Maamulka xarakada shabaabul mujaahdiin ee gobolka Shabelada hoose ayaa tababar ugu soo gabagabeeyey ciidamo aad u farabadan oo ka tirsan xarakada alshabaab islamrkaana sheegay in dagaalkani uu yahay mid xaq ah oo u dhexeeya ciidamada Ethiopia Iyo Kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Xarakada alsabaab
Gudoomiye ku xigeenka gobolka Shabeelada hoose ee Xarakada Shabaabul mujaahdiin Sheekh Cabdi qani Abuu Yaxyaa oo qudbad ka hor jeedinayay ciidamada tababarku usoo dhamaaday oo boqolaal askari gaarayey oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa sheegay in dowladda KMG Soomaaliya ay ku fashilantay dagaaladii ay kula jirtay aL-shabaab.
Sh,cabdi qani abu yaxyaa ayaa ugu baaqay Ciidamada Al-shabaab inay ka faa’idaystaan fursadan oo ah mid aan soo marayn qof kasta oo islaam ah oo ula jeeday dagaalka oo ah mid weyn oo u dhexeeya ciidamada ethiopia ,kuwa AMISOM kuwa dowlada KMG ah iyo kuwa ahlu suna oo isku dhinac ah iyo xarakada alshabaab oo dhinac ah
Si kastooy ahaataba Hadlka kasoo baxay xarakada Al- shabaab ayaa kusoo beegmaya xili magaalada Muqdisho iyo qaar ka tirsan gobolada koonfurta iyo bartamaha somalia ay ka socdaan dagaalo xoogan oo faraha lagaga gubtay
Yaasiin Maxamed, Muqdisho, Somalia
