintii dhismaha iyo dhulka safarad.
Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Stifano Dejak ayaa waxa uu si aad ah u soo dhaweeyay dib u helida dhismaha Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya waxaana uu sheegay in Dowlada Talyaaniga ay gacan ka sii gaysan doonto sidii Safaarada Soomaaliya ay u noqon lahayd goob lagu shaqeysan karo.
Waxaa Munaasabada ka hadashay Xaaskii Safiirkii hore Ee Soomaaliya u fadhiyay wadanka Kenya oo loo xeray safaaradan badbaadinteeda awgeed waxaana ay jaleecday taariikhdii dhibka badnayd ay ka soo martay safaarada hadda dib loo soo celiyay dhismaheeda waxaana ay la ilmaysay xasuusta arintaasi.
Dhammaan waxgaradkii,aqoonyahanadii iyo siyasiyiintii ka hadlay Munaasabada ayaa waxa ay soo wada bandhigayeen farxadooda ku aadan in la soo dhiciyay dhismo dhumay oo sharci daro looga Iibsaday dad aan danta Umada eegin.
Farxada iyo damaashaadka darted ayaa waxaa goobta heestiisii shankaroon ka qaaday pro. Maxamed Cumar Dalxa.
Dhamaan shacabkii kasoo qeybgalay ayaa farxad iyo damaashaad isla dhexmarayay iyagoo isugu hambalyeynaya dadaalka lagu soo celiayay iyo cidii soo dhicisayba.
7dii Diseembar 2010 ayey eheyd markii ay maxkamad ku taal magalada Nairobi ee dalka Kenya go’aan ku ridday dhulkii iyo dhismihii Safaaradda Soomaaliyeed oo si sharci darro iyo dhac ah ay u kala iibsadeen ganacsade muwaadin Kenyan ah dhalashadii horese ay Hindiya iyadoo dhulkaas iyo dhismahaba ay maxkamaddu u xukuntay Soomaaliya.
Ugu dambeyntii waxay ummadda Soomaaliyeed Mahad balaaran u jeedinaysaa dowladda iyo shacbiga dalka Kenya gaar ahaan maxkamadda go’aanka ridday iyo qareennadii difaacay mulkiyaddaas Soomaaliyeed.
DAAWO SAWIRADA DHISMAHA SAFARADA IYO SIDA AY HADA KU SUGAN TAHAY
Axmed Muse Gure
Somaliweyn Nairobi Kenya
+254717460513


